Komishanka Doorashooyinka oo Maanta bilaabaya Wacyigelinta Diiwaangelinta

 “Haddii aan ku horeeyo hawlaha dhinca Diiwaan-gelinta bishan iyo bishii hore ee dhammaatayba hawlo aad u baaxad wayn ayaan ku guda jirnay oo ah diyaar garawgii hawlaha diiwaan-gelinta oo u baahnaa in aynu diyaar garaysano sida agabkii, meelihii agabka lagu rakibayay iyo shaqaalihii ka hawl geli lahaa, shaqaalaha la qaadan doono shaqaalihii la tababari lahaa waxa ay noqon doonto, soo raridii iyo soo dejintii qalabka ayaa lagu jiray, runtii meel aad u fiican ayay noo marayaan 50% waa ay qabsoomeen, qalabkii waxa aan rajaynaynaa in laba wiig gudahood nagu soo gaadhaan. Waxa kale oo aanu rarnay agabkii lagu galay doorashooyinii hore oo aanu u rarnay hoolashaa Sooyaal si dayactir loogu sammeeyo, waxa kale oo aanu diyaarinay qalabka iman doono meeshii lagu rakibi lahaa oo ah meel aamin ah iyadoo qalabkaasi yahay mid qaali ah” Sidaas waxaa sheegay  Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamed Kabo-Weyne

Hargaysa, Komishanka Doorashooyinka ayaa lagu wada inay maanta xaflad kaga dhawaaqaan bilaabida wacyigelinta Diiwaangelinta codbixiyayaasha Doorashooyinka.

Sidaana waxa sheegay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamed Kabo-Weyne oo habeen hore su’aalo si toos ah looga weydiinayey radio Waaheen

Dhinaca kale, Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka JSL oo shir -Jaraa’id ku qabtay Xaruntooda Magaalada Hargeysa todobaadkii hore ayaa faah-faahin ka bixiyay heerka diyaargarawga Diiwaangelinta  iyagoo sheegay in ay si fiican u socoto

+Waxaana halkaana halkaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Cali Biinkalo

Waxaanu yidhi “Haddii aan ku horeeyo hawlaha dhinca Diiwaan-gelinta bishan iyo bishii hore ee dhammaatayba hawlo aad u baaxad wayn ayaan ku guda jirnay oo ah diyaar garawgii hawlaha diiwaan-gelinta oo u baahnaa in aynu diyaar garaysano sida agabkii, meelihii agabka lagu rakibayay iyo shaqaalihii ka hawl geli lahaa, shaqaalaha la qaadan doono shaqaalihii la tababari lahaa waxa ay noqon doonto, soo raridii iyo soo dejintii qalabka ayaa lagu jiray, runtii meel aad u fiican ayay noo marayaan 50% waa ay qabsoomeen, qalabkii waxa aan rajaynaynaa in laba wiig gudahood nagu soo gaadhaan. Waxa kale oo aanu rarnay agabkii lagu galay doorashooyinii hore oo aanu u rarnay hoolashaa Sooyaal si dayactir loogu sammeeyo, waxa kale oo aanu diyaarinay qalabka iman doono meeshii lagu rakibi lahaa oo ah meel aamin ah iyadoo qalabkaasi yahay mid qaali ah.

Hawlaha Diiwaan-gelintu si fiican ayay illaa hadda u socdaan wixii inaga dhimana insha Allah 100% waxa aan ku rajawaynahay in ay noo qabsoomi doonaan, xilliga ay wacyi-gelinta Diiwaan-gelinta la bilaabayo ee dadka la wada gaadhsiinayo kalmada ah Muwaadin Is-diiwaan-geli si aad u hesho xaqaaga cod bixineed waxa aan jecelnahay in aan ku qaban doono maalin ka mid Wiiga soo socda xaflad ballaadhan laga soo wada qayb gali doono.

Aan u imaado safarkii aan ugu baxnay dhinaca Gobolada Bariga Degaamadii aan tagnay aad iyo aad  ayaa loogu nabdoonaa iyo rabitaan aad iyo aad u wayn ayaa ka jiray gaar ahaan hawshaas aan u tagnay iyo guud ahaan Somaliland-nimada, Dawladnimada iyo Maamulka, intii aanu joognay Magaalo Madaxyada Gobolada Sool iyo Sanaag iyo Gobolada ka sokeeya iyaga hawlo kormeer goobihii jiray iyo dadkii ka hawl gali jiray iyo macluumaad aanu siinaynay aad iyo aad ayaanu u wada aragnay Madaxdii, Salaadiintii, Cuqaashi, Wax-garadkii iyo gebi ahaanba dadkii Deegaanadaas, jawi aad u wanaagsan iyo farxada ayay nagu soo dhaweeyeen waxayna muujiyeen in ay si wayn ugu faraxsan yihiin gaar ahaan hawsha aanu wadno iyo guud ahaanba Somaliland-nimada oo ay qof kasta ka go’nayd inuu Deegaankiisa ku helo Diiwaan-gelin iyo Doorashada ka dambaysa.

Source: Waaheen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: