TACSI KA SOCOTA DADWEYNAHA REER SOMALILAND EE NORWAY

 Waxaan cambareynaynaa falkii aadka u foosha xumaa  ee  maalintii arbacadda bisha 29.oktober  lala beegsadey  madaxtooyadda Somaliland, safaaradda Ethiopia ku leedahay Somaliland,iyo weliba xarunta UNDP. Falkaasi u ahaa mid gardarro cad ah oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qarranka iyo ummadda reer Somaliland   laguna  baabiyo horumarkeeda nabadeed, oo weliba la  wiiqo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland gebi haanteedba, waxa aanu  u arragnaa in uu ahaa mid dad masaakiin ah lagu laayay , oo ay dad muslinimmada ka fog ay soo abaabuleyn, waxaanu anagoo ka tiiranyeysan arrintaasi tacsi u direynaa dhamaan  qaraabadii iyo heladii dadkii ku geeriyoodey  weerarkaasi fuleynimmadda leh ee lagu qaadey Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu dhamaantayo hiil iyo hooba la barbartaagan nahey dadweynaha reer Somaliland, dawladda Somaliland, xisbiyadda qarranka , ciidanka nabadgelyadda, ardeyda, dhalinyarrada, odeyaasha, haweenka Somaliland. Waxaanu leenahay dadka waxaa ka dambeeyaa ama soo abaabulay ha ogaadaan in aaney qarrinamadda iyo madaxbanaanidda  iyo weliba nabadgelyadda Somaliland aaney waxaba u dhimi Karin
Waxaa tacsidda diriya dhamaan ummadda reer Somaliland ee deggen dalka Norway, sida wakiilka Somaliland u fadhiya Norway, gudoomiyaha jaaliyadda Norway, shaqaalaha xafiiska Somaliland ee Norway,  gudidda jaaliyadda ee Norway, laamaha xisbiyada ee Udub, kulmiye, Ucid ee Norway, odayaasha jaaliyadda, dhalinyarada , haweenka reer Somaliland ee Norway.
Jamhhuriyadda Somaliland guul, cadowgeeduna ha jabo.

Allaa mahad leh

Xafiiska Somaliland ee Norway
SAED Mohamed AMIN
Abdi-kuriya

 

 

 

Faallo u dhaaf