Waxan Rajeynayaa in Boolisku aanu Imikana Si Khaldan Wax u Qaban

Wareysi Jariidada VG-gu la yeelatay Xamse Maxamed:xamse.jpg

waxan aad uga wer-wersan kala qeybsanaan iyo kala fogaan soo kala dhexgasha dadka noorweejiga ah iyo dadka soomaalida ah. Wuxu yidhi waxa muhiim ah in la xusuusnaado in tuhunka lagu koobo shakhsi. Laakiin aan lagu shaabadeyn in Soomaalida iyo Muslimkuba Argagixiso yihiin.”

Oslo (sl.no) 29.feb.08 – Markii Hantidhawrka dawladu ololaha baadhista sanadkii 2001 ku qaaday degaanka Soomaalida magaaladan Oslo. Xamse Maxamed oo 25 jir ah waxa si khaldan loogu xidhiidhiyey inu gacan saar la leeyahay Argagixisada. Haddaba, xilligan wuxu booliska ka rajeynayaa inay hubsiimo kaashadaan.

Hawlgalka booliska ee wakhtigaa oo dhacay wax yar ka dib 11 sept. 2001 ayaa waxa ka qeyb galay in ka badan laba boqol oo askari. Kuwaas oo ay ku soo qab-qabtay todoba qof oo Soomaali ah oo Xamse ka mid ahaa.

Waxan filayaa in boolisku wax ka barteen khaladkii hore. Kaas oo dadkii loo xidh-xidhay maxkamadu ku wayday tuhunkii ahaa gacansaarka argagixisada. Sidaa waxa jidhi Xamse oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga SV. Xisbigaa oo ka mid xisbiyada wadaaga ah ee soo dhisay dawladdan imika dalka xukunta.

Siyaasigan oo ka wer-wersan kala qeybsanaan iyo kala fogaan soo kala dhexgasha dadka noorweejiga ah iyo soomaalida u soo haajirtay. Wuxu yidhi waxa muhiim ah in la xusuusnaado in tuhunka lagu koobo shakhsi. Laakiin aan lagu shaabadeyn in Soomaalida iyo Muslimkuba Argagixiso yihiin.

Habkan Xawaaladu waa dariiqa kaliya ee ay somalilada norway joogtaa ugu diri karaan lacag eheladooda sababtoo ah dalka dagaaladii sokeeye ayaa burburiyey oo hay`adihii dawliga ahaa ma jiraan. Habkan bankina haba sheegin.

Ololahan qab-qabasho ee boolisku ku dhaqaaqeen maanta, warbaahin dhawr ah oo wax ka qorey waxay ku sababeeyeen, inay dabada ku hayso tuhun lacago loo xawilo Ururka Al Shabaab. Lacagtaa oo loo mariyo xawaaladaha. Ururkaas oo dagaal hubeysan kula jira dawladda iyo xooggaga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya. Xooggaga Itoobiyaanku waxay taageeraan dawladda ku meelgaadhka ah oo aan haysan taageerada dad badan oo soomaali ah.

somaliland.no
oslo

One Response

  1. Somalis are one the largest groups in norway. Why do you guys take this shit from Norwegians. Go out mobilize and demonstrate- fight back- peacefully. But the problem you guys are divided.
    Ali

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: