Shirkad Cusub oo Dalka u Timid inay Heshiis Shidaalka ah lagasho Xukuumadda


Hargaysa 21.08.08, Weftiga ka socda Shirkadda shidaalka ee Asante Oil ayaa Somaliland soo gaadhay shalay iyada oo la filayo inay heshiis la galayso xukuumadda Somaliland, iyada oo hore u iibsatay macluumaadka kal hore shirkadda TGS-Nopec ee Norway  ka samaysay dhulka Somaliland.  Hadaba waxaanu halkan idiinku diyaarinay macluumaad la xidhiidha Asante Oil oo la asaasay February 2008 lagana diiwaangeliyay magaalada London.  Waxa ka Guddoomiye ah ciyaartooyga kubadda cagta Christian Eidem oo isagu leh 11%.   Nin kale oo isna Norwegian ah oo hore u ahaan jiray suxufi ciyaaraha waxa ka qora oo la yidhaado Kjetil Siem.  Siem wuxuu maamule ka ahaa kooxda Valegenera ee Norway imikana waxa uu ka madax yahay naadiyada kubadda ee South Africa ee Premier Soccer League.  Waxa shirkadda 17% ku leh Riulf Rustad, Guddoomiyaha shirkadda Zoncolan SA.  Isna waxa wax ku leh nin Norwegian oo hore madax uga ahaa Statoil Hydro qaybta Libya.  Hase yeeshee waxa qaybta ugu badan oo ah 40% Asante leh Kjell Rokke oo mulkiilaha shirkadda weyn ee Aker.  Kjell waxa uu lacagtiisa ka sameeyey dalka Maraykanka oo uu ku lahaa shirkad kaluumaysi.

Weftiga ka socda shirkadan waxa dalka shalay ku soo dhaweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo Biyaha, balse ilaa hadda Xukuumadu si rasmi ah war ugamay soo saarin weftiga shirkadan iyadoo ay hore u jireen shirkaddo kale oo heshiis xukuumadu la gashay oo muran ka taagnaa.

Source. Wergayska Waaheen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: