Shir gudoonka gala wakiilada S.land oo la kulmay jaliyada Norway.

Oslo, 13.09.08, Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdirahmaan Cabdillahi Cirro iyo ku xigiinkiisa Kowaad Cabdicasiis maxamed samaale oo shalay booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway ayaa maanta xarunta shirarka  Tøyenbekken/Gronland kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Norway gaar ahaan magaalada Oslo waxaana kulankaas ka soo qaaybgalay dadweeyne aad u tiro badnaa oo si wanaagsan u soo dhaweeyay masuuliyiinta.
Ugu horeeyn waxaa halkaas ka hadlay oo daadihinaaysay shirka Faadumo Madar oo ah xubin ururka UCID ka tirsan waxaayna si kal iyo laab ah u soo dhaweeysay shirgudoonka golaha wakiilada somaliland waxaana ugu horeeyn goobta ka hadlay Wakiilka somaliland ee Norway Mudane Maxamed Aden Linen isagoo ka war bixiyay oo goobta ka sheegay xafiiska safaarada somaliland in aay rasmi ahaan u furantahay isla markaana dhalinyaro badani ka shaqeeyn doonto si fursad aay u helaan dhalinyaradda aqoonyahanka ahi .

Kadib waxaa hadalkii qatay Gudoomiyaha Jaaliyadda Hussein A. Adib oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha shirgudoonka Mudane Cabdiraxmaan cabdilahi cirro oo warbixin dheer oo ku saabsan hawlaha barlamaanka intii aay joogeeyn u qabsoomay waxuu kaluu cadeeyay in aay iska dhacdo in hawlaha wada shaqeeynta golayaashu aay sababeen in waxyaabo badani aay hore u socon waayeen ayadoo buu yiri aay hadda wada shaqeeyntu soo hagaageeyso,Mudane Cirro waxa uu ku dheeraaday safarkoodii Nairobi ee ugu dambeeyay oo guul ugu soo dhamaaday khaasatan ayagoo ahaa wadanka kaliya ee afsomaliga ku hadla ee ka qaaybgaly anagoo buu yiri barbar wadnay shirar duceedyo aan kula kulanay safiiradda Ruushka iyo Mareeykanka oo aanu isla jeexjeexnay arimaha somaliland ayuu ku soo gabagabeeyay Gudoomiyuhu.

Waxaa kaloo Hadlay Mudane Samaale oo Dadka ku baraarujiyay alla ka cabsiga bisha rabadaan iyo tusaalooyin badan oo lagu cibra qaato oo uu ka soo qaatay ayadaha quraanka kariimka isagoo dadka ku adkeeyay in sabir wax lagu gaaro iyo shaqo lana gaari doono himilooyinka somaliland iyo ictiraafkeeda inshaa alaahu Gudoomiye ku xigiinku waxa uu cadeeyay in aay aad u jecelyihiin dadka jaaliyadda reer Norway ilaahay dartii maadaama aay mar walba soo booqdan bisha Rabadaan ee qiimaha badan.
Kahor intaanay iman wafdigu goobta shirka waxaay soo booqdeen xarunta xafiiska wakiilka somaliland ee Norway oo si diiran uu ugu soo dhaweeyay Wakiilka Mudane Mohamed Liinen.
waa kuwan sawiradii oo dhan.

 

 
Diyaariyay: Hassan Waraabe Cade
OSLO
Norway

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: