RAMAASNEWS.COM WAA SHABAKAD CUSUB OO KU SOO BIIRTAY SHABAKADIHII WARARKA

Oslo(sl.no) 10sept. 2008 – Shabakada cusub ee www.ramaasnews.com ayaa ku soo biirtay shabakadihii wararka ee SL. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “war la helaa talo la helaa”. Haddaba, Shabakadani waxay u balan qaadaysaa dhamaan akhristayaasheeda in ay ilaalin doonto anshaxa saxaafada, halku-dhigeeduna yahay dhex-dhexaadnimo iyo war isha xaqiiqdiisu sugan tahay. Kuma koobnaan doonto oo kaliya tabinta wararka siyaasadda ee waxa aad kala socon doontaa wararka dhaqaalaha, arimaha bulshada, caafimaadka, isboortiga iwm.

Haddaba, maamulka RAMAAS MEDIA wuxu dhamaantiin idin leeyahay ku soo dhawaada gacmo furan iyo qalbi furan. Taladiina iyo tusaalihiinana qiimeyn weyn ayaanu siin doonaa.

Maamulka Ramaas media 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: