Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Dalka Norway Oo U Xaqiijiyey Masuuliyiinta Xisbiga UCID In Norway Goob Joogayaal U Soo Diri Doonto Doorashooyinka Ku Soo Fool Leh Somaliland.

795_img_0351_1_Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Dalka Norway Oo U Xaqiijiyey Masuuliyiinta Xisbiga UCID In Norway Goob Joogayaal U Soo Diri Doonto Doorashooyinka Ku Soo Fool Leh Somaliland(Sawiro). Oslo(Ramaas) Feb.14, 2009 – Weftigii ka socday Xisbiga UCID ee ay hogaaminayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Gudd. Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii shalay Kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibeda Ee Norway, masuuliyiin ka kooban shan sarkaal. Saraakiishan oo kala metelayey Qeybta Arimaha Afrika, Qaybta Nabadaynta iyo Heshiisiinta iyo Qeybta Xuquuqda Aadanaha iyo Doorashooyinka. Masuuliyiintan ayaa weftiga u qadimay in ay aad u soo dhaweynayaan booqashadooda xarunta wasaaradda arimaha dibeda, isla markaan ay xiisaynayaan doorashada fooda ku soo haysa Somaliland. Masuuliyiintani waxay labada guddoomiye ka codsadeen in ay xog ka siiyaan hawlihii diiwaangelinta iyo halka horumarka Somaliland imika marayo. Md. Cabdiraxmaan Ciro iyo Md. Faysal Cali Waraabe waxay ugu horeyn ka xog warameen hawshii diiwaangelinta iyo qalabkii loo adeegsaday oo runtii sida ay sheegeen qalabkan loo adeegsaday diiwaangelintu uu ahaa mid ku cusub Qaarada Afrika. Qalabkaa oo suurta gelinaya in si fudud loogu ogaado looguna xakameeyo qofkii damca in uu codkiisa iyo wax ka badan ku coddeeyo. Waxa kale oo ay faaf-faahin ka bixiyeen caqabadihii ay la kulmeen intii diiwaan gelintu socotay iyo siyaabihii loo xaliyey. Waxaanay u caddeeyeen saraakiisha reer Norway in doorashadu ku dhacayso wakhtigii loogu talo galay, Haddii laga tegi waayo ay dib u dhici karto laba todobaad oo lagu saxo khaladaadkii farsamo ee diiwaangelinta, taas oo aan suurtagal ahayd xilligii diiwaan gelintu socotay, hase yeeshee marka Server-ka lagu shubo uu kala hufi doono. Mar ay ka hadlayeen dhibaatooyin xagga degaanka ah oo ka jira Geeska Afrika iyo mashaakilka ka dhalan kara haddii aan si deg-dega wax looga qaban. Iyagoo ka codsaday dawladaha Yurub wax kala qabashada dhibaatadaa laxaadka leh. Meelaha u baahan in deg-dega wax looga qabtana ay ugu horeeyaan Nabaad Guurka iyo Biyo yaraantu. Weftigu waxa kale oo ay uga warameen masuuliyiintaa falkii is miidaaminta ahaa ee Argagixisadu 29-kii Oktoobar ka fuliyeen Hargeysa iyo sidii wixii ka dambeeyey ay dawlad iyo shiciba isaga kaashadeen adkeynta nabadgelyada iyo ka hortaga ciddii waxyeelaynaysa. Waxaanay dawlada Norway ka codsadeen in ay kaalmo ka gaystaan hawlahaa amni sugida iyo ka hortaga kooxaha argagixisada ah. Dhanka saraakiishii ka socotay qaybaha kala duwan ee wasaarada arimaha Dibadu, waxay u caddeeyeen weftiga in dawlada Norway ay si mug leh ula socoto is bedelada ka socda Somaliland, waxna kala qaban doonaan wixii karaankood ah, iyaga oo halkaa ka caddeeyey in ay u soo diri doonaan doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland saddex illaa afar qof oo uga qeyb gala goob joognimo. Dhanka kale, weftigu waxay gelinkii hore ee maalinimadii shalay ay xarunta baarlamanka kula kulmeen xildhibaano ka tirsan baralamanka oo ay ka mid ahaayeen Mr. Akselsen, Olav iyo Ms. Nybakk, Marit, iyagoo iska wareystay xaalada gobolka, doorashooyinka Somaliland ku soo aadan iyo waxyaabo kale oo fara badan. Ugu dambayntii shirkaa oo socday muddo dhawr saacadood ah, wuxu ku dhamaaday is afgarad iyo in la sii xoojiyo xidhiidhka iskaashi ee labada dal. Ramaasnews Desk Oslo, Norway. ramaasnews@gmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: