Bare Sare Cabdilaahi Diiriye Aw Guuleed ”Caraale” Ayaa Xalay Soo Gaadhay Oslo Si Uu Uga Qeyb Galo Dood-Cilmiyeedka Miisaanka Maansada Oo Ku Qabsoomi Doonta Magaaladan

Oslo(Ramaas) Nov.25, 2008 – Waxa Xalay markay goor sheegtu ahayd 8-dii fiidnimo, soo gaadhay magaalada Oslo Prof. Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed ”Caraale”. Caraale wuxu ka soo kicitimay dalka Danmark oo uu degenaa siddeedii sanno ee ugu dambeyey. Socdaalkani maaha kii ugu horeeyey ee Caraale ku yimaado Oslo, hase yeeshee sanadkii 2004-tii ayuu markii ugu horeysay yimi, isaga oo gardaadinaya buugga uu qorey ee ”Miisaanka Maansada Iyo Gorfeynta Gabeyga, balse socodkaalkani wuu ka duwan yahay kaa hore.  Waxaana uu u socdaa dood-cilmiyeed dhex mari doonta isaga iyo Prof. Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaariye”.

Sida aynu la wada socono waxa muddo soo taxnaa doodo dhex mushaaxaysay mareegaha Internett-ka iyo warbaahinta wax ka qorta dadka Af Soomaaliga ku hadla, doodahaas oo ku aroorayay kumaa daahfuray Qaaciidada Miisaanka Maansada Soomaalida. 

Haddaba, labadan abwaan oo udub dhexaad u ah doodahaa, isla markaana mid waliba  gaarkiisa u sheeganayey in uu yahay kii ku horeeyey daahfurka qaacidadan, ayaa caawa ku wada sugan magaalada Oslo.

Waxa loogu bushaareynayaa dhamaan bahweynta Af Soomaaliga ku hadasha in shabakada Ramaasnews iyo warbaahinta kale ee Soomaalida, lagu baahin doono wakhti dhaw Goobta iyo Wakhtiga Dood-Cilmiyeedkaasi qabsoomi doonto.

 

Cabdirisaaq Cismaan Fadal
Tifaftiraha Shabakada Ramaasnews
Oslo, Norway

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: