KULMIYE: Doorashadii Madaxweynaha + Ku-xigeenkiisa + Murashixiin Madasha Ka Dareeray Iyo Muuqaalkii Shirka Golaha Dhexe Ee Gebagaboobay.

Burco, 26.08.08, shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE uga Socday Huteelka City plaza ee Magaalada Burco ayaa maanta lagu doortay murashixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka uga qeybgalayaa Xisbiga doorashooyinka Soo Socda ee 2009 dalka ka dhici doona. Waxa shirka ka soo xaadiray ilaa 131 xubnood ka tirsan Golaha Dhexe, waxa cod aqlabiyad ah ku oggolaaday inuu noqdo murashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo aanay cidina kula tartamin jagadaasi 129 xubnood, waxa diiday hal xubin, cid ka aamustay may jirin, guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaana uu ku ansaxay. Waxa isna murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka loo doortay inuu noqdo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi [C/raxmaan Saylici], oo ay jagadaasi kula tartamayeen saddex xubnood oo kala ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo iyaga iyo taageerayaashoodu shirka ka dareereen iyo
Prof Ismaaciil Muumin Aare oo isagu tanaasulay, waxana Mr Saylici oggolaaday 123 xubnood, waxa diiday 4 xubnood, waxa ka aamusay 3 xubnood, guddoomiyuhuna muu codeyn.

 

Hasayeeshee, laba ka mid ah afarta murashax ee sida adag ugu loolamayey jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee KULMIYE oo kala ah, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo ay weheliyaan qaar ka mida taageerayaashooda Golaha dhexe, ayaa si lama filaan ah uga dareeray kulankii maanta lagu dooranayey murashixiinta xisbiga uga qeybgeli doona doorashada Madaxtooyada Somaliland ee foodda innagu soo haysa, kadib markii sida la sheegay ay saluug iyo cadho ka muujiyeen qaabkii codeynta, taas oo ay ku tilmaameen mid aan dhex ahayn oo dhinac u xaglinaysa.

Waxa shirka ka soo xaadiray ilaa 131 xubnood ka tirsan Golaha Dhexe, waxa cod aqlabiyad ah ku oggolaaday inuu noqdo murashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo aanay cidina kula tartamin jagadaasi 129 xubnood, waxa diiday hal xubin, cid ka aamustay may jirin, guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaana uu ku ansaxay. Waxa isna murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka loo doortay inuu noqdo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi [C/raxmaan Saylici], oo ay jagadaasi kula tartamayeen saddex xubnood oo kala ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo iyaga iyo taageerayaashoodu shirka ka dareereen iyo Prof Ismaaciil Muumin Aare oo isagu tanaasulay, waxana Mr Saylici oggolaaday 123 xubnood, waxa diiday 4 xubnood, waxa ka aamusay 3 xubnood, guddoomiyuhuna muu codeyn.

Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo socday muddo saddex casho ah, waxa sidoo kale lagu ansixiyey Xeer-hoosaadka Golaha Dhexe Xisbiga ee shanta sano ee soo socota lagu hagi doono, iyada qodob ka mid ah Dastuurka wax ka bedel lagu sameeyey, Qodobada wax-ka-beddelka lagu sameeyey ee Shirku ansixiyey waxa ka mid ah qodob sheegaya in Guddoomiyaha Xisbigu uu xilka Guddoomiyenimo ku wareejinayo Guddoomiyekuxigeenka 1aad muddo bil gudaheeda ah marka uu ku guuleysto Madaxweynenimada.

Waxa kale oo shirka lagu ansixiyey gudida fulinta oo qayb ka mid ah hoggaanka xisbigu soo gudbiyey. Guddida Fulinta KULMIYE oo tiradiisu dhan tahay 35 xubnood, isla markaana 29 ka mid ah la magacaabay, lana soo hordhigay shirka golaha dhexe waxaa ka mid ah labadii musharrax-Madaxweyne ku-xigeen ee ka cadhooday shirka iyo xubno ka mid ah taageerayaashooda.

Cabdisalaan Maxamuud Ducaale [Ilkacase]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Office
Burco/Somaliland.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: