XAFIISKA IOM HELSINKI OO BILAABAY MASHRUUC LAGU HORUMARINAYO CAAFIMAADKA SAMALILAND & PUNTLAND

Helsinki(sl.no) 13 august 2008 –  Dhakhaatiir, kalkaaliyaal caafimaad, maamulada caafimaadka, iyo dhamaan xirfadlayaasha kale ee ku salaysan xaga caafimaadka ee Soomaalida degan Finland ayaa markii u horeysay fursad u helay inay uga faaiideeyaan cilmigaasi ay barteen iyo khibrada kale ee ay uga shaqeynayeen Finland wadankoodii hooyo. 

Xafiiska IOM Helsinki oo ay taageerayso Wasaarada Arimaha Dibeda ee Finland ayaa ku guuleystay in markii ugu horeysay laga bilaabo Somaliland iyo Puntland hirgelinta mid ka mid ah mashaariicda ay IOM ka hirgaliso wadamo badan oo Afrika ku yaal. Mashaariicda noocaasa ayaa marka la soo gaabiyo loo yaqaan MIDA (Migration and Development in Africa).

Mashruucan waxa uu qorshaynayaa sidii mudo kooban ay uga soo shaqeyn lahaayeen wadankii 22 xirfadlayaal Soomaaliyeed ee xaga caafimaadka ee degan wadankan Finland. Kuwaasoo ay ujeedaduna tahay sidii loo xoojin lahaa nuxurka goobaha caafimaadka ee deegaanada ay tegeyaan, kaasoo ku salaysan qaab ah inay gudbinayaan aqoonta iyo khibradaha ay kala tageen wadankan Finland. 

“Mashruucan waxa uu salka ku hayaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeyey Finland iyo Somalia kaasoo iminka loo marayo ka qaybqaadashada dadka soomaaliyeed ee usoo guuray wadankan iyo sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen xirfadihii caafimaad ee wadanka, sidoo kale sidii ay iyaduna hayadan IOM u abuuri lahayd mid la mid ah xiriirka caadiga ah ee u dhexeeya dadka kasoo guura wadamadooda iyo ka qayb qaadashada dibudhiska iyo horumarinta wadankooda”, sidaana waxaa yiri Dr. Thomas Weiss madaxa xafiis goboleedka hay’ada IOM ee wadamada Nordiga iyo Baltiga iyo qaar ka mid ah Yurubta Bari ee ku yaal Mgaalada Helsinki ee caasimada Finland.  

Marka hore, mashruucan caafimaadka ee hayada IOM iyadoo lala shaqeynayo hayadaha dawliga iyo maamulada ka jira deegaanadaasi, goobaha caafimaadka, hayadaha aan dawliga ahayn iyo kuliyadaha iyo jaamacadaha lagu barto caafimaadka, ayey waxay u kuurgeli doontaa hay’adu sidii daraasaad loogu sameyn lahaa farqiga u dhexeeya baahida xirfadlayaal caafimaad ee ka jirta gudaha iyo xarumaha caafimaad ee ka jira Somaliland iyo Puntland. 

Iyadoo laga ambaqaadayo baahidaasi ka jirta gudaha wadanka, ayuu mashruucu ka baadi goobi doonaa xirfadlayaasha soomaaliyeed ee xaga caafimaadka ee degan Finland, sakhshiyaadka leh takhasuska baahidaasi jirta waxna ka qaban karta.

Hadaba si loo damaanad qaado jiritaanka iyo sii ambaqaadida mashruucan, arinka ugu muhiimsan wuxuu noqon doonaa (capacity building), kobcinta aqoonta xirfadlayaasha iyo ardayda barta caafimaadka ee ayagu jooga wadanka gudihiisa, ugu dambayntana ah kuwa sii joogaya wadanka ee caawina doona bulshada ay la nool yihiin.

Raad reebkii dhibaatooyinka biniaadanimo iyo mushkilada horumar la’aaneed ee ka bilowdey Somalia dabayaaqadii 1980, waxay abuurtey baaba’a balaaran oo soo gaara dhamaan qaybaha kala duwan ee xirfadaha shaqo ee bulshadu u baahan tahay sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, waxsoosaarka beeraha, horumarinta tecknologiyada iyo aqoonta maareeynta iyo maamulkaba. Sidaa daraadeed ayaa maanta tiro lagu qiyaasay 10,000 oo soomaali ah ay degan yihiin Finland, kuwaasoo noqdey tirada ugu badan ee dadka aan asal ahaan kasoo jeedin yurub ee usoo guuray wadankan. Hadaba ayagoo ka faaiideysanaya isku xirnaanta ururada ay sameysteen iyo taageerada dawlada Finland ee ay la nool yihiin iyo wada shaqeynta hayadaha aan dawliga ahayn (NGOs) ee Finnishka ayey soomaalida degan Finland si hufnaani ku jirto isula kaashadeen caawinta xag biniaadanimo ee wadankoodii hooyo, kaasoo ku jira marxalad adag. Sidoo kale ayey Finland sanado fara badan iyo xiriir dheerba ugu bixiyeen dhaqaale fara. 

Sidaa daraadeed ayay isku afgarteen labada hayadood ee IOM Helsinki iyo wasaarada Arimaha Dibeda Finland, in hadii mashruucani guulaysto, lagu kordhiyo sectors-ka ka le ee lagu horumarin karo bulshda laguna fidiyo koofurta Soomaaliyada iyadoo loo kuurgalayo isbedelka ku yimaada xaalada nabadgelyo ee goobahaasi. Waxaa kale oo u qorshaysan hayadan sidii ay isugu xiri lahayd dhamaan xirfadlayaasha kala duwan ee ku nool wadamada waqooyiga yurub ee xafiiskan Helsinki hoos yimaada (Sweden, Norway iyo Denmark), kuwaasoo ay ayaguna degen yihiin tobanaan kun oo soomaali xirfadlayaal ahi oo farabadan ku jiraan, loogana faaiideysan karo dibudhiska wadankooda.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee mashruucan fadlan kala xiriir isku dubaridaha barnaamijkan ee xafiiska IOM Helsinki iyo Madaxa Hayada IOM ee xafiiska Hargeisa – Somaliland   
 
Saed Guled (Mr.)
MIDA Health Northern Somalia project coordinator
IOM International Organization for Migration
Regional Office for the Nordic and Baltic States,
and the European Neighbourhood Countries (East)
Street Address: Unioninkatu 13, 6th Floor,
Mail Address: P.O. Box 851, FI-00101 Helsinki, FINLAND
Tel.:+358-(0)9-684 11523
Fax +358-(0)9-684 11511
E-mail: sguled@iom.int
Website: www.iom.fi and www.iom.int
 
Ms. Adrienne Testa
Head of Office
International Organization for Migration
Hargeisa, Somaliland
E: atesta@iom.int
T: +252 2 412 9675 (Somaliland) |
T: +254 711 451 452 (Kenya)

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: