WARGEYSKA GEESKA AFRIKA OO WARAYSI UU ARIMO BADAN KAGA HADLAYO LA YEESHAY ISMAACIIL BUUBAA

“Safarkii Jendayi Frazer ee Hargeysa wuxuu ahaa mid tusaalaynaya siyaasad cusub oo ay dawladda Maraykanku ka damacsantahay inay mandaqadda ka fuliso gaar ahaan ” I.H.Buubaa

Jiddah(Geeska)- Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda dawladda Imbigaati Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa markii u horaysay si rasmi ah uga hadlay warar muddooyinkii u dambeeyay si weyn u soo shaac baxayay oo nuxurkoodu yahay inuu geedi ku soo yahay Somaliland kuna tallo jiro inuu ka noqdo mawqifkiisii federaalka Somaliya….

Md. Buubaa, oo hadda ku sugan magaalada Jiddah ee wadanka Sucuudiga, waxa uu arrimahaas iyo guud ahaan aragtidiisa siyaasadeed kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika, xalay kula yeeshay khadka Telefoonka, waxaanu Md. Buubaa Somaliland ugu baaqay inay door diblomaasiyadeed oo muuqda ka ciyaarto dejinta mandaqadda, isaga oo caalamkana ugu baaqay inay Somaliland u noqdaan oo ay waraystaan islamarkaana loo furo mashaariicda horumarineed.

Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:

Ismaaciil, waxa jira warar si weyn loo hadal hayo oo warbaahintana lagu baahiyay, kuwaas oo sheegaya inaad ku soo socoto Somaliland oo aad ka noqoto mawqifkaagii hore ee federaalka Somaliya. Arrintaas bal nooga waran?

Awalba kamaan maqnayn Somaliland, waxaanse arkayay in danta Somaliland ku jirto midnimada. Maxamed Ibrahim Cigaal, wuxuu yidhi sidaan wadkayga u hubo ayaan u hubaa in umadda Somaliyed mar isu iman doonto, laakiin maanta wixii suurto gal maaha, waxaanad moodaa in arrimaha ka taagan koonfurtu aad u halaynayaan midnimadii, kolkaas si kasta oo aan u aaminsanahay in danta umaddu ku jirto midnimada haddana haddii aanay suurto gal ahayn wakhtigan inay timaado, waaqica waa in la aqbalaa. Markaas waxay ila tahay in Somaliland iyada oo danaheeda gaarka ah ku jirta inay ka shaqayso degenaanshaha iyo dawladnimo ay hesho koonfurtu oo ilaa hadda laga la’yahay. Haddii ay Somaliland dawladnimo run ah doonayso oo ay rabto in mujtamaca duwaliga ah ee dunidu aqoonsado waxa ay ila tahay inay ka soo baxdo masuuliyadda ah degenaanshaha mandaqadda oo ay ka shaqayso, waxaana kow ka ah dalka Somaliya.

Ma jiraa wax xidhiidh ah oo ay kula soo sameeyeen dad reer Hargeysa ah oo isugu jira aqoonyahan iyo wax garad, kuwaas oo kugula taliyay inaad dib ugu soo noqoto Somaliland?

Way jiraan dad faro badani, waayo magaaladu waa magaaladaydii oo maalin walba waa la igala soo xidhiidhaa, maalin aan la igala soo xidhiidhina ma jirto.

Ismaaciil, markaas haddii ay jiraan xidhiidho socdaa, ma laga yaabaa inaad bedesho fikirkaagii hore ee federaalka oo aad u soo noqoto Somaliland?

Waa laga yaabaa, laakiin fikirka ah in midnimada umadda Somaliyed kol uun isu timaado waan aaminsanahay, laakiin haddii ay suurto geli weydo maaha inay hor istaagto wixii loo qaban lahaa Somaliland sida dib u dhiska jidadka, dekedda Berbera oo ah deked ay mandaqadu leedahay, Cisbitaalo la sameeyo. Markaas maaha in arrimahaas la is hortaago, waxaanan ku talinayaa in lala hadlo oo loo yeedho sida Maraykanku uu sameeyay ee uu Madaxweynuhu dhawaan u tagay, imikabana uu Carabta u tagay.

Waxaan anigu hadda taaganahay inay maanta haboon tahay in caalamku Somaliland dib ugu noqdo oo loo yeedho oo la waraysto gaar ahaan Carabtu, ciddii waano gaar ah u haysaana waaniso, laakiin dadka intaas xasiloonida ku noolaa in loo furo mashaariicdii ayaa loo baahanyahay, arrinta ictiraafka waxay ila tahay nin dhakhtar ah oo PHD ah oo London jooga oo la yidhaahdo Dr. Maxamed Cumar, ayaa si wanaagsan arrintaas wax uga qora oo arrinta maanta laga hadlaya mabay ahayn ictiraaf ee waxay ahayd in umadda wax lala qabto oo la caawiyo.

Ma jiraa wax xidhiidh ah oo idin dhex maray adiga iyo Madaxweyne Daahir Rayaale?

Maya ee toos umaanu wada xidhiidhin.

Ismaaciiloow, safarkii Ms. Jendayi Frazer ay ku timid dhawaan magaalada Hargeysa sidee ayaad u aragtaa?

Safarkii Jendayi Frazer ee Hargeysa wuxuu ahaa mid tusaalaynaya siyaasad cusub oo ay dawladda Maraykanku ka damacsantahay inay mandaqadda ka fuliso gaar ahaan meelaha xasilooni xoog ahi ka jirto in la xoojiyo oo wax lala qabto sida Somaliland, taasina waxay tusaale u tahay koonfurta. Maxamedoow (Weriyaha waraysanayay), sidaad ka warqabto wadanka Somaliya marka laga hadlayo dhinaca Somaliland waa dhinaca istaraatajiga ah oo boqolaal markab oo baatroolkii dunida sida ayaa had iyo jeer Berbera hor mara, waanay jirtaa in dawlad culus oo sida Maraykanka oo kale ahi kolay danaynayso Somaliland, markaas waxaad moodaa in Maraykanka iyo Somaliland dhinacaas iskaga xidhanyihiin.

Ismaaciil, dad badan oo diblomaasiyiin tiro badani ku jiraan ayaa qaba in ictiraafkii Somaliland aanu dheerayn. Adigu fikirkaas ma qabtaa?

Ictiraafku wuxuu ku imanayaa dhaqanka siyaasiga ah ee aad la timaado sida isku kalsooni oo macnaheedu tahay inaadan albaab isku xidhin ee aad dunida u furnaato, taas ayaana ictiraafka soo dhawaynaysa, waxaanay ka dhaxaysaa dadka Somaliyed.
Somaliland waa inay ka shaqaysaa sidii ay u kasban lahayd dad badan oo koonfurta Somaliya jooga oo sidii markii horeba la isugu yimid in lagu qanciyo in laba wadan la kala noqdo, kol haddii Somaliland midnimadii diidantahay.

Ma laga yaabaa amaba suurto gal ma tahay inaad dhawaan timaado magaalada Hargeysa?

Maxamed [Weriyaha] I dhagayso, maxaa ii diidaya inaan Hargeysa imaado, waan iman doonaa wakhtiga ay suurto gal noqoto, laakiin waxay ila tahay dhinacaan imika joogo ee ah dawladda federaalka inaan Somaliland u hadal yaraan oo waxay la tahay ee ay Somaliland iyo koonfurtuba ku hagaagayaan sheegto oo waxa ku haboon in loo qabto Somaliland ay sheegto, arrimahaas inay Somaliland sheegato waa lagama maarmaan.

Ugu dambayn, maxaad dadka Somaliland leedahay ee aanu kaa gaadhsiinaa?

Dadka Somaliland waxaan leeyahay, dawladnimadu waa masuuliyad, ee maaha gudaha oo keliya hagaajintiisa oo ay Somaliland si wanaagsan u waddo, laakiin waa in mandaqadda aad ku nooshahay ka ciyaarto door. Diblomaasiyadu waxay macno ku leedahay sidaas, dano badan ayaa kaaga xidhan, markaas iyaga oo Somaliland ah oo doonaya inay gooni isu taagaan Somaliya amaba koonfurta danaheeda waa inay iyadu daba socotaa ee maaha inay cid kale u dhaafto, diblomaasiyaduna waa inay noqoto mid danaheeda fushata, markaas waa inay dadka reer Somaliland door ka ciyaaraan arrintaas. Aqoonsiga ay Somaliland doonayso waxyaabaha muftaaxa u ah ayaanay arrimahani ka mid noqonayaan, waayo marka la yidhaahdo Somaliland ayaa u faro dhuudhuuban waxay u sii jiidaysaa ictiraaf iyo qiimo, laakiin in la yidhaahdo ha soo hadal qaadin waxay ahayd marxalad hore waxaana hadda loo baahanyahay marxalad cusub.

Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

One Response

  1. Waa kuma Ismaaciil Buuba?

    Ismaaciil Buubaa wax uu jiray geedi siyaasadeed illa 1991 kii. Waxa uu ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyadda ee Somaliland. Isaga iyo saleebaan gaal oo isna xilligaas ahaa wasiir ayaa, ilsla sanadkii1991 u tegay Muqdisho si ay ula soo xaajoodaan Gen. Caydiid.
    Dadkii wax ka ogaa arrintani, waxa ay sheegeen in Mr Buubaa uu markaasba ka tashaday Somaliland, halka qaar kalena qabaan in aanu haba yaratee aaminsnayan in Somaliland ka madax banaanaato Somaliweyn.

    Waxa uu hormuud ka ahaa Fikradii lagu hoobtay ee Federalka, waxaa uu afhayeen u ahaa shirkii uu Gen. caydaiid samaystay ee lagu dhisay dowladii salbalaadh.
    Markii uu Mr Buubaa uu waayay xilkii madaxweyne ku xigeenimmo, oo laga siiyay Cabdiraxmaan Tuur, Kii wassarada arimaha debeddana Jaamac yare.
    Waxa uu Mr Buubbaa u baqoolay Xagga waqooyiga muqdisho.
    Sidaas ayay ku socotay siyaasada reer guuraanimada ku dhisan ee Ismaaciil Buubba.

    Hadda waxa u quusgooyay Mr Buubbaa waa laba arrimood.
    1) Dawladda itoobiya oo iska soo taagtay xidhiidhka dhow ee uu dunida Carabta la lahaa.
    2) Iyo xidhiidhkan cusub ee Somaliland iyo USA

    Waxa iska cad in hadda uu Ismaaciil raadinayo daaqad uu ka soo galo masraxa siyaasadeed ee Somaliland.

    Su’aashu waxa ay tahay, hadda oo doorasho soo dhowdahay , ma sidii ay u kala horrorsadeen Udub iyo Kulmiye Cabdiraxmaan Tuur ayay haddana yeeli doonaan???? oo Buubbaa u kala dheerayn doonaan.

    Waa la eegi doonaa

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: