MAANKAAGA LA KAASHO MURANKA MIISAANKA MAANSADA EE MACALIN CARAALE IYO ABWAAN GAARIYE

Qore Cusmaan Aadem
Sannadku waa 1973 xilli aan durugsanayn oo bilo laga joogo, ayaa Af Soomaaliga far loo yeelay oo la qoray. Waa waxtarkii ugu qiimaha weynaa ee ilaa hadda loo qabtay horumarinta dhaqanka iyo aqoonta Soomaaliyeed. Waa dhacdada qudh ah ee lagu diirsado ee laga dhaxlay xukunkii askarta. Golayaasha aqoonta, sida machadyada culuunta sare , dugsiyada, mac allimiinta iyo aradaydaba,waxa ka muuqda rajo ballaadhan oo la filayo in aqoontu si  xad- dhaaf ah ay dadka ugu  baahdo,dabadeedna ay si dhakhso ah u keento  isbeddel laga gaadho kor u qaadidda garaadka dadka iyo hurumarinta dalka.        
Anaga oo ah koox yar oo ka mid ah ardayda Kuliyada Waxbarashada ee Lafoole ( Lafoole College of Education), waxa noo sheekaynaya Cabdillaahi Diriye Guuleed (Carraale), oo isaguna aradayda ka mid ah .Markasta iyo meel kasta oo uu fursad u helo, Cabdillaahi kama daalo hadal haynta sheekadan oo la moodo in uu ku ibtiloobey. Cabdillahi waxa uu ka hadlayaa cilmibaadhis uu beryahanba gacanta ku hayey oo uu ku baadhayo xeerarka xukuma dhismaha iyo dhaqanka gaybayga Somalida. Mararka qaarkood, suaalha uu  na weydiiyo waxa ka mid ah, gabaygu waxa uu yahay iyo waxa gabay ka dhiga.Marar kalena waxa uu na tusaa waxa ilaa hadda uu ka ogaaday dhismaha gabayga.Inkasta oo aanu weli meel fog gaadhin, haddana isaga oo ka duulaya fikradda gun-dhiga u ah cilmibaadhistiisa (hypothesis),  Cabdillaahi waxa uu culays saaraa oo uu ku nuuxnuuxsadaa kaalinta shaqalladu ay ku leeyihiin dhismaha gabayga. 

Muddo sanado ah ka dib, Cabdillaahi hawshan waxa uu ka soo saaray laba buug oo kala ah Gorfaynta Gabayga iyo Miisaanka Maaansada Somaliyeed. Buugagan waxa uu ku soo bandhigay xeerar dhawr ah oo maansadu ku dhisan tahay.  Miisaanka Maansada Somaliyeed waxtarka uu Afka iyo Suugaanta u leedahay ka sokow, waa cilmibaadhista qudh ah, ee qof Soomaali ihi, hawl sidan u baaxad weyn oo weliba uu keli ku ahaa uu ka soo hooyey guul aan hore loo arag. Nasiib-darro, halkii laga sii wadi lahaa sidii guushan loogu diirsaday markii 1976kii la daahfuray natiijada cilmibaadhistii Gorfaynta Gabayga, iyo Miisaanka Maansada Somaliyeed 1977, ayaa soddameeye sano ka dib  laga furay muran raad-xumo ku yeelan kara cilmibaadhis dambe oo la sameeyo wakhtiyada soo socda. Isaga oo dhacdadan xusuusan, qofkii cilmibaadhis in uu sameeyo ku fekeraa, waxa laga yaabaa in aanu ku dhiiran isaga oo ka cabsi qaba in hadhaw lagaga dabo yimaddo waxa uu qabto.                
Tan iyo intii WardheerNews badka soo dhigtay doodan ka taagan qofkii u horreyey daahfurka miisaanka maansada, waxa aynu aragnay waraysi  Macallin Carraale uu  ku caddeeyay halka uu ka taagan yahay xaajadan. Si dhinaca kalena dacwaddiisa loo maqlo, waxa beryahanba si xiiso leh loo sugayey Macallin Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye oo isaguna badheedhihiisa golaha soo dhex dhiga. Taasi oo la helaa, waxa ay dadka u suurto gelin lahayd in si caqligal ah oo waafi ah labada badheedhe la isugu eego, miisaamo, barbar dhigo dabadeedna si qumman looga faalloodo. Nasiibdarro, ilaa maanta oo laba bilood iyo dhawr dharaarood laga joogo markii doodani bilaabantay, Macallin Gaarriye, inta aan ogahay lagama hayo wax jawaab ah oo mawdduucan ku saabsan.                      Miisaanka Maansadu waa Maxay?
Miisaanka Maansadu waa natiijo ka soo baxday  cilmibaadhis lagu sameeyey Maansada Somalida . Cilmibaadhistaa waxa lagu ogaaday qaabka Maansada Somalidu u dhisan tahay iyo sida dhismaha noocyada maansadu leedahay u kala duwan yihiin. Si kale haddii aan u dhigo,cilmibaadhistani waxa ay soo ifbixisay in Maansada Somalidu ku fadhido xeerar la’aantood  aanay maansadu ahaateen sida ay hadda u taallo. Sidaas waxa tusaale u ah, marka meeris maanso ah la tiriyo (lagu dhawaaqo ama la akhriyo), ayaa dhegeha iyo carrabkuba Somalida ee u bartay, inta ay dhadhamiyaan ay kala gartaan in miirisku uu sax yahay iyo in kale. Taas macnaheedu waxa weeyi, meerisku marka uu miisaaman yahay waa maanso, hadiise aanu miisaaneyna waxa aynu markiiba ogaanaa in uu  jaban yahay, kaas oo meeriska u diidaya in uu maanso noqdo.

Faaiidooyinka Miisaanka Maansada
Miisaanka maansadu waa aqoon faaiido aan la qiyaasi Karin u leh barashada Maansada Soomaalidu  sida ay udhisan tahay iyo sida ay u dhaqanto. Intaa waxa dheer, ardayda maansada barata, miisaanku  waxa uu u fududeeyaa in ay fahmaan dhismo ahaan , qaybaha maansadu sida ay u kala duwan yihiin. Miisaanku waa qiyaasta lagu halbeego, waxa gabayga ka dhiga gabay, geeraarka ka dhiga geeraar iyo sababta laamaha kale ee maansada ka dhiga sida ay yihiin. Sidaa awgeed, miisaanka maansada waxa lagu macnayn kara in uu yahay qalab iyo hannaan lagamamaarmaan u ah kala soocidda, kala saaridda iyo kala garashada noocyada maansada. 
MIisaanka maansadu suugaan iyo maanso midna ma aha. Waxa kale oo aanu ahayn sheeko ama  malaawaal lago cabbiro waayaha  aadmiga. Miisaanku waa fikrad cilmi (scientific fact) oo si kasta oo loo tijaabiyo, natiijada ka soo baxdaa ay isku mid tahay. Miisaanka maansada laguma barto sida loo maansoodo, ee waxa lagu bartaa sida ay maansadu u samaysan tahay iyo sida ay noocyadeedu u kala duwan yihiin.
Hawsha Cilmibaadhista Maansada Soomaaliyeed
Cilmibaadhista  maansadu  sida bilawga qoraalkan aan ku sheegay,horraantii toddobaataneeyadi ayay ka bilaabantay Kulliyadii Waxbarashda Lafoole. Cilmibaadhistani waxa ay ka unkantay jacayl qof u qabo in uu ogaado sirta Maansada Somaliyeed. Waxa ay ayahayd hawl irriduhu u furan yihiin oo qofkii doonaa uu ogaan karayey kolba heerka ay mareysey. Xilligaas, labada macallin ee doodu dhex-taalo iyo anigu Lafoole ayaanu arday ka wada ahayn.Hawsha cilmibaadhistan markii gacanta lagu hayey, aad baan ula socdey  oo in badan baan ka ogahay.Sidaas darted, halkan waxa aan ku eegi doona  duruufaha ku xeeran muranka ka taagan cidda daahfurtay Miisaanka Maansada Somaliyeed. Sidaas oo kale,waxa jirta koox xilligaa kulliydda ka ahayd arday ama macallimiin iyo aqoon yahano kale intaba, oo midba si wax ha ugu ogaado, ee ka warhayey  hawshan, qaarkoodna ay la socdeen ilaa  daahfurkeedii.Waxa aan ku kalsoonahay in iyaguna markooda ay arrinkan  ka hadli doonaan iyaga oo damiirkooda u adeegaya oo gudanaya  waajibka ka saran ilaalinta aqoonta dhaqan ahaan iyo  hanti ahaanba, 
Lafoole waxaan arday ka ahaa 1969-1973. Macallin iyo mamuleba dugsiyada sare ee Xamar waan ka soo ahaa. Sannadihii dambe, kulliyada Lafoole ayaan ka bixin jirey duruus lagu barto noofalka iyo sheekada gaaban oo Af Somali ku bixi jirey. Markii shaqada macallinnimada aan meel kale uga foofay oo ahayd  1978kii, waxa i beddeley oo xilkii Lafoole igala wareegey Cabdillaahi Diiriye Guuleed. Sanadkii 1977kii, Maxamed Cabdulle Bariir oo isaguna macallin ahaa iyo aniga ayaa si wadajir ah u qornay buug la yidhaa Maansada Soomaalida , Hordac, oo aanu ku eegeyno hadalka maldahani (figurative language) sida uu ku yahay Suugaanta Somalida. Buugaa, markii  qoristiisu dhamaatay waxa iibsatey Jaamicaddii Ummada Somaliyeed.
Inkasta oo aanaan ahayn saaxiibo aan la kala dhex marin, intii aanu Lafoole ardayda ka wada ahayn iyo dabadeedba, labadan macallin xidhiidh caafimaad qaba ayaa naga dhexeeyey. Maxmed Xaashi Dhamac kulliyada waxa uu ka baran jirey Biology, Cabdillaahi Diiriye iyo aniguna Afka iyo Suugaanta Ingiriiska ayaanu baran jirney. Xilligaa, ardayda Lafoole tiro yar oo kooban oo 150 ilaa 200 aan ka badnayn bay ahayd. Sidaa awgeed, ardaygii hawl waxbarashadiisa ka baxsan hayey, ma uu qrsoomi kareyn. Intaa waxa dheer, cilmib adhis madax bannaan, sida tan maanasada oo kale, Lafoole daayoo, dalkaba lagama aqoon. Taasi, qofkii hawshaas oo kale u soo ban baxa , waxa ay ka dhigeysey tuke baal cad (qof caan ah) oo  indho gaar ah lagu eego.
Arrimha doodan la xidhiidha ee ay tahay in si culus loo tixgeliyo waxa ka mid ah in la is weydiiyo laba qof oo kala barta laba maaddo oo u kala fog sida Biologyga iyo Afka iyo Suugaanta Ingiriiska, midka ay ku habboon tahay, u dhawdahay, u fududahay ama fursad u haysan kara ama ay caqli-galba ay tahay in uu hawl laxaadkan leh  uu u babac dhigo. Sida aanay maan-gal u ahayn in qof isaga oo barshada afka iyo suugaanta ku gudo jiraa uu isla markaa faraha la galo baadhista cell Biology, ayaanay ka Biology baranayana suurtogal ugu ahayn in uu baadho xeerarka Maansada Soomaalida ku qotonto.
Dhinac kale haddi laga eego, isku si loogama gar-naqo hanti  maadi ah iyo mid aqooneed oo la isku haysto. Hantida maadiga ah laba qof isku mar ma wada yeelan karaan, waayo in kastaba ha qaadato, ee marka si caddaalad ah loo baadho, hantiilaha xaqa ah waa la heli karaa. Haseyeesho, ee garsoorka hantida aqoontu, sidaa uma sahlana. Laba qof isku mar  cilmibaadhis isku mid ah waa ay wada qaban karaan isku natiijana waa ay gaadhi karaan. Haddi wakhti isku dhaw ay natiijo isku mid ah ku dhawqaaqaan , inay hantidaa aqooneed  si wada-jir ah u leeyihiin baa loo aqoonsadaa ka dib marka ay qanciyaan baadhis guddi aqoonyahano ihi ku sameeyaan hawlaha  la qabtay.In badan bay dhacdaa in laba aqoon yahan oo cilmibadhis midaba gooni u sameeyey, inta ay isku natiijo soo saareen labadoodaba si is le’eg loogu aqoonsaday in hantida aqoontaa ay wadaagaan.Tusaale waxa u ah kuwo badan oo Nobel Prize ku wadaaga cilmibaadhis ay sameeyeen. Haddise labada natiijo ay  ku kala duwanaadaan run sheegida, tayada, asli ahaanta natiijada iyo habka loo raacay iyo wixii la mid ah, waxa hantida yeesha oo loo aqoonsada qofkii buuxiya shuruudaha saldhiga u ah ee loo raaco cilmibaadhista.
Marka hawl cilmibadhistan oo kale ah lagu guuleysto, waxa daba yaal oo badanaaba la helaa magdhaw ama abaal-gud kooban, oo inkasta oo aanu marnaba u dhigmin hawsha la qabtay, haddana  u taagan astaan iyo aqoonsi hawlkarnnimo. Kolley aniga wax aan iga degi kareyn xaalka macallin1976kii  cilmibaadhis ka gun- gaadhay ee isaga oon waxba ku dheefin inta uu  jeebka  ku ritey la dhaqaaqay ee hadda uun ku ambabereey magaca meesha ku jira. Sidaas oo kale waxa  aynu ognahay in  Wasaaradihii Waxbarashada /Tacliinta Sare iyo Jaamicaddii Ummadu ay ahaayeen xarumihii aqoonta ee lagu qiimeyn jirey laguna aqoonsan jirey kolba wixii aqoonta Soomaaliyeed ee ku soo kordha. Hoos waxa ku tilmaaman heyadaha aqoonta ee labada macallin midaba si gooni ah cilmibaadhistiisa ugu soo bandhigay iyo qoraalladaooda.

Macallin Gaarriye
                                                     
1976   – Maqaalo ku saabsan Miisaanka Maansada Somaliyeed ayuu ku daabacay Xidigta             Oktoobar. Waxa ay ahaayeen maqaalo taxano ah.                                                                      
Macallin Carraale

1976    -Gorfaynta Gabayga oo buug ah ayuu horgeeyey Jaamicaddii Ummadda                        Soomaaliyeed.  Gorfaynta Gabayga Jaamicadda ayaa iibsatey
1977 –   Gorfaynta Gabayga oo lagu daray noocyada kale ee maansada, ayuu
            U bandhigay Wasaaradii Hiddaha iyo Taclinta sare iyo Jaamicaddii Ummada.
            Jaamicaddi Umadda ayaa iibsatey                                                 
1978 –   Miisaanka Maansada oo maqaalo taxan ah ayuu ku qoray Xidigtii Oktoobar.
1979  –  Aqoon isweydarsi lagu qabtay Hotel Juba ayuu ka akhriyey warqad ka hadlaysa
Miisaanka. Maansada Somaliyeed. Eeg, Proceedings of the International Symposium, Mogsdisho, October 15-21, 1979. Compiled by Dr. Hussein M Adam, volume 1, page 132
2003 –     Miisaanka Maansada Somaliyeed ayuu bug ahaan u daabacay.
Faaduma Axmed Caalim ( Curayji) oo  ahayd Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Jaamicaddii Ummada ee Carraale ka iibsatey buugaga, ayaa waraysi ay siisay Radio Somali, Denmark, July 11keedii, 2008 ku qirtay in Cabdillaahi Diiriye Guuleed uu yahay aqoonyahankii ugu horeeyey ee daahfuray Miisaanka Maansada Somaliyeed  sannadihii 1976 iyo 1977. Waraysigu waxa uu ku saabsanaa buug la yidhaado “ Sa Waxay Tiri, and then She Said” oo ay Faadumo ka qortay maansadii iyo waayihii hooyadeed Xaawa Jibril. Ka dhegeyso www.somaliradio.dk ama www.jumbliestheatre.org
Ugu dambayn, haddii qof halabuur lagu bartay oo sidaas ku canbaxay uu sheegto soo saaridda Miisaanka Maansada Soomaaliyeed wax lala yaabo ma aha. Waayo inta maqashaa iyaga oo aan shakiba gelin ayay dareen la’aan duuduub run u qaadnayaanyaan. Marka horaba damaca abuuray in arrintan muran la geliyaa, salka waxa uu ku hayaa oo uu ka soo jeedaa sadbursiga halabuuruhu ku haysto bulshada dhexdeeda. Sadbursigan weliba waxa ka daran oo xoog u sii yeelaya  faraqa u dhexeeya maansada iyo miisaanka maansada oo sida loo badan yahay aan la kala aqoon. Miisaanka maansada waxa loo haystaa in uu yahay nooc maansada ka mid ah . Aqoon la’aanta sidaas ah baa sabab u ah in miisaanka maansada lala xidhiidhiyo maanso yaqaanka.Dadweynuhu waxay ka baraad la’ yihiin  in miisaanka maansadu aanu ahayn gabay, geeraar, hees iyo wixii la hal maala ee smaanso ah.
Haddii murankani demi waayo , ayaan loo abbaarin sidii laba nin oo isku haya hanti maadi ah oo si caadi ah loogu garnaqayo, ee  ha lagu furdaamiyo  in cilmibaadhisyada nimankani ay qabteen la hordhigo guddi aqoonyahano ah oo waayoaragnnimo u leh sida cilmibaadhista loo sameeyo iyo sida loo qiimeeyo.
Cusmaan Aadam
Email:osmanaadam@yahoo.com

—————-
Waraysi Carraale ee Somali Radio
 
Posted By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: