Wakiilada Al-jaabiri oo Warbixin siiyey Golaha Wakiilada Somaliland

 

 Hargaysa (sl.no) 07 july 2008 –  Mudanayaasha golaha Wakiilada ayaa shalay warbixin ka dhagaystay Wakiilada ganacsadaha Al-Jaabiri Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) iyo Cali Ibraahim (Cali Balaqbalaq) kuwaas oo ay su’aalo ka weydiiyeen heshiiska ay xukuumaddu la gashay ganacsadaha Al-jaabiri, su’aalahaas oo ay ka jawaabeen.

Ugu horayn waxa halkaa warbixin ka jeediyey Aadan Baradho Waxaanu yidhi:

“Heshiiskani wuxuu ahaa heshiis ay Dawladi gashay oo la iclaamiyay, warbaahintana wada galay, habartii neefka miyiga ku haysatay oo dhami ay ogaatay.

Qiimaha dibadu waligiiba wuu go’naa inkastoo wax cusub ay ku noqotay Dadka waana hadalada la adeegsaday ee xoolihiibaa qiimo loo gooyay, waxyaabaha la adeegsaday ayay ka mid tahay ee dadka lagu kiciyay, hadda wax caadi ah oo waligeedba jirtay waxa dhibta laga dhigayaa ee dadka lagu kicinayaa oo aanay suurta-galna ahayn laakiin nooca loo dhigayaa oo aanay ahayn in laga tagaa maahee haddii qiimaha suuqan gudaha la gooyo ayay noqon lahayd dhib, ta dadku ay u fahmeena waa taas in neefkoodii halkan qiimo looga jaray mana loo jarin ee neefkiisii waa xor oo ninkii daaqsaday ama islaantii daaqsatay ee ku indha beeshay iyo kii tuulada ku qayilee dar xumaysanaa waligood isku qiimo may ahayn imikana isku qiimo noqon maayaan, waa ninba tacabkii nin walba neefkiisa sida uu ugu tabcay iyo waxa uu saylada la yimid ayuu helayaa qiimahooda, laakiin in dadka lagu khaldo maaha Carabka qiimaha lagula heshiiyay in looga dhigo in neefkooda halkan lagu gooyo.

Qoddobada Faa’idada

Asalkeeda Dawladu waxay ka soo gashay in Xoolaha la furo’e laakiin heshiisku waa heshiis ganacsi marka dhab laga hadlayo, Dowladdu waxa ka soo gashay uun waa furida Xoolaha in la furo iyo Maxjarkaa la sammaynayo waxaana faa’idooyinkaa ka mid ah:-

1.      Maal-gelin ayaynu ka helaynaa oo Maxjarbaa la inoo sammaynayaa ayaan hore u haysan oo aynu waynay, isla markaana kari waynay oo ah shuruudihii Xoolaheena lagu xidhay oo shahaadadii inuu heer Caalami yahay la ina siinayo, dabadeedna aynu ku hawl-gali doono, isla markaana ku nasan doono Insha Allaahu Tacaalaa waana Mashruucii waana mashruucii koowaad  ee Maal-gelin ah ee la inagu aaminay ee ka hirgalay.

Saleebaan Al-jaabiri iyo Shirkadiisana waa cidii koowaad ee wax inagu Aaminay, waaxaan u malayanayaa in ay mahad-naq inaga mudnayd oo aynu is wada barbar taagno ilayn waa ciddii koowaad ee wax inagu aamintay iyadoon la ina Ictiraasanayn oo cid waliba inaga dhaqaaqday ciddii koowaad ee albaabka inaga furtayee dhulkeena maal-galisay.

2.      In Xoolihii inaga xidhnaa in la inoo furo, oo waa inagii waynay toddoba sanadood oo aynu intaa waynay ee geed dheer iyo geed gaabanba u fuulnay.

3.      Lacagtii la dhici jiray ama la amaahan jiray oo Kaash ah oo caawa marka markabka la raro berito qofku qaadanayo.

4.      Xoolihii la soo celin jiray ee halkaa ku baabi’i jiray ee khasaaruhu inaga inagu dhici jiray oo iyaguna meeshii ka baxay oon wax la inagu celiyo inaga ayaan shuqul ku lahayn ee Shirkadda Xoolaha inaga qaadanaysay iyadu isku qabto.

5.      Xoolihii marka ay bataan ee ay suuqa ku bataan is-jabin jiray ee ganba-ganbo ku dhici jiray oo iyaguna tiro kasta haddaynu maanta dirno aan is bedelayn oo aanu sicirku isbedelayn ee qiimihii aynu ku heshiinay siddii halkaa ugu joogaayo.

6.      Xoolaheena cid danaynaysaa oo dibadda uga hadasha may lahayn inaguna Ictiraaf ma haysano oo hadalkeenu dibada gaadhi mayo, waxay yeelanaan imika cid danaynaysa oo u doodaysa iyadoo danteeda eegaysa u doodaysaa suuqii ay tagayeen Xoolaheenu.

7.      Kootahaha, suuqa debadda waa lagu tartamayaa tartan ayaa ka dhexeeyoo waxa weeyi cid waliba waxeeda way u iib gaynaysaa, suuqii caynkaas ahaa ee lagu tartamayay kooto in aad ka hesho inta aad u baahan tahay wax dhacaba maaha, waxa weeyi cid nasiib leh uun baa taas oo kale heli karta, in aad suuqii debadda kooto ka hesho waxa weeyi maba dhacdo adduunka tii caynkaas ahayd ee aan dhici jirin ayaa inaga nasiib Illaahay inoo siiyay oo heshiiskii kula galay in aynu intii aynu u baahnayn aynu suuqii ka helno oo kooto ah.

Intaa ka dib waxa ay mudanayaashu weydiiyeen su’aalo kala duwan, waxaana ka mid ahaa:

S/ Ganacsade Aljaabiri ma idinka oo keliya ayaa la galay heshiiska, heshiiskaasise ma waxa uu ahaa heshiis sir ah haddii aanuu hayn Golaha Wakiiladu ma ka helikaraa nuqul ka mid ah heshiiskaa?

S/ Maxaa sababay in xoolihii tegayay Sucuudiga in aad keligiin wakiil u noqotaan

J/ Anagu waxaanu galay heshiiska wakiilnimada Aljaabiri heshiiska kale waxaa wada galay Aljaabiri iyo xukuumada, ta qiimaha xoolahana anagu waxaan ku lahayn talo, xaga heshiiska idinka iyo xukuumada ayaa ka wada hadli?

J/ Aljaabiri xidhista xoolaha (Koonto) wax ayaan kaga bedelenay wixii inagu kelifay iyo waxaan ku bedelanay labadaba warbixintayda ayaan ku soo sheegay.

S/ kal hore xukuumadu waxay codsatay in illaa Ciidda Carafo loo daayo xoolaha dhoofintooda Aljaabiri, hadana waxay mar labaad codsatay in shan bilood oo danbe loo daayo, haddii ay  fashilanto waajib xukuumad ahaan muxuu noqonayaa, idinkuse (ganacsato ahaan ) maysudayn karaysaan shacabka iyo xukuumad ahaan sida ay kalayeelayaan?

S/ Managa ogolaanaysaan (Ganasato) haddii wakiilnimadiina iyo arrinka kootada is waafajino sida reer Boosaaso isu waafajiyeen anaga oo aan ka hor imanayn danihiina ganacsi , sharciga dalka u yaala iyo xoriyada ganacsiga midna?

J/  In qiime debedeed la jaro waa arrin qasab ah laakiin anagu umaanaan jarin qiime suuqa gudaha oo waa marba sida uu suuqu yahay, xoolahu markay yaryihiina way qaali garoobayaan marka ay badan yihiina way isjebinayaan.

S/ Umada maanta ma u cadayn karaysaan shaqada ganacsi ee aad haysaan nooca ay tahay, ma mid shaqaalanimaa, ma mid ganacsato xor ahbaa mise waxaad ka tirsan tihiin xukuumada?

S/ Xoolihii iyo Ganacsatadii Berbera wax ka dhoofin jiray way ka leexdeen nooca ganacsi ee aad samayseen awgeed idinku (Aadan & Cali) diyaar mawtihiin in laydin kula xisaabtamo wixii ka yimaada mustaqbalka?

S/ Diyaar ma u tihiin inaad faraha kala baxdaan qaabkiinan ganacsi si aad ganacsatada xoolaha ee kale ula sinaantaan?

J/ Anagu waxaanu wakiil ka nahay ganacsade Aljaabiri xoolihiisa iyo lacagtiisaba, waxaanuna xoolaha ka eegnaa shuruudihii laga rabay in xoolahaasi buuxiyeen dabadeed lacagta ayaan dadkii xoolaha lahaa siinaa.

S/ Waxaa nagu maqaala ah in rag ganacsato ahi oo reer Somaliland ahi ay iyagu Aljaabiri halkan keeneen oo ay heshiis la galeen, qiimaha neefka ee heshiiskaasina ahaa $ 43 mudo laba jeer ahna lagu dhoofiyay mar sadexaadkiina ay diyaar u ahaayeen hase ahaatee idinku aad isticmaasheen xeel baayac mushtar oo aad kala baxdeen xaga xukuumadana aad kula gal-galateen  iskuna afgarateen qiime intaa ka yar, ma jirtaa arrintaasi haddiise ay jirto miyaanay ahayn dhabar jab aad ku samayseen dadkeenii masaakiinta ahaa?

 J/ Waxaa lagu khaldayaa oo inoo yimi 2006dii xajkii nin la yidhaahdo faysal Mahdi oo reer Boosaasood ah oo ka socday shirkadan Aljaabiri wuxuuna u doonaayay halkan iyo Boosaasabo labadaba, intii aanu inoo imana waxaa furmay Maxjarka Jabuuti dabadeed waxaa Somaliland mamnuucday in xoolihii Jabuuti inaga tagaan talada mamnuucaasina waxa ay ka timi xaga ganacsatada xoolaha , ninkaasi waxa uu ku soo degey oo heshiiska la galay shirkada xoolaha ee Maandeeq, iyaguna waxa ay ula tageen Mudane Khadar Ambaasatoor oo Golihiina ka mid ah intaas ayaana noqota wakiilo dadkana way u qaybiyeen sidayada oo kale, waxaana loo raray Jabuuti maraakiibtii u horaysay dawladuna may ogaan ee mardanbe ayaa la ogaaday waana la joojiyay, markaa jaabiri inooma imaan cid reer Somaliland ah oo ka socotayna may jirin qiimuhuna waxa uu ahaa $ 41.

S/ Berigii hore waxaa dhoofi jiray xoolo dhan 2,000,000, Aljaabirina waxa uu dhoofinayaa 2,000,000, berigaa hore ma ganacsato kale oo carab ah ayaa jirtay oo ku tar tamaysay dhoofka xoolaha oo dhoofin jirtay, haddise Aljaabiri kalsoonidaa aad sheegtay wadankiisa ka haysto ma markuu waxa uu doonaayo helo ee uu dhoofsado 2,000,000 ee neef ayuu ina siinayaa jawaab ah wax hel iyo wax waa, muxuu hadduu karaayo iminkaba u furi  la’yahay xoolaha?

S/ haddii Aljaabiri aynu garanay inuu xoolaheena qaato oo uu dhoofiyo miyaynaan qolyaha kale ee Sucuudiga ah ee adhigeena qaadanaaya labadaba saylada u fasaxno si siman maxaa ka imankara oo dhibaato ah?

J/ Waqtigaa hore ee ay dhoofi jireen l2,000,000, ee neef xoolaheenu cid walba waa ay u furaayeen cidkasta oo inaga soo dalbata waa loo diraayay wax ku xidhnaana ma aysan jirin.

 

Source: waaheen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: