
Maamulka Taleefishinku waxaa uu sheegay in 24ka saac maalin walba uu ku jiri doonoa RAAD TV isla markaana uu noqon doono mid ay dadku kala socdaan Barnaamijyo kala duwan oo ay kamid yihiin Warar, Waraysiyo, Documentary, Doodo, Barnaamijyo diini ah, Suugaan, Taariikhda islaamka, iyo Madadaalo.
Dadka ku nool qaaradda Europe waxaa ay ka daawanayaan TVga Eurobird 9, frequency: 11843, symbol rate: 27500, fec:3/4, transponder:56, sidoo kale waxaa ay ka daawan karaan Eutelsat, halka sadexda qaaradood ee kale ee Asia, Australia iyo Africa laga daawato Eurobird Waxaa kaloo aad ka heli kartaa ama aad ka daawan kartaa Eutelsat W1 oo dadka qaarkii ay ka heleen.
Maamulku waxaa ay sheegeen in dadka horay u daawan jiray Hotbird ay u baahan yihiin oo kaliya in ay la xiriiraan qof farsamo yaqaan ah oo diishashka xidha oo kala taliya sidii ay Eurobird 9 iyo Hotbird ay u wada daawan lahaayeen iyagoon dishka meel kale u jeedinin.
Filed under: Dibadda |
U dhaaf Halcelis