Abwaan Gaariye Oo Si Kulul U Difaacay Lahaanshaha Inuu Yahay Midkii Daah Furay Miisaanka Maansada Soomaalida

Hargeysa(sl.no) 25 August 2008 –  Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa Shalay si kulul u difaacay lahaanshaha inuu yahay midkii daah furay Miisaanka Maansada Somalida, hadaladaa waxa uu jeediyay mar uu ka hadlayay Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Hargeysa (Hargeysa International Book Fair) oo shalay lagu soo gababeeyay Magaalada Hargeysa.

 

Abwaan Gaariye waxa uu carabka ku dhuftay in websites badan ay baryahan dambe qoreen warar iyo waraysiyo ay ka qaadeen saaxiibkii C/laahi Diiriye Guuleed oo isaguna dhankiisa ka sheegtay lahaanshaha inuu yahay midka daah furay Miisaanka Maansada Somaliyeed.

Abwaan Gaariye isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “17 January 1976 ayaan joornaalkii Xidigta October ku daabacay maqaalo taxane ah oo aan kaga waramayay Miisaanka Maansada Somalida , waxase nasiib darro ah in Saaxiibkay C/laahi Diiriye Guuleed mar uu u waramayay Shabakada Wardheer uu yidhi “Waxaan daabacay Bishii January 1976-dii  wiigagii u horeeyey taasina waa kutirikuteen iyo Mala-awaal”.

Abwaan Gaariye isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaa kale oo layaab leh in C/laahi Diiriye Guuleed uu daabacay Maansada Miisaankeeda sanadkii 1978-dii , arrintana waa marag madoon oo waxaan hayaa nuqulo ka mid ah Cadadkii maalintaasi waxaanse diidaya in taariikhda la isdaba mariyo”.

Mar uu Abwaan Gaariye ka waramayay khaladaadka ka soo yeedhay C/laahi Diiriye Guuleed ee ku wajahan arrintan ayaa waxa uu yidhi “C/laahi Waxa uu idhaa Anigaa ugu horeeyey oo markaan qoray ayaa nin la yidhaa Faarax Askari oo aan saaxiibo ahayn oo Xamar oo uu Gaariye uga sheekayn jiray.

Waa yaabe hadii aan tiisii helay maxay isku mid u noqon waayeen waxa aan qoray iyo waxuu isagu qoray”.

Waxaa kale oo la waydiiyay C/laahi in aan Aniga iyo Isagu kulanay waxaana uu yidhi Maya.

Arrintana wuu ka been sheegay oo waxaan hubaa inuu ka mid ahaa dadkii  I dhagaysanayay maalintii aan soo bandhigay Miisaankan aan helay.

Waxaa kale oo jirta C/laahi qormadiisii 1978-dii kuma xusin in nin Gaariye la yidhaah uu ka xaday waxii uu damacsanaa inuu qoro, buug uu qoray 2006 arrintan kuma xusin, warkuna waxa uu soo baxay Sanadkan dambe.

Si kastaba ha ahaatee Farrin ayaan doonayaa in loo gudbiyo Saaxiibkay C/laahi waxana ay tahay October horaanteeda, London ayaan joogaa, Adiguna igama dheerid oo Denmark ayaad degan tahay, Aniga ayaa Ticket-ka kuu soo diraya ee iskugu kaaya keen London, cadaymahaagana soo ururso, Web site-yada iyo BBC–dana waxan ka codsanayaa inay maalintaasi Baahiso barnaamijkayaga , C/laahina waxaan ka codsanayaa in uu ka soo jawaabo, Hadalkayga oo uu maalintaasi soo xaadiro.

 

Source: SDWO News Desk  – Hargeysa

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: