Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha iyo Shirkadda Asante Oil oo Wadajir ugu dhawaaqay bilowga hawlgal shidaal baadhis ah

Hargeysa (sl.no) 22 august 2008  – Wefti ka socda Shirkad kuwa Shidaalka oo Norwegian ah, Asante Oil iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland ayaa maanta wadajir daboolka uga qaaday hawlgal shidaal baadhis ah oo ay shirkaddaasi dalka ka bilaabayso dhowaan.

Weftiga Asante Oil oo uu hoggaaminayo Mr. Jarand Rystad oo ah Guddoomiyaha Guddida Agaasinka (Board of Directors), ayna ka mid yihiin, Mr. Christian Eidem oo ah Maareeyaha horumarinta Ganacsiga, Mr. Tor B. Lund oo ah Agaasimaha maamulka iyo Ibraahim Maxamed Xasan oo ah Maareeyaha Guud ee hawlgalka Shirkaddaas ee Somaliland, waxa ay xalay la kulmeen mudane Daahir Riyaale Kaahin oo weftigu booqasho sharaf ugu tegey qasriga Madaxtooyada. Waxayna weftiga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu maanta wadajir ugu qateen shir jaraa’id Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku soo bandhigeen tafaasiil ku saabsan sida ay u bilaabayaan hawlgalkooda shidaal baadhista, jiritaanka shirkadda, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leedahay baadhista iyo soo saarista Saliidda ama Shidaalka iyo weliba waxyaabaha ay qaban doonto.

Madaxa Weftiga Mr. Rystad oo shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay hadda diyaar u yihiin inay hawlgalkooda bilaabaan, kadib markii shirkaddoodu heshiis la gashay xukuumadda Somaliland horraantii sannadkan, iyada oo ka duulaysa sahamintii shidaalka ay fulisey Shirkadda iyadu Norwegianka ah ee TGS Nopic, heshiiskaas oo uu sheegay in Golaha Wasiirradu ansixiyey.

Shirkadda Asante Oil waxay sheegtay in heshiiskaasi khuseeyo dhulka loo bixiyey Block SL13 iyo Block SL14  – sida uu tilmaamayo maabka cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu u samaysay soohdimaha Shidaal baadhista – oo ah deegaanka u dhexeeya Burco iyo Laascaanood, dhinaca kalena ku siman xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Waxayna sheegeen inay dhakhso u bilaabi doonaan hawlgalkooda, isla markaana ay Hargeysa ka furi doonaan xafiiska laga maamuli doono hawlgalkooda Somaliland.

Weftiga Asante waxay sheegeen in aanay wax lacag ah ku siinin xukuumadda saxeexa heshiiska (Signature Bones), balse, taa beddelkeeda ay ku talagaleen inay ku bixiyaan Riig biyo ka soo saara deegaanka ay baadhista shidaalka ka samaynayaan, si dadku u manaafacaadsado iyo tababarro ku saabsan hawsha shidaal baadhista oo la siiyo muwaaddiniinta. Waxayna ballanqaadeen inay hawshaas u geli doonaan si casri ah oo ay ilaalinayaan deegaanka iyo caafimaadka dadka iyo duunyadaba.

Waa markii u horreysey ee Shirkad noocan ah oo xukuumaddu heshiis la gashay ay badka soo dhigto aqoonsigeeda iyo waxqabadkeeda.

Kulankaas waxa kale oo ku weheliyey Wasiirka iyo weftiga Shirkadda, Wakiilka Somaliland u fadhiya Norway, Mr. Liilan iyo Guddoomiyahii hore ee Jaaliyadda Somaliland ee Norway, Said Mohamed. Waxayna masuuliyiinta Shirkaddu sheegeen in Somaliland oo aan caalamku aqoonsanayn ay tahay khatar inay ku maalgeliyaan Malaayiin dollar, balse, ay ugu badheedheen khatartaas dhiirrigelinta dadka ka soo jeeda Somaliland ee reer Norway iyo sida ay u danaynayaan mashruucan.

Xigasho: Somaliland.Org

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: