TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM FAYSAL XAAJI JAAMAC

Marxuun Faysal Xaaji Jamac  Geedi waxa uu  dhashay  sanadkii 1939   magaalada Burco ee gobolka  Toghdheer. Waxaana uu waxbarashadisii Quraanka ka bilaabay  madaristii Quraanka ee Saalixiyada ee waqtigaa ee Madrassa Falaax dii  Sheekh Maxmud  ee Berbera iyo tii Macalin Xasan ee Burco.

Waxa uu waxbarashado dugsiyeedkisii hore ka galay 1951 magaalda burco(elemetry school) iyada oo uu dugsiga dhexena ka galay magalaada Sheekh, markaana uu ku wareegay macadkii VTC( vocational training centre),  markuu ka soo baxay VTC waxa uu mudo cayiman ka shaqeeyay British Grindlys Bank Hargaisa. Marxuunku waxa uu waxbarasho kororsi u tagay magaladii Cadan ee dalka Yemen oo u ka galaay Aden College oo ahaa markaa dugsi sare, markii uu ka soo noqday waxabrashadii Cadan waxaa toos loogu qaatay ciidankii la odhan jiray Somali Scotts oo ahaa markaa militeriga iyaga oo markaa soo dhamaystay tabobar ahaa mid adag oo ahaa (intensive) lix bilood ah oo ay ku sooqaateen dalka ingirisska, markaana lagu gudoonsiyay Xidig Sarkaal.

1961 marxuunku waxa uu ka mid ahaa saraakishii ka dhiidhiday iskudarkii khiyaamo ee Koonfur iyo Waqooyi iyaga oo ahaa 21 sarkaal isaga oo markaa joogay Burco, waxaana xusid leh in Cabdilaahi Yusufka ka manta federal ku sheega u madaxda ahaa sarkaal ku hoos gabanayay cusbitaalka burco,lana ogaday oo la sooqabtay laguna xidhay jeelka burco. Inqilaabkii saraakishu markii uu dhicisoobay waxa saraakishaa la saaray maxkamadii hargaysa oo fadhida Muqdisho waxaana lagu qaaday qaanunkii(Indian Panel Code), sidaasana lagusii daayaay oo wax lagu wayaay iyada oo lagu tilmaamay saraakiil gadooday.

Waxaana markii danbe la doonay in laga shaqysiiyo oo loo magacaabo xilalka gudoomiyaal degmooyin taas oo marxuunku isaka diiday oo uu shaqo gaar ah ka bilaabay shirkadii Natko Construction ee Muqdisho.

Sanadkii 1967/71 ayuu mar kale marxuunku waxa uu u baxay dalka Suudan halkaas oo uu galay Jamcada Khartoum oo uu ka soo qaatay LL.B oo ah shahadada qaanunka.markii uu wadanka ku soo noqday ayuu waxa uu bilaabay in uu ku shaqeeyo qareenimo gaar ahaan magaalda haragysa iyo guud ahaan gobolada waqooyiga oo markaa cadaadis badan jiray dalka gudahiisa iyada oo la sheego in marxuunku samatabixiyay dad badan oo markaa maxkamadii badbadada  ee gobolada waqooyi ka jirtay dulminaysay oo dil loo soo tagayay.

Waxa kale oo uu qayb wayn ka soo qaatay markii halgankii hubaysnaa bilaabmay ee magalooyinka dibada looga baxay in uu ka mid noqday gudiyadii SNM ee abaabulka,xoghaymahii,iyo gaar ahaan toosintii xeerarkii SNM gaar ahaan samayntii Axdii qarankii u horeeyay ee SNM

Dib u xorayntii wadanka iyo samayntii u horeysay ee dawladii SNM ee Alla ha u naxariste  Cabdiraxman Axmed Cali waxa uu ka noqday xeer ilaaliyahii guud ee Somaliland, dawladii kowaad ee inacigaal alla ha u naxariste waxa uu ka noqday agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada taas oo uu iska casilay daruufo shaqo awgeed

1997/8 waxa uu xilibaan beeshu usoo igamatay ka noqday barlaamanka Somaliland isaga oo xeerar badan dejiyay

2004/2006 waxa uu marxuunku gudoomiye ka noqday maxakamada sare ee Somaliland isaga oo ilaa riiqisi u danbeeyay ee nolashiisa ka shaqynayay samaynta xeerarka iyo waxii isbedal ah ee dastuurka dalka sidaana la odhan karo waxa uu mutaysatay baal dahab ah diwaanka garsoorida, garyaqaanimo iyo xeer dejinta Somaliland.

Alla ha u naxariste marxuunku waxa uu ifka kaga tegay laba xaas, iyo 14qof iyo 35 qof oo ay sii dhalee

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: