Wufuud Culus oo Dalka u Yimid Qiimaynta Dhoofka Xoolaha

 Hargaysa (sl.no) 10 july 2008 –  Wufuud culus oo isugu jira Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha oo ka kala  socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (OIE) iyo dalalka Cumaan iyo Imaaraadka, ayaa shalay Somaliland booqasho ku yimid. Sida uu noo xaqiijiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi wufuudaasi oo ka kooban 3 dhakhtar oo ka socda hay’ada OIE waxa hor kacaya madaxa Geeska Afrika iyo Bariga dhexe u qaabilsan Ha’adda Caafimaadka Xoolaha Adduunka, kuwaas oo Somaliland ka hirgaliyay Maxjarka Berbera ee lagu eegi doono caafimaadka xoolaha Somaliland, halka waftiga ka socda Cumaan iyo Imaaraadku ay ka koobanyihiin 8 xubnood oo 4 –ba ay dal ka socdaan Wasaaradaha Beeraha ee dalalkooda.

Waxaanay waftiga hore ee hay’adda Caafimaadka Xoolaha Adduunku u ambabaxeen Berbera, iyagoo kuwa kalena islamaanta  ay Berbera gaadhi doonaan, iyaga oo eegaya hawlaha maxjarka ka socda.

 

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi waxa kale oo uu shaaca ka qaaday 20-ka Bishan inay dalka iman doonaan wufuud kale oo culus oo ka kala socda Wadamada Sucuudiga, Kuwait iyo Qatar, kuwasi oo dhammaantoodba la filayo inay ooda ka qaadaan xoolaha Somaliland.

 

Source: Waaheen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: