KOOXDA OMAR INTERNATIONAL AYAA KU GUULAYSATAY KOOBKII MAALINTA WAXBARASHADA DEGMADA ALLAYBADAY

Waxaa shalay soo gabagababeeyay koob in muddo ahba ka socday Garoonka Xoriyada Magaalada Allaybaday koobkaasi  oo  ay ku loolamayeen kooxaha ka jira Degmada Allaybaday iyo Wajaale, koobkaasi loogu magacdaray Maalinta Waxbarashada Degmada ee 21 july ayaa uu dhigay oo bixayay dhamaan kharashka ku baxay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL, Mudane C/casiis Maxamed Samaale.

Hadaba waxa ay ciyaar aad u dag oo ahayd final dhexmartay labada kooxood ee kala ah Omar International Wajaale iyo Tigers Allaybaday ay isugu yimaadeen Ciyaartii finalka, ciyaartan ayaa ahayd mid aad u heersaraysay oo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo baas gaagaaban oo ah nooca loo yaqaano one touch. 

Ciyaartaasi labada kooxood dhexmartay ayaa ahayd ciyaar hufan oo ku dhisnayd weerar iyo weerar celis, taasi oo ay ciyaartaygii labadaasi kooxood ay muujiyeen ciyaar wanaag ayna ku dadaalayeen siddii uu mid waliba u hanan lahaa koobkaasi, ciyaartan labada kooxood dhexmartay ayaa ahayd mid si wayn loo sugaayay.

Hadaba ciyaartan ayaa waxa ay qaybtii hore ku dhamaatay hal gool oo ay keensatay Kooxdii Omer goolkaasi oo uu u dhaliyay inanka uga ciyaara kooxdaasi afka hore ee la yidhaahdo Maxamuud yuusuf laguna naanayso (dhucda) balse markii la isku soo noqday ciyaartii ayay kooxdii tigers garoonkii lasoo galeen dardar ka badan tii markii hore taasi oo ay in badan isku dayeen in ay  dhaliyaan goolka kooxda  kale , balse waxa ay kooxdii Omerna ku dadaalaysay in aan laga dhalin goolkaasi ay dhaliyeen taasi oo ay aad u akdaysteen dufaaca, balse kooxda Tigers may samrin ilaa laga afuufo siidhigii ciyaarta halkaasina ay Kooxdii Omer International ay bilowdo Damaashaad ay ugu damaashaadayaan Hanashada koobkan lagu xusaayay Maalinta waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 july. Oo ay ku hanteen 1:0 eber, halkaasina waxa lagu gudoonsiiyay Koobkii kooxdii Omer International, Waxaana la gudoonsiiyay, Koobkii iyo qalab sporta oo loogu tallo kalay kooxda badisay.

ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: