MIISAANIYAD SANADEEDKA SOMALILAND EE 2008 OO LA HOR KEENAY GOLAHA WAKIILADA. TAAS OO KU DHAW LABAN-LAABKA MIISAANIYADII SANADKII HORE

Hargeysa(sl.no) 07may 2008 – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale ayaa maanta horkeenay Golaha Wakiilada Somaliland odoroska miisaaniyad sanadeedka 2007 ilaa 2008 ee dawlada dhexe iyo dekeda berbera oo dhameyd 300,252,463, 142 Shilinka Somaliland ah una dhiganta in ka badan 50 Milion oo Dolar, taas oo Miisaaniyad-sannadeedkii hore ee 2007-da ka badan lacag dhan 19 Milyan oo Doolar.

Fadhigii Maanta ee Wakiillada oo uu Gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku wargeliyey mudanayaasha Golaha Wakiillada iyaga oo raacaya qodobka 55-aad ee Dastuurka Somaliland, farqadiisa 1-aad ay jideynayso inay Golaha Wakiiladu ka doodi karaan wax ka bedel iyo kaabisna ku sameyn karaan kuna ansixin karaan go’aan gole.

Ka dib wargelinta Guddoomiyaha, Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil], oo isaguna sharaxaad ka bixiyey miisaaniyad Sanadeedka 2007 ilaa 2008, ayaa yidhi,

“Mudane Gudoomiye, Gudoomiye Ku-xigeen waxa farxadweyn ii ah inaan hor-imaado qoladan Sharciga, Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan idiin soo gudbiyo Miisaaniyadii 2008.”

Wasiirka Maaliyadu Md. Xuseen Cali Ducaale waxa uu ka cudur daartay dib u dhaca Miinaasiyada miisaaniyada ku yimi xiligii la horkeeni lahaa Golaha Wakiillada, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaabu aad uga cudur-daaranaynaa Miisaaniyada oo wakhtigeedi dib uga dhacday duruufo jira awgood, oo ta ugu weyni ay tahay Ciidamadii oo kordhay, beelihii ay reerahoodi inoo soo galeen ee Somaliland maadaama aanaan ciidamadii rasmiga haynin korodhkiisii, ay nagu adkaatay inaan Miisaaniyad Sameyno, oo ilaa ciidan rasmiya laga helayo way nagu adag tahay inaanu Miisaaniyad Sameyno.”

“Miisaaniyadu 50% [boqolkiiba koton] waxay ku baxdaa Ciidamada iyo nabadgelyada waa sanadkii, hadaanaan taa haynin way adag tahay inaad Miisaaniyad sameyso, wey nagu adkaatay inaan idiin keeno Miisaaniyad aan si fiican u miisaanayn, Ciidamadeenu iyo shaqaalaheenu waxay sanadkii hore ahaayeen 26000, maanta waa 32000 waxaad arki kartaa korodhka meeshaa ka jiraa” ayuu sii raaciyay Wasiirku hadalkiisa.

Xuseen Cali Ducaale waxa uu ka codsaday Golaha Wakiiladu inay dulqaataan ay dib udhaca ku yimi wakhtiga miisaaniyada, isla markaana ay cudur-daarkaa ka aqbalaan.

“Waxaan idiin sheegaynaa in Miisaaniyadan wax cashuur kordhin ahi ku jirin xaashaa umadeena oo duruufahaa ku jirtaa abaaraha, sixir-barar inaan cashuur saarno waa wax aan dhici Karin, Miisaaniyadaa wax cashuur ah oo aan ku kordhinay ma jirto muddo sadex sanadood ah inaanu marwalba dhino maahee cashuur inaan kordhino may dhicin” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu Xuseen Cali Ducaale oo sheegay inaanay muddo sadex sanadood ah wax cashuur korodh ah sameyn.

Cashuur dhimistu waxay keenaysaa inay dawladnimadeenu fadhiisato “Haddii ay maanta intan awoodeenu ka abaaladhan tahay cashuurta waanu dhimi lahayn, waxa weeyee dawladnimadeena oo ku saleysan Dekedaa Berbera iyo Kalabeydh, cashuurihii berriguna aanay weli tisqaadin, Cashuur dhimistu waxay keenaysaa inay dawladnimadeenu fadhiisato, markaa Cashuur aanu kordhinay ma jirto taana ogaada” sidaa ayuu yidhi Xuseen Cali Ducaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan idiin sheegayna in miisaaniyadii loogu talagalay labada doorasho [Deegaanka iyo Madaxtooyadu] ay ku jirto halkan [Miisaaniyad-sanadeedkan 2008], waanad ka arkidoontaan, maantana haddii doorasho la qabanayo diyaar ayaanu nahay oo waxba dhulka nagama yaalaan dawlad ahaan”

Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku eedeeyey deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee dhinaca doorashooyinka Somaliland ka taageera inaanay bixin lacagta ay kula heshiiyeen inay ka caawiyaan qabashada doorashooyinka, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. “Deeq bixiyayaasha waxaanu heshiis kula galnay inay bixiyaan 75% [boqolkiiba shan iyo todobaatan] bixiyaan inaguna [Dawlada] 25%, had iyo jeer [deeq-bixiyayaashu] ma buuxiyaan boqolkiiba shan iyo todobaatankaas, dawlada ayaa kordhisa”

Wasiir Cawil, waxa uu ku dooday inay Xukuumad ahaan ay hore u soo qabteen saddex doorasho oo aan midna la isku qabsan, isla markaana ay waqtigana diyaar u yihiin khatimaada doorashooyinka soo socda.

“Waxa farxadweyn ii ah inaan halkan idiinku soo gudbiyo odoroska Miisaaniyada 2008 ta dawlada dhexe iyo ta Dekeda Berbera oo guud ahaan wadartoodu isku dhan tahay 300,252,463, 142 oo Shilinka Somaliland ah, oo isugu jirtaa.

1. Dawlada Dhexe 280,610,081,921 Shilinka Somaliland.
2. Dekeda Berbera: 19,642,381,221 Shilinka Somaliland.

Dawlada Dhexe 280,610,081,921 Sh. SL+Dekeda Berbera 19,642,381,221 =300,252,463,142 Shilinka Somaliland ah.” Ayuu yidhi Wasiir Cawil.

Mar uu Wasiirka Maaliyadu ka hadlayey odoroska Miisaaniyad Sanadeedkan 2008 waxay ka kooban tahay waxa uu yidhi “Odoroska Miisaaniyada aynu kor ku soo sheegnay waxa uu ka kooban yahay dakhli iyo kharash qiyaastoodu isku dheeli tiran tahay”

Wasiir Cawil mar uu ka hadlayey korodhka miisaaniyadii hore 2007 iyo miisaaniyadan 2008 u dhaxeeya, waxa uu yidhi “Mudanayaal odoroska Miisaaniyada dawlada dhexe ee sanadka 2008-da aad ayey uga badan tahay tii sanadkii dhamaaday ee 2007 waxaana keenay qiimaha baahiyaha iyo duruufaha wakhtigu wato ee isbedelaya Markaa odoroska miisaaniyada 2008-ka waxa uu kutala galkiisu dhan yahay 280, 610,081,921, taas oo qadar aadu badan ka badan Miisaaniyada sanadkii hore oo gaadhaya 77,850,233,217 Shilinka Somaliland kana soo jeeda baahida joogtada ah ee la koreysa Xaalada dalka oo u baahan in dedaal loogalo sidii loo hirgelin lahaa”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Korodhkaa 77,850,233,217 Sh. Sl, hadaad dib u raacdaan 2003-dii Miisaaniyadu waxay ahayd 19 billion Sh. SL Waad arkeysaa halka ay ka soo booday mudada Miisaaniyadii sanadkaa 2003 ayaa maanta noqotay korodhka Miisaaniyada 2008, xaqiiqdii waa dedaal ay sameeyeen Wasaarada Maaliyada iyo Madaxdeeda inaan 5-sanadood halkaa ku soo gaadhno idinkuna waad nala qabateen.”

“Dawlada dhexe waxa sal u ah cashuuraha iyo adeega kala duwan ee ay dadweynuhu bixiyaan, maadaama aynaan lahayn khayraad dabiici ah oo aynu manaafacadsano wakhtigan xaadirka ah, iyada oo kii kali ahaa ee aynu lahayn ee Xoolaha nool weli xayiraadi saaran tahay”ayuu yidhi Xuseen Cali Ducaale . ayuu hadalkiisa ku sii ladhay Wasiirka Maaliyadu.

Md. Cawil waxa uu ku dooday inay dalka Somaliland ay ku jirto macdan, Saliid soo saaristii weeyee ta dhibtu naga heysato.

“Sida aynu wada ognahay dalku waxa uu halkaa ku soo gaadhay danwadaagnimada dhaqaale ee aynu hidaha u leenahay, waxaan aaminsanay iskaashigeena oo si mideysan u sii xoojino inuu qeyb laxaad leh ka qaadanayo kobcinta dakhligeena, mudanayaal markaasi waxaan idinka codsanayaa in gurmadka dakhli uruurinta iyo wacyigelinta cashuur bixinta si dhab ah oo qaranimo leh loogu wada guntado,” ayuu yidhi Cawil.

Md. Cawil waxa uu sheegay in caalamka lacagta laga helo isgaadhsiimaha, balse ay isgaadhsiinta dalka wax kharash ah ka helin.

“Mudanayaal waxa jira sanadkan 2008 kharashyo soo kordhay oo aan ku jirin miisaaniyadii hore 2007 oo lama huraan noqday, 1. tirade Ciidamada oo korodhay, 2. tirada Shaqaalaha Dawladda, 3. kharashyada fidinta maamulka iyo nabadgelyada 4. kharashka raashinka ciidamadda iyo keydka,5. fidinta gaadiidka wasaaradaha, 6. kharashka dhismayaasha iyo dayactirkooda, 7.kharashyada adeegyada, 8. kharashka dayactirka wadooyinka, 9. kaalmada dugsiyada dhimirka iyo indhoolayaasha, 10. kabka korodhka qiimaha raashinka, 11. taakuleynta hawlaha ciidamada” ayuu yidhi Cawil.

Hase ahaatee, Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa naaqishaad iyo dib u eegis ku samayn doona Miisaaniyadan ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadiu, isla markaana waxa ay Golaha horkeeni doonaan muddo todobaad ah ka dib, iyada oo Mudanayaasha Goluhu ka doodi doodaan wax ka bedalka iyo kaabista ay Guddidu ku soo samyso, ka dibna la meel marin doono hadii la isku waafaqo.

Si kastaba ha ahaatee, fadhigan maanta ee Golaha Wakiillada ayaa ahaa mid ka duwan fadhiyadii hore ee ay ku qaabili jireen Wasiirka Maaliyada Md. Cawil, iyaga oo fadhiyadii hore Marka Wasiirku yimaado laga dareemi jiray buuq, qaylo iyo kacsanaan, ayaa maanta guud ahaanba ahaa mid degan, oo ku bilaabmay kuna dhamaaday si aad u xasiloon oo bilaa buuq ah, iyada oo Mudanayaashu sharaxaadii Wasiirka u dhagaysanayay si daxadir leh.

Xigasho: Hadhwanaagnews

Faallo u dhaaf