Groonkii kubadda cagta ee Hargeisa Stadium oo aad u dayacan

Hargeisa, 04.09.08, Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa waxa ka muuqda dayac weyn oo ku habsaday, waxaanu u muuqdaa inuu sii abaadayo. Garoonkan oo ah garoonka ugu weyn ee ay Somaliland leedahay, Inkasta oo uu muuqaalka garoon leeyahay, haddana marka aad gudihiisa gasho inshaadu kuma farxayso muuqaalkiisa, waxaanay naftaadu isweydiinaysaa talloow miyaanay ciddina dan ka lahayn ? Waxa ay dabayli qaaday saqafkii saarnaa qayb ka mid ah garoonka ee loogu tallo galay in martida mudani (VIP) fadhiisato xilliyada ciyaaruhu ka socdaan. “Annagu wasaaraddan la sheegayo iyo wasiirkeedaba waxaanu aragnaa marka ay ciyaaraha goboladu socdaan ee ay wasaaradu urursanayso lacagta xayaysiiska shirkadaha garoonka isku xayaysiiya.” Dhaliyaro garoonka ku ciyaaraysay ayaa sida u sheegtay wargeyska geeska Afrika.

 

Waxa baaba’ay shabag dadka lagaga xidhay madasha kubadda lagu dheelo oo dhawr sanno ka hor la sameeyay, sidaas daraadeed haddii neef xoolo ahi, garoonka soo gallo wuxuu toos ugu tegi karaa ciyaartoyga kubadda baacsanaya.

Wasaaradda garoonkan masuulka ka ahi waxa ay u simansayntahay haykalka ay u dhisanyihiin wasaaradaha kale ee dawladda Somaliland waxaanay leedahay Wasiir, wasiir ku xigeen, Agaasime guud, agaasime waaxeed. Dhammaan masuuliyiintaasi shaqada keliya ee ay u xilsaaranyihiin waa ciyaaraha oo uu udub dhexaadkoodu yahay garoomadii lagu ciyaari lahaa, gaar ahaan garoonka kubadda cagta ee Hargeysa.
 
Hase yeeshe fadhiidnimada Wasaaradda ciyaaraha waxa si toos ah looga akhrisan karaa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa. Masuuliyiinta Wasaaradda ciyaaraha oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta ay wax uga qaban waayeen dayaca baabiiyay garoonkii kubadda cagta ee Hargeysa, ayaanay noo suurto gelin. Laakiin dhalinyaro ku ciyaaraysay garoonkaas Hargeysa Stadium, oo uu toddobaadkan gudaha garoonkaas Geeska Afrika kula sheekaystay ayaa muujiyay wel-welka ay ka qabaan in garoonka kubadda cagta ee Hargeysa nabaad guuro, “Annagu wasaaraddan la sheegayo iyo wasiirkeedaba waxaanu aragnaa marka ay ciyaaraha goboladu socdaan ee ay wasaaradu urursanayso lacagta xayaysiiska shirkadaha garoonka isku xayaysiiya.” Sidaas waxa yidhi nin dhallinyaro ah oo ka mid ah dadka degen xaafadda uu garoonku ku yaalo oo weliba kubadda ciyaara, waxaanu intaas raaciyay, “Somalidu waxay tidhaahdaa ishaa macalin ah, markaas waad arkaysaa sida uu garoonku yahay, waana garoonkii qaranka ee weriye la soco.”

Muqaalkan oo ah qayb ka mid ah gidaarkii garoonka ku wareegsanaa oo dumay, kadibna waxaa lagu xeeray ood!!

roonkii kubadda cagta ee Hargeysa wuu dayacanyahay, waxaana dayacay cidda xilka loogu dhiibay. Sidaas daraadeed markii garoonka la baylihiyay ee uu waayay cid u doodda, waxa lagama maarmaan noqotay inuu isagu hadlo oo uu weliba baaq u diro Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo uu uga cawdo xaaladda uu ku suganyahay xilligan iyo inay iloobeen masuuliyiintii uu u xilsaaray, waxaanu leeyahay ‘Madaxweyne, waxa igu habsaday dayac, madax meel ka saraysa oo la salaaxaana ma jirto ciddii aad ii xilsaartayna ma hayo, haddii aanad i soo gaadhina waxaan ku dambayn doonaa xero-adhi amaba gel-gelin.

 

   
 Xigasho somalilandsports.net

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: