JAALIYADDA SOMALIDA EE NORWAY OO WAXBA KAMA JIRAAN KU TILMAAMAY BUUG LAGU AF-LAGAADEEYEY

 Oslo, 12.09. 2008,  Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey ayaa habeen hore si weyn ugu diirsaday uguna farxay, kadib markii ay daawadeen barnaamij looga doodayey buug lagu af-lagaadey sharaftii iyo karaamadii Soomaalida Norway, kaas oo ay qortay gabadh sheegatay in ay Somali tahay isla-markaana is-qarineysa. Buugaan oo xalay dadka Noorwijiyiinka iyo Somalidii daawanaysay barnaamijka dooda ee Tabloid (TV-2) ayaa cod-bixin la qaaday kadib isku raacay 96% in dhamaan qodobada ku-qoran buugan lamagac baxay SE-OSS(na arka) ay yihiin been la soo mala awaalay oo raqiis ah, taas oo keentay in gebi-ahaanba buugii ay qortay gabadhan Somalida sheeganeysa loogu yeedhay (Boka er blank løgn) oo markii afka Somaliga loo fasirana noqoneyso (Buugani waa been qaawan).

Baashe Muusse oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland ee xalay ka qeyb galay barnaamijka looga doodayay buugan ayaa hadalo soo jiitay dareenka daawadayaasha halkaas ka jeediyay, isagoo ku guuleystay inuu taageero ka helo inta badan dadkii daawanayay barnaamijka iyo noorwijiyaankii la doodayey kuwaasoo inta badan taageeray fikradiisa, marka laga reebo haweeney Noorwijiyaan ah.

“Ma jirto waalidiin Soomaaliyeed oo doonaya inay dhaawacaan caruurtooda, waxa mas`uuliyadi naga saaran tahay jaaliyadeena Soomaaliyeed iyo mida Noorwijiyaanka, waxaana aan shaki-ku-jirin in buugan (SE-OSS) uu yahay buug meel uga dhacay sharaftii iyo karaamadii Jaaliyada Soomaaliyeed”, ayuu si degan uga jawaabay su`aal ku aadaneyd jawaabtan oo la weydiiyay aqoonyahan Baashe Muusse.

Katrine Fangen oo iyadu si weyn ugu taqasuustay Soomaalida, madaxna ka ah Urur xaquuqda beni-aadamka u dooda (Human Rights-Service) ayaa sheegtay in 16-sanno ay maqlaysay sheekooyin ku saabsan caruur iyo dumar la dhibaateeyay qaasatan Soomaalida, balse waxay buugan ku tilmaantay markii ay akhriday mid been-abuur ah oo meel uga dhacaya karaamada Soomaalida Norwey,waxayna ka codsatay dadka Noorwijiyanka ah inaysan rumeynin qodobada beenta ah ee ku qoran buugan.

Duqa degmada Vinje Kommune ee gobolka Telemark Mr Arne Vilje oo isna barnaamijka dooda ku soo biiray ayaa amaanay jaaliyada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in degmada uu xukumo si weyn looga jecel-yahay qowmiyada Soomaalida maadaama ay yihiin dad muruqooda maala, wabarashadana ka gaaray heer jaamacadeed,wuxuuna sidoo kale ku amaanay Soomaalida inay ku dhex-milmeen oo dhex-galeen bulshooyinka kula nool gobolka Telemark.

Gabadha Somalida sheegatay ee qortay buugan sida weyn loogu af-lagaadeynayo jaaliyadda Somalida Norway oo magaceeda lagu sheegay Amal Aaden ayaa wali lagu arag saxaafadda maqal iyo muuqaalba, waxaana dhowr jeer oo la weydiiyay arinkan dadka la caawiyey buugan ku sheegeen in ay tahay arimo la xidhiidha amaankeeda

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: