Waxaa soo gaaray magaalada Oslo cariga Norway Cabdirizak Abdi Mohamed oo ka mid ahaa dadkii dhaawacu ka soo gaadhay qaraxyadii argagixisada ahaa ee dhacay 29.10.08

Oslo, (norway 03/11/08) Waxaa soo gaaray magaalada Oslo cariga Norway Cabdirizak Abdi Mohamed  oo ka mid ahaa dadkii dhaawacu ka soo gaaray Qaraxyadii argagixisadu ka fuliyeen magaaladda Hargeisa bishii hore 29keedii. Wakiilka Somailand ee Norway Maxamed A Linen oo ambalaaska ku sii sagootinaya dhibanaha
Cabdirizak waxa uu ahaa Muwaadin haaysta dhalashada wadankan Norway waxaana uu ka mid ahaa ragii bilawgii  sagaashaneeyadii soo galay waedankan Norway. Cabdirisaq waxa uu bil iyo badh ka hor u ambabaxay Somaliland magaala madaxdeeda Hargeisa waxaanu maalmihii u dambeeyay qorshihiisu ahaa in uu soo laabto bishii tagtay 24 keedii hase yeeshee uu dib u dhacay isagoo sii jeclaaystay dalka hooyo.   

 

 

                                                                                                                     

Ambalaaskii lagu qaaday dhibanaha oo wakiilka Somaliland M.A. Linen ku booqday Abdirisaaq.

Cabdirisaq waxa ka mid noqday dadkii ku dhaawacmay hayadda UN ee UNDP waxa uu markaasi ku sugnaa gudaha haaydda isagoo booqday oday ka shaqeeya hayddas oo aay qaraabo yihiin waxa uu cabdi yiri isagoo ka waramaaya qaraxaas waxaan tagnay aniga iyo sodogeey haayadda UNDP waxaana aan damcay in aan gariga ku oon dhiganay barxadda dhxdeeda ku nagaano laakiin hadana aan damcay in aan odayga sodogey sii raaco waxaan markaliya si naxdin leh u maqlay qaraxa oon hadana dhacay anigoo waxbaba kala garanaayn waxaan arkay xadhkihii dabka oo i haaysta dabkii ayaan la xarbiyay oon iska gooyay kama warami karo xaaladda laakiin waxaan ogaa in aan dhiig baxay oon jidhkaaygu faniin badan iyo dhaawac badan haaystay hadana indhahaaygu waxaay qabanayeen dadbadan oo dhiig baxayay inkastoo markaas aragaaygu fiicnaayn oo indhuhu aay dhaawac iga soo gaaray waxaanan leeyahay nasiib badan maadaama aan badbaaday waxaanan ogahay dadka reer Hargeisa Xukuumad iyo shacaba in aay dadaalayeen oonay waxba nagala hadhin waxaa jooga hargeisa iyo somalilandba shacab nabadda jecel shacab martida soo qaxday soo dhaweeyaysay laakiin loogu abaal guday waxaanay mutaaysan mana ahan dadka waxaas sameeyay dad wanaagsan .

 
Kabiloow Bidixda:  Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland mudane Xusein Adan Adib iyo Cabdirahmaan oo ku sugan dhakhtarka dhexdiisa.
    
Waxa uu cabdi carabka ku agkeeyay in dadka dhaawacan ee waliba xaaladoodu adagtahay lala gaaro mucaawino waxaanan codsigaas u jeedinayaa dadka reer somaliland ee qurbaha ku nool gaar ahaan reer Norway waxaanan ogahay xataa dawooyinka qaar in aay yihiin kuwa dhacay amaba aan ahaayn kuwii runta ahaa sidaa daraaeed aad dirtaan dawooyin iyo wixii laheli karaba. 
Ugu dambeeyntii waxa uu mahad balaaran u jeediyay cabdi dadka reer somaliland ee gacanta weeyn siiyay dhakhaatiir iyo shacaba waxaa kaloo uu mahad aan la soo koobi kareeyn u celinayaa dhakhaatiirta norway oo gacan weeyn i siiyay iina muujiyay daacadnimo gaar ahaan dhakhtarka Ulevol iyo AHus ee lorenskog oo aan hadda ku suganahay si wacana la ii baxnaaniyay.xaaladiisa caafimaad ayaa ah mid ka soo raaynaaysa maalinba maalinta ka dambeeysa isagoo maanta si gaar ah wax looga qabanayay dhaawaca isha ka soo gaaray waxaa kaloo laga guray faniino ku yaalay jidhkiisa si fiicana waa loo wadaa waxaana booqday maanta dad aad u fara badnaa oo qaraabadiisa iyo asxaaba iskugu jirtay.
Waxaa Cbdi si diiran u qaabilay jaaliyadda reer somaliland ee Norway waxaana ka mid ahaa safiirka somaliland ee Norway Mudane Mohamed Aden Linen oo isagu meel kasta oo la geeyo barbar taagnaa, Gudoomiyaha Jaliyadda Norway Xusen Aden Cadib, xubno ka tirsan qooyskiisa iyo asxaab iyo qaraabo aan la koobi karin.
Ugu dambeeyn waxaay jaaliyadda Norway u rajeeynaaysaa muwaadinka Cabdirizak in uu ilaah caafimaad sareeca ah siiyo si dhakhsa ahna uu hawlihiisii ugu soo noqdo aamiin aamiin.

 Waxaa diyaariyay
Xassan waraabacadde
SDWO OSLO
NORWAY

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: