Shir balaadhan oo ka dhacay rugta safaarada Somaliland ee ku taal maaglada Oslo ee Norway

“Xalka Somalia waxa uu ku jiraa Somaliland ood aqoonsataan. Xildhibaanadda Embigaati yaanay wakhtiga iskaga lumin Nairoobi hana aqoonsadaan Somaliland” sidaa waxaa yidhi C/nasir Saciid Seef (Abdi-dheeg) oo ahaan jiray wasiir iyo xildhibaan dowlada TFG ee somalia, Abdi-dheeg oo hadalkiisii sii wataa waxaa uu yidhi  “Nabadda somalia waxaa loo marayo meel qaldan oo aan ahaayn Nairobi iyo IGAD balse aay tahay in marka hore la aqoonsado Somaliland taaso keeni karta in Somaliana laga nabadgalyo iyo deganaasho aay ku nagaadaan dhamaan wadamadda geeska afrika.

 

Oslo, (S/land.no 27/10/08) Shir  aad loo soo agaasimay,waxaa ka soo  qab galaya dad tiro badana oo degen Oslo  iyo agagaarkeed,shirkaas oo uu ka soo qayb gaaley wakiilka Somaliland u fadhiya waddanka Norwey Mudane Maxamed Maxamud (Lenin) iyo Mudane  C/nasir Sacid  Seef oo ahaan jirey xildhabaan ka tirsan dawada ku meek gaadhka  ah ee lagu soo aasaasey Inbagati, hadana u ololeeya gooni isutaaga Somaliland.

 Shirkaas waxaa furay Said Miin oo ka tirsan xafiiska Somaliland ee Norway kuna soo dhaweeyay waxaanu ugu horeeyntii uu ku soo dhaweeyay makarafoonka Wakiilka Somaliland ee Norway Mudane Maxamed Aden Linen oo si balaadhan uga warbixiyay waxqabadka xafiiska iyo sideey u socoto diiwaan galinta ka bilaabantay dalka hooyo waxaana uu cadeeyay in aanay ilaa hadda dhicin wax dhibaato ku keeni kara goobaha aay ka socdaan diiwaangalinta waxaana uu wakiilku carabka ku adkeeyay in diiwaan galintu si qurux badan u socoto kana soo dhacday gobolka Saaxil hadana lagu gudajiro gobolka Awdal sida wararku nagu soo gaarayaan aay si fiican wax walba u socdaan.

 

 

 

Wakiilku waxa uu tusaale u soo qaatay kaadh isaga loo sameeyay oo tijaabo ahaa oo runtii aad u quruxbadnaa dadkii ka soo qaaybgalayna aay qof qof u daawadeen aadna aay ula dhaceeyn habka loo sameeyay kaadhkaas oo kaba qurux badnaa kuwa aay isticmaalaan Bangiyadda reer Europe waxaana uu  lahaa kaadhkani (Biometer) aan la foojargareeyn kareeyn. Wakiilku waxaa kaloo uu sheegay in diiwaangalintu aay qaayb ka tahay soo dadajinta aqoonsiga Somaliland iyo warqadda Jinsiyadda oo caddeeyn u tahay in lagu kala garto dadka reer somaliland iyo dadyooga kalee afsomaliga ku hadla ee aaynu jaarka nahay. Waxaana uu hadalkii ku gunaanaday in uu ilaahay inoogu dhameeyo nabadgalyo.

 

Wakiilku waxa uu hadalkii ku soo dhaweeyay Mudane Cabdinaasir Saciid Seef oo ahaan jiray Xildhibaan Dawladii Carte iyo inbegaatiba kana soo noqday Wasiirka dhalinyaradda iyo cayaaraha  ee dawladii Cabdiqaasim iminkana ka mid ah dadka u olaleeya aqoonsiga Somaliland.

 

Mudane Cabdinaasir waxa uu ka waramay in somaliland aay sameeysay horumar dhinacyo badan xagga nabadgalyadda iyo kala dambeeynta Dawladnimo aana tahay wax lagu faani karo,waxaana uu kula taliyay dadweeynihii ka soo qaaybgalay shirkan ee  Somalilanderka ahaa in aay ka qaaybqaataan dib u dhiska dalkooda hooyo isagoo sheegay in jaaliyadda Somaliland ee Norway aay tahay tan ugu kartida badan jaaliyaddaha debeda ku dhaqan waxaa kaloo uu Seef cadeeyay in Somalia aay qabsatay 17 shir oo ilaa hadda wax natiijo ah aan laga haayn iminkana la doonayo in la qabto kii 18aad oo Nairoobi lagu qabanayo.

 

Mudane Cabdinaasir Seef waxa uu cadeeyay in jidka nabadda somalia loo marayo meel qaldan oo aanu ahaayn Nairobi iyo Igad balse aay tahay in marka hore la aqoonsado Somaliland taaso keeni karta in Somaliana laga nabadgalyo iyo deganaasho aay ku nagaadaan dhamaan wadamadda geeska afrika .Waxaa kaloo uu Mudane Seef ka dhawaajiyay in intii awoodiisa ah uu ku dadaali doono u olalaaynta qadayidda Somaliland ee ilaahay igaransiiyay dhinac walbaba waaya aragnimadeeyda siyaasadeedna aanan kala bakheeli doonin hadalkaas oo sacab badan uu ku kasbaday .

 

Mudane Seef waxa uu ugu dambeeyntii  cadeeyay in Somaliland xuquuqdoodii la duudsiyay loona baahan yahay xaasidnimadda la reebo oo runta laga sheego xaqiiqda dhabta ah  ee Sopmaliland  ka jirta waxaana uu ugu baaqay xildhibaanada inmagaati in diyaaradda Daalo u soo raacaan Hargeisa ee aanay wakhtiga iskaga lumin Nairoobi kuna dhawaaqaan Gooni isutaaga Somaliland oo waajib ah.

 Alla Mahad leh 

XAFIISKA SOMALILAND EE NORWAY

 MD. MAXAMED JAMAC WARSAME  (Bensal)

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: