WAXQABADKII WAKIILKA SOMALILAND EE DALKA NORWAY INTII UU KU SUGNAA MAGAALADA DIMISHIQ EE DALKA SUURIYA

Oslo(sl.no) 31 july 2008 – Waxa bishan july 2008 socdaal ku tagey magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya Wakiilka Somaliland ee Norway. Socdaalkaa oo ahaa fasaxiisii caadiga ahaa waxa uu halkaa ka bilaabay dhaqdhaaq siyaasadeed isaga oo wada tashi kala yeeshay xukuumada JSL. Dhaq-dhaqaaqaa siyaasadeed waxa uu la kaashaday muwaadiniin reer Somaliland ah oo qaarkood degan yihiin dalka Suuriya qaarna ka kala yimaadeen dalkii Somaliland iyo wadamada Yurub. 

 

Wakiilka iyo muwaadiniintaa waxa u suurto gashay in ay si rasmi ah ula kulmaann masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xisbiga haya talada dalkaas ee Albacas. Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ay la kulmeen mudane Maxamed Yasminah oo ah madaxa arimaha dibadda ee xisbiga iyo Macan Aboud oo ah madaxa u qaabilsan arimaha dibadda xafiiska dhalinyada ee xisbiga.

Siiriya oo sanadkan oo ku fadhida jagada madaxtinimada  Jamicada  carabta ( arab league) ayaa fursadani u ahayd somaliland mid aad u muhiim ah oo qaali ah . Wakiilka SL ee Norway mudane Maxamed.M. Adan ( Lenin) iyo xubnaha la socday waxay si buuxda ugu soo bandhigeen madaxda reer suuriya qadiyada Somaliland , waxa kale oo la isla gorfeeyey sidii ay xidhiidh toos ah u sameeysan lahaayeen labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa horumarka SL ka gaadhay xagga nabad-gelyada iyo dib u dhiska. Wuxu kale oo weftiga SL kala hadleen madaxda reer Suuryia sidii  SL looga caawin lahaa waxbarashada iyo baahida dhalinyarada.

Wakiilka iyo xubnuhu waxa kale oo ay la kulmeen Tujaarta reer Suuriya oo ay u soo bandhigeen qaniimada somaliland leedahay ee ka kooban bensiin , kaluun , xoolo nool iyo macdanba. Waxa kale oo wakiilku ka warbixiyey amaanka iyo ixtiramaaka somaliland siiso heshiiisyada caalamiga ah ee ay gasho. Waxa aanu u bandhigay wakiilku fursada baayacmushtar ee maanta ka jirta somaliland iyo muhimada dekada Berbera u leedahay wadamada geeska Afrika.

Shirkaa Ganacsatada dadkii ka qeyb galay labada dhinac waxay kala ahaayeen:

Dhanka Somaliland

  1. Mudane Maxamed M. Adan “Lenin” Wakiilka SL ee Norway.
  2. Mudane Xusseen Cali Maxamed “Colaad” oo ah ganacsade degan dalka Finland.
  3. Mudane Xusseen Xasan Dhegjar oo ah ganacsade reer SL ah oo fadhigiisu yahay Hargeysa.
  4. iyo qaar ka mid ah jaaliyadda reer SL ee Suuriya.

Dhanka Suuriyaanka:

  1. Fouad Ahmed Assi.
  2. Dr. Abdirahman Burghul.
  3. Mataz Bakieh.

Shirkan waxa si weyn loogaga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa isku soo dhawaanshaha labada dal ee dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidii looga furi lahaa labada dal xafiisyo ganacsi.

Wakiilka iyo xubnaha la socday waxa ganacsatada reer Siiriya u sameeyeen casho sharaf  ka dhacday  hoteelka MOOL ZARA .

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: