War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Guddidii Dood-Cilmiyeedka Miisaanka Maansada Soomaalida Oslo Norway.

dhameystir20heshiis206Oslo(Ramaas) Dec.05, 2008 – Waxa shalay (04.12.2008) lagu saxeexay war-saxaafadeed ka soo baxay dood-cilmiyeedkii miisaanka maansada ee ku qabsoontay jaamacadda Oslo, iyo kulan turxaan bixin ah oo loo qabtay labada aqoonyahan Prof. Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaariye” iyo Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed ”Carraale” 29.11.2008 kuna qabsoomay guri ku yaal magaalada oslo.

Saxeexa war-saxaafadeedkan oo ay qalinka ku duugeen labada aqoonyahan, isla markaana ay si buuxda isugu raaceen waxa uu xambaarsan yahay, waxa lagu saxeexay garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Oslo(Gardermoen).

Waxaana labada aqoonyahan ka saxeexay qoraalka guddoomiyihii guddida hawshan waday Prof. Xusseen Xasan Guuleed.  Xafladii saxeexa war-saxaafadeedka ka dib waxa ramaasnews waydiisay su´aalo kooban labada aqoonyahan iyo Guddoomiyaha guddiga Prof. Xusseen Xasan waxaanay u dhaceen sidan:

Waxan ku bilaabay Prof. Carraale:

S/: Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed hawshii aad halkan u timi ee ahayd miisaanka maansada ee guddida balaadhani ka qeyb qaadatay ee labada weji lahayd, jaamacadda oslo-na aad dooda ku qabatay sidan heshiisku u dhacay raali baad ka tahay saw maaha?

J/: Raali baan ku ahay sheekadaana dhamaan baa loogu heshiiyey.

Prof. Gaariye:

S/: Prof. Maxamed Xaashi arintii ku saabsanayd miisaanka maansada adiga iyo carraale bartanaa wada taagan tihiin, hawshii guddi reer Oslo ah ayaa qayb weyn ka qaatay oo xusseen xasan madax u yahay, maxaad ka leedahay heshiiska?

J/: Heshiiskaa waan ku qanacsannahay, ilaahay guddida heshiiskaa soo saartayna ha ka abaal mariyo, raggii qaban-qaabiyey ilaahay ha ka abaal mariyo. Hawluhuna waxay ku wanaagsan yihiin marka la isla buuxiyey ku wanaagsan yihiin, marka la is bar-baryaaco kuma wanaagsana. Maanta waxa noo bilaabmay aniga iyo cabdillaahi inan is buuxino, annagoo heshiiskaa ka duulayna iyo talodaa aad noo soo jeediseen.

Prof. Xusseen Xasan Guddoomiyaha Guddida:

S/: Prof. Xusseen Xasan adiga oo labada aqoonyahan heshiiskooda arkaya maxaad ummadda u jeedinaysaa? 

J/: Waxan odhan lahaa horta waa mahadsan yihiin hawshan maanta inaga dhacday ee labada professor u taalay ee ay maanta oslo ku soo af jareen, mana hagaagteen oo guddidu waxay qaban lahayd ma jireen, haddii aanay labada professor raali ka noqon oo aanay xaggeeda wanaagsan ka eegin. Waxaanu ummadda soomaaliyeed ka codsanaynaa wax allaale iyo wixii muran ee noocaas ah ee ama siyaasi ama ijtimaaci ah, wax aan wadahadal lagu daweyni ma daweysmaan ee wadahadal iyo isu tanaasul ha lagu dhameeyo khilaafyada.

 Halkan hoos ka akhriso warsaxafadeedkii guddida oo dhan.

http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=447

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: