Miisaanka Maansada iyo Bare Sare Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Caraale”

filesMuddo badan ayaa waxaa qoraalo badan laga qoray miisaanka maansada iyo daahfurkeedii. Arintan waxaa loo tiriyaa inay daahfur ku sameeyeyeen Labada aqoonyahan ee Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Caraale” iyo Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”. Labadan aqoonyahan runtii ummada ku hadasha afka Soomaaliyeed waxay u soo bandhigeen hab fudud oo bulshada ku hageysa inay ilaashadaan habdhaca iyo hab socodka maansada ay ummadaha aduunka kaga suntan yihiin kolkii lagu magacaabey “bulshadii Gabayga”. Bahda mareegta farshaxan oo had iyo jeer ku dadaasha inay ilaalinayso una hawl gasho kobcinta iyo dayactirka afkan hodanka ah ayey u suurtogashey inay wareysi dhinacyo badan taabtay la yeelato Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Caraale” , waxaanay uga mahadcelinyaan sidii qiimaha iyo sharafta laheyd ee uu ugu hurey waqtigiisii qaaliga ahaa ee suurogaliyey wareysigani.
Hordhac:

Gu’ayaalku kala mudanee 1945kii waxaa aduunka ka soo gabagaboobay dagaalkii labad ee aduunka , waxaa si ayaandaro ah naftiisii iyo tii afadiisaba galabsadey Adolf Hitler ,waxaa aduunku isla af gartey in la sameysto xarunta qaramada midoobay,waxaa gabay aad u caan ah oo hirgalay taariikh badanina ku dheehan tahay tiriyey abwaan Maxamed Cabdi xaashi (IHUN) si xeeldheer ahna uga waramey qadiyadii gumaysigii ingiriiska,waxaa ka mid ahaa maansadaa:

Qunsulkaa la dhigay ceelka Herer qiil kalaa xigiye
Waxba yaanu ii kala qarradhin qoolashaan dego,e
Markuu geed qalloocsamaba waan sii qandhanayaaye
Qayrkay haday toban yihiin qodob ma riixeene
Qanjo uma lahaadeen halkane qaar ayaa wada,e
Qoqobaha dhexdiinaba marbaysugu qudh beeshaane
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
Xiligan waxaa dhashay Mujaahid Col. Siciid Cabdilaahi Cigaal (IHUN) oo dhawaan- 23 Bisha February 2008- ku geeriyooday magaalada Vaxjo ee dalka Sweden
Waxay sidoo kale dhalashadiisu ku beegnayd Bare sare Cabdilaahi Diiriye Guuleed –caraale oo ku dhashay Gaashaamo ee dalka Somaliland,waxaanu ku barbaarey kuna hanoqaadey Burco.

Bare sare Cabdilaahi wuxuu dugsigii dhexe iyo hoose ku qaatey magaalada …… xiliyadii 1958kii ilaa 1965kii,halkuu waxabarashadii dugsiga sare ku qaaatey halka iminka loo yaqaan lafoole oo berigaa la odhan jiray NTEC-National Teachers’Education Center- 1965 ilaa 1968kii.
Intaa markay isaga iyo buug kala gaadheen ayuu ku shaqo tagey inuu noqdo bare-macalin- dugsiga sare ee Village arab girsl’s school , hase yeeshee gu’gii 1970kii ayuu dib ugu laabtey NTEC oo noqotey markii ugu horeysay Jaamicadii lafoole ,
Waxaa ardeydii ay xiligaa wada galeen ka mid ahaa :
-Faarax Abokor kheyre (Faarax Askari)
-Cismaan Aadan Iimaan
-Maxamed Xaashi dhamac (Gaarriye)
-Cabdi Axmed Xuseen (Ina aw hawd)
-Axmed Aadan Axmed

Wareysigiina sidan ayuu u dhacey:
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): marka hore ku soo dhawoow mareegta farshaxan aadna waanu kuugu mahadnaqaynaa sida aad waqtigaaga qaaliga ah noola wadaagtay?

Cabdilaahi Diiriye :Weydiinta ugu horraysa waraysigan waxa aan kaga warcelinayaa:Waad mahadsan tahay Fu’aad.

Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Inta aynaan u guda galin nuxurka wareysiga bal taariikh nololeedkaaga wax nooga taabo?
Cabdilaahi Diiriye :Waxa aan 1945 ku dhashay Gaashaamo oo aan isku da’ nahay, waa xilligii la degaye. Dugsiga hoose-dhexe waxa aan ku qaatay Gobolka Togdheer. Dugsiga sare ” ” ” ” National Teacher’s Education Center (NTEC) Jaamacadda kowaad ” ” ” ” Colleg of Education- Lafole (BSc) ” labaad ” ” ” ” University of California at Los Angels-UCLA(M.A)

Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Miisaanka maansadu siday kuugu dhalatay inaad wax ka qorto?

Cabdilaahi Diiriye :1972 kolkii “The metre of English poetry” na loo dhigayey ayay igu dhalatay in gabayga ama maansada Soomaaliyeedna yeelan karto wax miisaama hab-dhismeedkeeda. Sidaas baan ku bilaabay, kagana jibo keenay.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Arintan markaad wadey cidna ma la wadagtay amase ma u sheegtay inaad wado cilmi baadhistan?
Cabdilaahi Diiriye :Maya e hawshan cidna lama wadaagin. Balse barayaashii aanu dugsiga sare ee Marka ka wada dhigeyney waan u sheegay markii aan ku guuleystey helista miisaanka gabayga ee aan dhammeeyey “Gorfaynta Gabayga.” Waana 1975.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): markaad dhameysay yaad u gudbisay?
Cabdilaahi Diiriye :Waxaan u gudbiyey Jaamicada Ummada oo iga iibsatey.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Jaamicada ummada yaa kaa gudoomay buugaagtan Gorfeynta Gabayga iyo Miisaanka Maansada ?
Cabdilaahi Diiriye :Faduma Ahmed Alim(Faduma-ureji) oo ahayd guddoomiye-ku-xigeenka qaybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(JUS) ayaa uga guddoontey. Iyada ayaa loo geyn jirey buug kasta oo jaamacaddu iibsaneyso, una xuli jirtey guddd qiimaysa. Labadayda qoraal iyo qaar kale oo yar baa gaadhey qiimaha ugu sarreeyey oo markaas ahaa 10,000 So. Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Waxaa kaloo arintan wax ka qoray Maxamed Xaashi “Gaarriye” , ma is ogaydeen? Adiguse tiisa ma ogayd? Mase maqashay inuu isagu taada ogaa? Cabdilaahi Diiriye :Markii aan “Gorfeynta Gabayga” dhammeeyey ayaa Faarax Abokor Khayre(Faarax-askari) oo intuu Marka nagaga tegey Xamar gaadhey ayaa Gaarriye u sheegay in Carraale buug miisaanka gabayga ah dhammeeyey. Kolkaas ayuu Gaarriye bilaabay in uu maqaallo ku soo qoro Xiddigta Oktoobar.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Xidigta Oktoober ayuu Gaarriye ku qoray cilmi baadhistiisa ,meel kastana Xidigtu way gaadhi jirtay , ma heshay taxanaha qoraalkiisu ku soo baxey oo mudo socday (17/01/ 1976 illaa 29/05/1976)?
Cabdilaahi Diiriye :Maya. Xilligaas xafiis dawladeed ma hubo e, suuqa Marka Xiddigta Oktoobar ma oollin, lagamana heli jirin. Maalin danbe oo aan Xamar imidse waan arkay midh, danna kama gelin waayo qof walba seyladdu waa u furan tahay.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Goormaa kuugu horaysay eed maqashay inuu arintan Gaarriyena wax ka qoray,isagu taada wuu maqlay isla 1978 kii markay wargeyska xidigta Oktoobar ku soo baxdayee?
Cabdilaahi Diiriye :Weydiinta hore iyo warcelinteeda ayaan qaybta hore ku sheegay. Qaybteeda labaad, kolkii aan 1978 Xiddigta Okoobar ku qori jirey maqaalladayda Xamar baanu wada joogney, hawshanna marnaba kama aanu wada hadal.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Dadkii aad lafoole ku wada jirteen ma jiraan dad idinla ogaa arinta si gaar iyo si guudba?
Cabdilaahi Diiriye :Lafoole cilmi-baadhisi kama dhicin, waayo arday walba hawl ku filan baa hor taalley oo ahayd in uu waxbarashadiisa ka adkaado. Weyddiinta aan oogey dad ogaana way jireen.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Marna ma kuu suurtogashay inaad ka qaybgasho gole uu Gaarriye ku falanqaynayey arintan markaad ku sugnaydeen labadiinuba kuliyada Lafoole?

Cabdilaahi Diiriye :Annaga oo Lafoole ku wada jirna, ma ay dhicin gole uu Gaarriye wax ku soo ban-dhigay. Bal goorta ay ahayd, goobta ay ahayd, waxa uu hayey iyo dadka uu wax la falanqaynayey ha sheego. Saddexdii lot ama class ee xilligaa Lafoole ku jirey badi waa nool yihiine qaar ha magacaabo, ha una markhaati fureen. Kolkii aanu labadayaduba Lafoole ka baxnay 1974 ayaan anigu baadhistayda guda-galay fursadna u helay u gondodeggeeda.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Dadka marag ka furi kara arintan eed tilmaami kartaa waa kuwama ,kuwa uu Gaarriyese tilmaamay ma ka war qabaan cilmi baadhistaada ogaakaa?
Cabdilaahi Diiriye :Dadka maragga ii furi kara waxa ka mid ah: b. bare iyo maamule Faduma Ahmed Alim(Faduma-ureji) oo maraggii ii furtay. Ka dhegeysta www.somaliradio.dk t. bare Faarax Abokor Khayrre(faarax-askari) j. bare iyo maamule Hassan aw Daahir Qaalib x. aqoonyahan Rashiid Sh. Abdillahi(Rashiid-gadhweyne) iyo qaar kaloo badan. Kuwa isagu tilmaamayana in ay dooc iyo dareen ka hayaan anigu ma qabo.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Arintan gole loo dhan yahay marna ma ku soo
bandhigtay?

Cabdilaahi Diiriye : Baadhistayda waxa aan ku soo bandhigay laba gole oo qof kasta oo wax is taawiyey cilmi-baadhisna ka sameeyey qayb kasta oo bulshada Soomaalida la xidhiidha lagu soo bandhigay. Waana labadii aqoon-is-weydaarsi ee lagu kala qabtay HoteL Jubba 1979 iyo Hotel Uruba 1980. Waa kolkay gole-ka-fuulka ahayde. Waraaqahaygii inta la qaybiyey ayaan anna labadaba ka akhriyayey. Gaarriye ka mid buu ahaa dhegeystayaasha labada shirba. Haddii uu wax la gole imanayo, yaa ka hor taagnaa? Fadlan eega, “Somalia and the World, compiled and edited by Dr. Hussein M. Adam.”

Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Aqoonta aad Gaarriye isku leedihiin way dheer tahay ,waxaad ku kulanteen kuliyadii Lafoole,qol wadaag noqoteen , markaa miyeydaan marna arintan iska waraysan?
Cabdilaahi Diiriye : Markii aanu qolka wada degganeyn”freshman” baanu ahayn, hawshanina nagumaba jirin. Sannadkii labaadna(sophomor year) laba takhasus oo kala ah “English major” iyo “biology major” baanu u kala leexanay. Waanad garan kartaan laba arday oo aan isku maadad ahayni waxa ay wadaagi karaan. Waan sheegay in sannadkii labaad ee Lafoole(1972) wayddinta miisaanku igu dhalatay, kolkaasna isku qolba maanu degganayn.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Xiliyadaa aad qortay buugaagta iyo qoraalada ku saabsan miisaanka marna ma ka hadashay in Gaarriyena arinta ku sameeyey cilmi baadhis ka duwan taada ?
Cabdilaahi Diiriye : Warcelintaydu: Waa maya. Xamar intii aanu wada joogney ka hor iyo ka dibtoona marnaba arrin miisaanka ku saabsan islama aanu soo qaadin labadaydu gaar ahaan iyo gole ahaantoona.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Qoraalo iyo buugaag ma ka qortay miisaanka
maansada?

Cabdilaahi Diiriye : Haa. Qoraalladayda miisaanku waa: 1. “Gorfaynta Gabayga” (1976) 2. “Miisaanka Maansada Soomaaliyeed” (1977) 3. Maqaallo-seminal articles in Xiddigta Oktoobar(1978) 4. iyo laba warqadood- papers- aan ka qaybiyey, kana akhriyey labadii aqoon-is-weydaarsi ee aa warcelintayda 11 ku sheegay. Fadlan eeg “Somalia & the World” edited and compiled by Dr. Hussein M. Adam.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Imisaa la daabacay buugaagta ? Qoraaladase?

Cabdilaahi Diiriye : “Gorfaynta Gabayga” mooyi e saddexda qoraal ee kalaba waa la daabacay, waana la hayaa.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Sida aad labadiinuba qirteen labada cilmi baadhis ee
salka ku haya miisaanka maansadu way kala duwan yihiin , ma isku wadaan inaad
arin meel isla dhigtaan.kol haddaanay jirin bulsho aqoonteeda leh oo isku imanaysa
arintana isla eegaya islana gorfaynaya?

Cabdilaahi Diiriye : Horta labadayada hawlood kol hadday kala duwan yihiin maxaa meel la isla dhigaa? Ta kale ee soo hadhay waa yaa ku horreeyey daah-furka miisanka maansada e ha la eego qoraalladayada iyo maraggoodaba.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Cilmi baadhista Gaarriye ma akhriday ? Maxeyse cilmi baadhista aad sameysay kaga duwan tahay? Cabdilaahi Diiriye : Waxa ay labadayada qoraal ku kala duwan yihiin, aqoonyahannada miisaanka/qaab- dhismeedka maansada axadha-waa maanso dhaadhiga e-ayaan u deynayaa.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Haddii cidiba is tidhaa ka garnaqa arintan talo ahaan maxaad soo jeedin lahayd ,maxaadse shuruudo uga dhigi laheyd aqoonyahanadaa isxilqaadaya?

Cabdilaahi Diiriye : Horta waxa meesha yaallaa ma aha maanso, ama maansayahan ee waa maansayahannimo (poetics). Aqoonyahanka arrintan geli karaa waa in uu noqdo maanso-dhaadhi leh (literay and poetic critiques).
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Kala duwanaanshaha labada cilmi baadhiseed isku qirteen, Siday kuula eekaan laheyd haddii aad labadiinuba midba cilmi baadhista ka kale eego waxna isla meeldhigtaan ? Tani miyaanay aqoonta waxtar u noqoteen?

Cabdilaahi Diiriye : Arrintani aqoonyahan hawlahan ku xeeldheer bay u taalle, annaga farahayga kuma jirto. Balse, midkaayaba in uu tarkiis bulshada u soo bandhigo ayaa nala gudboon. Go’aankana bulshada iyo aqoonyahankeeda ayaa ka dhabta ah ee u cuntama in ay qaadato iska leh.
Bahda Mareegta Farshaxan(BMF): Guntii iyo Gabagabadii maaha markii ugu horaysay ee aqoon ay laba qof si kala duwan u soo saaraan ku kulmaan fagaaraha aqoonta sida aqoonta Kalkulaska(Calculus) , sideed u aragtaa in arintan lagu xalin karo?

Cabdilaahi Diiriye : Tani waa isla warcelimihii hore uun. Balse haddii aan mar labaadna baaciyo waa sidan:Gabagebadii, bulshada Soomaaliyeed iyo aqoonyahankooduba ha eegeen, hana ka bogteen waxa qoraalladayadu kala xanbarsan yihiin, kuna kala duwan yihiin. Waa ka muc iyo cilmi-baadhis dhab ah xanbaarsan in ay doortaan. Anigu buug Gaarriye qorayba ma arage, kolka uu u soo ban-dhigo bulshadu ha kala xulato. Haddii ay doortaan maqaallo 1976 la qoray iyo laba buug oo midna seyladda maanta yaallo, midna aan mareegaha (websites) sudhay, uguna deeqay in ay ka faa’iideystaan waa dookh bulsho. Waanad mahadsan tahay Fu’aad-

THE END
Runtii arintani muddo ayuu waday Bare sare Caraale ,maansooyin badana wuu eegay isagoo tixgelinta siinaya siday u dhisan yihiin iyo qaabka loo hormo galiyey ku dhawaaqista alanada iyo shaqalada dhaadheer ,ka dib waxaa u cadaatey inuu jiro xeer ay raacayaan .
Bal hadda u fiirso tixahan:
Meeris Maanso
Waan soo sidaa xeedhyihii , saabka loo tolay e
Qaybta hore ee meeriska Qaybta danbe ee meeriska
(Hojiska) (Hooriska)
Markaad u fiirsato meeriska ,waxaad arkaysaa in meeris kasta oo maanso ka kooban hoojis iyo hooris , mid waliba leeyahay alano( syllable ) iyo shaqalo dhaadheer,
Markaad tiriso meeriskan inta ala nee ku jirta waa casaanka (shaqalada dhaadheer ) oo mid loo tiriyo iyo kuwaa gaagaban ooiyagana mid ahaan loo tiriyo ,sidaa darteed qaybta hoojisku waxay ka kooban tahay todoba alan oo kala ah 1- aa 2-oo 3 – i 4-aa 5-ee 6-i 7- ii
Iyo shan shaqal dheere oo kala kala ah:
1- aa 2-oo 3-aa 4-ee 5- ii
Markaa hoojiskani wuxuu ku salaysan yahay salka ugu horeeya shanta sal sargooyo ee gabaygu ku yimaado oo ah 7/5 ,macnaheeduna yahay wuxuu leeyahay todoba alan iyo shan shaqal dheere , bal iminka aynu eego hooriska meerisk. Horiska meeriskani wuxuu ka kooban yahay lix alan iyo laba shaqal dheere oo kala ah:
Alano: 1- aa 2-a 3 – oo 4-o 5-a 6-e
Shaqal dheere: 1- aa 2-oo
Markaa hooriskani wuxuu ku salaysan yahay salka kaliya ee hooriska gabay ku yimaado oo ah 6/2 , macnaheeduna yahay wuxuu leeyahay lix alan iyo laba shaqal dheere ah din ugu laabo gabayada aad taqaano oo dhan eegna qaab dhismeedka hooriska oo mar walba fuliya ama raaca xeerkan kor ku xusan :

Hase yeeshe hoojiska gabaygu wuxuu ku yimaadaa shan sal miisaameed iyo afar salalkaa ka mid ah oo mararka qaarkood yeesha farcan1 .Shanta sal miisaameed ee uu ku yimaada waa sidan:
1) 7 /5 waa odoba alan iyo shan shaqal dheere
2) 8/4 waa sideed alan iyo afar shaqal dheere (farcan ah 8/5)
3) 9/3 waa sagaal alan iyo saddex shaqal dheer (farcan ah 9/4)
4) 10/2 waa toban alan iyo laba shaqal dheere (farcan ah 10/3)
5) 11/1 waa kow iyo toban alan iyo hal shaqal dheere (farcan ah 11/2)
Fiiro Gaar ah: Bahda mareegta farshaxan waxay idiin diyaarisay qoraal ay ku jiraan tusaalayaal badan ee la soco si arintani fahankeedu u sii fududaado .
B.F: Aad baad u mahadsan tahay Cabdilaahi
C.D: Idinkaa mudan waanad dadaasheenee halkaa ka wada hawsha.
Gabagabadii bal ku eegno xeerarkan aqoon korodhsi dheeraada inoo kordhiyey maanso uu tiriyey Maxamed Cabdi Xaashi afartameedyadii aad uga waramayey gumaysigii Ingiriska iyo xadhig maleegyadiisa :
Qunsulkaa la dhigay ceelka Herer, qiil kalaa xigiye
Waxba yaanu ii kala qarradhin, qoolashaan dego,e
Waxaad si fudud u arkaysaa in hoojisku ku slaysan yahay 10/2 oo macnaheedu yahay toban alan iyo laba shaqal dheere ,hooriskuna sidii u caadada aheyd ku salaysan yahay 6/2 oo macnaheedu yahay lix alan iyo laba shaqal dheere ..
Waxaan si fiican uu inoogu cadeeyey in Gabaygu iyadoo la eegayo inta ala nee uu kooban yahay ay xukumayso inta shaqal dheere ee uu yeelanayo , marka tirade alanadu kordhaan ,tirade shaqal dheeruhuna way yaraaneysaa sidaa darteed tirade alanadu waa lid waydaar ku yihiin tirada shaqal dheeraha ,oo markuu mid kordho ka kale wuu yaraadaa,markuu mid yaraadana ka kalaa kordha.

Qalinkii iyo Tifatirkii: Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
www.farshaxan.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: