WARBIXIN GUDDIGA ARIMAHA GUDAHA, DIFAACA IYO NABADGELYADDA GOLAHA WAKIILADA EE XAALADA GUUD EE DALKA

 

DHACDOOYINKII DHACAY DHINACA NABAD-GELYADA .

 

HORDHAC……………….

 

In muddo ahba waxaa soo kordheyay khasaaraha ay ciidamada Qaranku  u geystaan dadka aan hubeysneyn. Laga  bilaabo  Sannadkii 2005tii ilaa 2008.

 

Waxaa magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco ka dhacay Khasaare isugu jira dhimasho  iyo dhaawac aan diyaar loo aheyn oo ay geysteen ciidamada Qaranka iyo kuwo booliiska,  isla markaana halis iyo khatar galiyey nabad-gelyada iyo xasiloonada dalka.

 

Mudanayaal Iyadoo Xil-dhibaanadu dastuurka ka wada dheregsan yihiin ayaanu hadana jeclaysanay inaanu nuxurka warbixinta ka horeysiino xeerarka iyo qodobada dastuurka ee xuquuqda qofka iyo xorriyaadka aasaasiga ah  xusay, kuwaas oo  xukuumaduna caadaysatay ku xad gudubkooda, iyadoo isla markaana xil inaga saaran yahay ilaalinta Xeerarka iyo Dastuurka .

 

QODOBKA 24AAD EE DASTUURKA:

 XAQA NOLOSHA, NABAD-GELYEYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA

1.         Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2.         Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad-geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

3.         Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

4.         Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.

                                               

 

Nasiib darro, Ciidamada Booliiska iyo Qaranku waxay iska caadeysteen in mar kasta oo mudhaaraad dhaco ay u addeegsadaan hub culus, taasoo in badan keentay  in rabshadahaasi sii xoogeystaan, oo ay sababaan  khasaare nool iyo moodba leh una geystaan dadka wax-ma-gaysatada ah oo xataa iyagoo aan mudahaaradka ku jirin rasaasta habawga ahi ee aan loo meel dayini haleesho.

 

Dhacdooyinka   ka dhacay caasimada Hargeysa ee aynu joogno:

Waa dhacdooyin soo noqnoqday oo mudaharaadyo

1.       Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

 

Taariikhdu markay ahayd December 25keedii, 2005kii, gacan ka-hadal ka dhashay muran dhuleed, oo dhalisay in nin lagu soo diley xaafadda Sheedaha, meydkiisu yaalay Cisbitaalka Guud ay ehelkiisii diideen in la aaso. Dhacdadan waxa ay xukuummaddu u addeegsatay 2 gawaadhida gaashaman ee Beebeega loo yaqaano ah, waxaana ku dhintey hal qof, 22 kalena way ku dhaawacmeen; halkii ay xukuummaddu ay u addeegsan lahayd wadahadal in ay ku maarayso.

 

Waxaa xusid mudan in goobaha caafimaadka ee bukaanku jiifo oo ay ka caagan yihiin ciidamada iyo hubkuba in lala galo  in xataa hoonka gawaadhidu ka reeban yahay,nasiib daro!! Ciidanka qarankuna  waxay ka rideen  rasaas cusbitaalka dhexdiisa  waxana naxdin iyo anfariir ku dhacay bukaankii jiifay qaarkood oo koomo(Miyir Doorsoon) ku jiray  iyo dhakhaatiirtii qalika ku  guda jireyba.

Wax raali galin a’hna kamay bixin xukuumadu dhacdadan foosha xun.

 

2.       EX. INJI ee degsiimada Axmed Dhagax

 

Bishii Febreury, 5 dii 2006 dii,waxa ka dhacay muran dhul oo rabshado watay,xukuumaduna halkii xal ay u raadin lahayd  waxay u adeegsatay ciidamada booliiska iyo milatariga,waxaanay isu badashay  dagaal maalin dhan socday. Rabshadaas waxaa ku dhintey 2 qof oo dhalinyaro ah, isla markaana waxaa ku dhaawacmey dad gaadhaya 30 Qof.

 

 

 

 

 

 

 

3.       Xaafadda Axmed Dhagax (X- Iftin)

 

Abriil 28keedii, 2008,waxa ka dhacay  mudaharaad lagaga soo hor-jeeday magac laga badalay xaafadii Cabdi Iidaan loona badalay Sheekh Cumar. Xukuumaduna  halkay xalka raadin lahayd sida iyada oo hanaanka wada hadal iyo wada xaajoodka ku dhammayn lahayd. waxay u adeegsatay  xoog aan loo baahnayn , waxaanuu  sababay geerida 2 qof oo dhalin yaro ah,waxaana  ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

 

4.      Toogashadii Beerta Xorriyada:

 

Taariikhdu markay ahayd May 4teedii 2008kii,  waxay Ciidanka Qaranku si ula kac ah u toogteen gabadh yar oo la odhan jirey Hani Xasan Jaamac, oo aroos ka timi, saacaddu markay ahayd 10:00 habeenimo. Ilaa hadana ma jirto cid jawaab ka bixisay fal dambiyeedkaa.

5.      Xaafada Maxamuud Haybe(X-GURYO-SAMO)

 

Isniintii, July 7deedii, 2008, mudaharaadkii ugu dambeyay waxa ay ka dhaceey   Maxamuud Haybe, Koonfurta Bari ee Hargeysa, halkaas oo tobanaan kun oo rayid ahi isugu soo baxeen markii dambana magaalada badan keeda mudaharaadkaasi uu ku faafay.

Dadkaasi  oo mudaharaadkooda ku muujinaayay biyo la’aanta haysata iyaga oo caasimadii wadanka kunool.                            waxa kale oo mudaharaadkaa ka qayb qaatay dadwayne kale oo ka cabanaayay sixir bararka maceeshada iyo xoolaha kootada la galiyay oo dadka intooda badan ay noloshoodu ku tiirsanayd. hadabo  Dhacdadan oo dadwaynuhu ay ku muujinayeen cabashadooda halkii ay xukuumadu uga garaabi lahayd waxay ugu jawaabtay dil iyo dhaawac ay  Ciidamada Qaranka iyo Booliisku fuliyeen waxaanay   isu soo baxaa ku asqaysiiyey hubka culus  ee lidka diyaaradaha  oo aan loo  kala aabo yeelin, waxaa ku naf waayey 3 qof oo dhalin yaro ah, in ka badan 10 qofna way ku dhaawacmeen.

 

7 July 2008 , waxa ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa u ahayd maalin dhiig daatay oo dhimasho iyo dhaawacba huwanayd, khasaare hantiyeedna dhacday.

 

6.      Magaalada Berbera Oo Mudaharaad La Isugu Soo Baxay Oo Dadweynuhu ka cabanayeen Werashaddii sibidhkaKhamiis. November 16, 2006 Shan qof ayaa ku dhaawacmay khasaare badana waa dhacay ka dib markii  ay dadweyne mudaharaadyaal ahi shiideen Xarumaha Haayadaha Dawlada Magaalada Berbera kuwaasi oo sabab uga dhigay mudaharaadkooda in xukuumada Somaliland Iskaraab ahaan u iibisey Warshadda Sibidhka ee magaalada Berbera taasi oo aan muddo shaqeynin sida laga warqabo. Hadaba kooxahaasi ayaa socdaal gadood xambaarsan ku maray xafiisyada Dawlada ee magaalada Berbera
Hadaba waxa halkaasi ka dhacay khasaare ay geysteen mudaharaadayaasha iyo mid loo geystay laftoodaba waxa ciidanka boolisku u  adeegsadeen  rasaasta nool ,waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 5 nin iyo ruux dumar ah.

 

 

Su’aal?

 

Ciidanka Qaranka iyo hubkiisa ma difaaca cadowgaa loogu talo galay, mise in muwaadiniintii cashuurta laga qaado lagu soo iibiyey lagu laayo?. Jawaabta waxaanu u dhaafaynaa Golahan sharafta leh

 

 

Haddaba,  

Dhamaan dhacdooyinkaa dhiilada xambaarsan waxay xukuumadu tidhi guddi baanu u saaraynaa, ilaa maantana lama maqal gudiyadaasi kuwa ay yihiin iyo waxay gaadheen toona. Guddi soo saartay go’aan maynu arag maynaan maqal cidda masuuliyadeeda yeelatay oo sharciga la horkeenay taasi waxay muujinaysaa in ay Xukuummaddu ay dhacdo kasta ay ku dambabasto guddi baa loo saaaray .

 

XUKUNKA DEG-DEGA AH

Mar labaad dastuurku muxuu ka yidhi in dadka dhayal lagu xidho:

QODOBKA 25AAD XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA

1.       Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2.       Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

 

QODOBKA 27AAD

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

   2.   Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.

 

Waxaa xukuummaddu sharci ka dhigatay ‘Xukunka Deg deg  ama boobsiiska ah’ oo ay kooxda  lagu magacaabo Gudiga Nabad Gelyadu sarajooga ku xukumaan dadweynaha, iyadoon la marin sida Xeerka Garsoorku dhigayo, oo maxkamadba la soo taagin.

 

Waxaa dhacda in eedaysanayaal faro badani ay ku jiraan xabsiyada muddo dheer, iyadoo aan maxkammad la hor keenin. Waxaa kale oo dhacda in  jidh-dil loo geysto dadka la xidho iyo kuwa  mudaharaadaya, oo si araxan darro ah loola dhaqmo.

Hadaba mudanayaal arimahaas oo dhami waxa ay inooga baahan yihiin in aynu hoos ugu daadagno isla markaana xukuumada ku qasabno in ay sharciga dalka u yaala u hogaansanto.

 

Xagga Maamulka iyo maamul daadejinta

Waxaan aad ugu mahadnaqaynaa Hay’adda Akaamdemiyada oo maamul Daadejinta oo ka shaqaysa oo samaysay Kooxo Hawleed(Working Group) oo Guddiduna ka mid tahay.  

Xagga maamulka waxaa ka maqan oo meesha oo la tebayaa Goleyaal Gobol oo la doorto sida dastuurka ku cad qodobadiis 111aad, iyo 112aad ee dastuurka ayaa s fiican u  qeexaya oo mar walba walba ku lamaaneeyey Goleyaasha Degmooyinka oo ay ahayd in mar lala doorto doorashooyinkii hore ee Golaha Deegaanka.

 

Waxaa kale, oo muhiim ah in la xuso  daadejinta maamulka ama baahinta awooddaha maamul ee dastuurka ku cad Qodobaddiisa, hoos ku xusan in la daadejiyo miisaaniyaddoodii iyo dhaqaalihii ay wadatay gaar ahaan Wasaaraddaha addeegyada bulshadda gacanta ku haya ay Maamulada degmooyinka ku wareejiyaan, si ay isku filnaanshiiyo u gaadhaan dawladaha hoose ee dalku

 QODOBKA 112AAD

BAAHINTA AWOODDA MAAMULKA

1.         Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.

2.         KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya.

3.         Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1-aad ee qodobkan, waa in ay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho.

 

 

Xog-waraysiyo aannu la yeelanay dallada dhallinyarrada ee SONYO UMBRELLA

Kulankani waxaa uu dhacay marka ay taariikhdu ahayd  12. March.2008.

Waxay nooga warrameen wax qabadkooda,iyagoo hawshooda ugu balaadhan ku tilmaamay in ay dhallinyarrada  isku xidhaan, wacyi-geliyaan, u dooddaan xuquuqdooda sida Waxbarashadda, caafimaadka I.W.M, waxaa ay nooga warrameen in ay dhallinyarradda u tababaraan hogaaminta (Leadership Skill Training), waxaanay noo sheegeen in ay mashruucii ugu weynaa ay qabtaan uu ahaa mashruuca( Leadership Organizational Development) oo ay u sameeyeen in ka badan 150 urur oo dhallinyaro ah .

 

Waxaa kale, oo ay sheegeen in ay samaynayaan  Youth Charter oo wadamo badan oo afrikaana laga ansixiyey, waxaa kale oo noo soo jeediyeen in maalinta dhallinyarrada Somaliland ay u asteeyeen maalintii dhagaxtuurka dhallinyarrada Hargeysa ee 22.Febreury.1982kii markaa waxay noo soo jeediyeen in Xukuummadda iyo baarlamaanku noo ansixiyaan maalintaa dhallinyarrada

 

Waxaa kale, oo ay ka dhawaajiyeen in jirto shaqo la’aan ba’an oo dhallinyarrada saamaysay taas oo geyeysiisay in ay u sibir dhaqaaqaan wadammadda Reer Galbeedka oo ay u sii marayaan tahriibka badaha ee khatarta badan.

 

 

Waxa xusid mudan oo dalladda dhallinyarradu nagala hadashay in ay  xaqa siyaasaddeed ee dhallinyarrada ay jiraan Qodobo ka mid ah Xeerarka Doorashooyinka oo ka dabraya in ay u tartamaan xilalka Hogaamineed sida Goleyaasha Deegaanada iyo Baarlamaanka oo ah Shuruudaha musharixiinta oo ah Shuruudda Da’da oo ah imika sida ku taal Xeerka doorashooyinka Xeer.20/2001 waa  in aan da’diisu ka yaraan 35 Jir maalinta Doorashada taasi ay tahay mid xuquuqdoodii ay ku lumayso waxaanay naga codsadeen in laga dhigo 25Jir .

 

Ugu dambayntii waxay noo soo jeediyeen in Golaha Weynaha ay ka jeediyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dhibaatooyinka dhallinyarrada la deriska ah .si goluhuna uu markaa u qaato talaabooyinkii ku haboonaa ee wax lagag qaban lahaa dhibaatooyinka da’yarta haysta gaar a’haan xaga xeerarka dalka.

 

Xog-waraysi  aannu la yeelanay  Dallada Negaad

 

Kulanka oo ahaa 02.July.08

Waxay nooga xogwarameen in ay dhibaatooyinka ku gedaaman Bahweynta Haweenka ay badn yihiin, waxayna ka  dhawaajiyeen in ay jirto waxyaabo badan oo haweenku ay tabanayaan, sida iyaga oo ah cidda ugu badan codbixiyeyaasha.

 haddana kuwa ugu yare ee miiska tallada dalka lagu goynaayo ku fadhiya ,

 waxaa ay is dultaageen in ay jirto duruufo ku xeeran in haweenku ay tartanka doorashooyinka la galaan raga.

 iyaga oo tilmaamay in jiraan waxyaabo badan oo dabraya,sida  dhinaca dhaqanka oo kale. , tusaale a’haan murashaxa gabadha a’h in  gabadhii ay u codayn waayeen.

Sidaas darteed, doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo deegaanadaba waxay noo soo jeediyeen in aanay doorasho toos ah waxba ku helayn balse loo baahan yahay in loo sameeyo tiro cayiman oo haweenku dhexdooda ku soo tartamaan.

 

7.      Arbaca  9. July.2008 Mudaharaad hooyo iyo ubad ay dhashay ayaa ka hor mudaharaaday madaxtooyadda horteedda . oo aan noociisa hore loo arag ayaa laga sameeyay halkan kaas oo ku saabsanaa nin la yidhaahdo Abshir Xasan Xaashi oo ciidanka booliisku xidheen 28.April.2008 oo aan weli maxkammad la horkeenin oo ay ku cabanayeen xaaskaas ninkaas oo la yidhaahdo Muxubo Saleebaan oo ku dacwoonaysay hadaladeedii waxaa ka mid ahaa “waxaanu ka cabanaynaa  Abshir Xasan Xaashi  oo ninkayga ah, caruurtnna aabahood ah, oo aan ilaa hadda Maxkammad la keenin, isla markaana iyada oo aan wax dembi ah lagu soo oogin muddo saddex bilood ah ku xidhan Xabsiga Mandheera”

SOO JEEDIMAHA GUDDIDA ARRIMAHA GUDAHA :

 

Guddiga Arrimaha Guduhu waxay soo jeedinaysaa  talooyinka soo

socda :

 

1.      In Goluhu guddi baadhiseed u saaro dhacdooyinkaas, oo soo xaqiijisa khasaaraha naf iyo maalba iyo cidda ka masuulka ah in shacbiga lagu gabood falay talaabo sharci ah laga qaado.isla markaana golaha hortiisa ay yimaadaan labada Janan ee booliiska iyo milatariga iyo waliba wasiirka arimaha gudaha si wax looga waydiiyo dhacdooyinkii dalka ka dhacay oo dhan.

 

2.      In la joojiyo Xukunka Deg deg ah ee muwaadiniinta lagu xukumo maxkamad la’aanta, lana baabi’iyo Guddiyada Nabadgelyada ee Xaaraanta ku dhisan, dastuur iyo xeer banaynayaana aanu jirin.

 

3.      In xukuummaddu ay keento qorshe ay kaga hortegayso mudaharaadyada mustaqablka, iyadoo aan shacbiga loo addeegsan wax hub ah, noocuu doono ahaadee.

 

4.      In ay xukuummadu Golaha hor keento  soo jeedinteedii magacaabista gobollada iyo degmooyinka cusub.

 

5.      In la sameeyo Xeerkii lagu soo dooran lahaa Goleyaal Gobol oo la mataaneeyo goleyaasha Deegaanada

 

6.      In si deg deg ah loo sameeyo Xeerkii kala Xadaynta Gobollada iyo Degmooyinka ka hor intaan la qiimayn degmooyinka.

 

7.      In dambiileyaasha ay maxkamada horteeda kaga cadaatay inay geysteen dilka ula kac ah, lagu fuliyo qisaas, si ay u yaraadaan dilalka .

8.      In si deg deg Ah Xukuummaddu u samayso Faafintii rasmiga ahayd ee Xeerarka Golaha Baarlamaanku ansixiyey, si loogu dhaqmo .

9.      In guddida Arrimaha Guduhu safar ugu baxo gobolada dalka, si ay ugu kuur galaan xaaladdaha diiwaangelinta, doorashoshada, nabadgelyada iyo difaaca ee dalka guud ahaan.

 

 

 ALLLAA MAHAD LEH

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: