Mudayaasha Golaha Wakiilada oo Go’aamo ka Soo Saaray Arinta Muranka Dhoofka Xoolaha Iyo Warar Kale

1. In gancsiga dalka JSL uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad qodobka 11-aad ee distuurka JSL heshiis kasta oo ganacsi oo ka hor imaanaaya 11-aad ee distuurka JSL.   2. In dhamaan heeshiisyada xukumadu gashay eel eh sifadda ku cad qodobka 53-aad farqadiisa sadexaad la horkeeno golaha wakiilada si goluhu uga guto waajibaadkiisa distuuriga ah.  3. In loo yeedho cidksata oo ku lug leh ama ay khusayso arinta ganacsiga adhiga si loo helo xogta iyo xaqiidad ku xeeran gansiga adhiga sida Wasaaradda xoolaha wasarada ganacsiga rugta ganacsiga iyo ganacsatadda adhiga .  4. In goluhu u saaro gudi gaar ah (Adhoc- comittee) dhibaatadda xoolaha

Hargeysa, fadhigii maanta ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa go’aanka soo saaray heshiiska ay xukumadu la gashay ganacsadaha Al jaabiri kaas oo muran balaadhan ka dhaliyey dalka.
Fadhigan oo gudoominaayey gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa mudanayaashii maanta ka soo qaybgalay fadhigan kuwaas oo tiradoodu dhamayd 46 mudane u sheegay in doodii maalmahanba ka socotay aqalka golaha wakiiladda. taas oo ku saabsanayd muranadda uu dhaliyey heshiiska dhoofka xoolaha ee ay xukumadu iyo ganacsadaha Al jaabiri ay wada gadheen waxa uu Gudoomiyuhu golaha wakiilada uu sheegay in doodahaas ay mudanayashu arintaa ka yeesheen ay nuxurkeedii ka soo bexeen afar qodob, kaas oo Gudoomiyuhuu sheegay in loo baahan yahay in golaha wakiiladu go’aan gole ka gadhaan.

Waxana uu gudoomiyuhu ku amray in uu akhriyo wixii ka soo baxay doodii muranka xoolaha Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda Maxamed Xasan Kaahin (Kayse)

“waxay dooddu bilaabantay 27/7/08 waxayna dhamaatay 28/07/08 doodan waxaa ka qayb galay 21 mudane oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiiladda, mudanaayashu waxay dooda u dhiibteen si xirfad iyo farshaxanimo leh iyada oo ay mudanayaashu afkaartooda ku arooriyeen sharciyadda maadaama oo ay yihiin gole sharci dajin islamarkaana waajib ku tahay ilaalinta sharciga oo uu sal u tahay distuurka JSL

Mudanayaashu waxay isdu-taageen carabkana ku celceliyeen in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka ka ganacsiga xooluhuna yahay khayraadka 1-aad ee ummadan nolosheedu ku tiirsan tahay.

Hadaba dooda mudanayaashu waxa nuxurkeedu iskugu soo biyo shubatay kuna gabgabooday qodobadan.

 

1. In gancsiga dalka JSL uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad qodobka 11-aad ee distuurka JSL heshiis kasta oo ganacsi oo ka hor imaanaaya 11-aad ee distuurka JSL.

2. In dhamaan heeshiisyada xukumadu gashay eel eh sifadda ku cad qodobka 53-aad farqadiisa sadexaad la horkeeno golaha wakiilada si goluhu uga guto waajibaadkiisa distuuriga ah

3. In loo yeedho cidksata oo ku lug leh ama ay khusayso arinta ganacsiga adhiga si loo helo xogta iyo xaqiidad ku xeeran gansiga adhiga sida Wasaaradda xoolaha wasarada ganacsiga rugta ganacsiga iyo ganacsatadda adhiga

4. In goluhu u saaro gudi gaar ah (Adhoc- comittee) dhibaatadda xoolaha

Intaas ka dibna waxaa uu gudoomiyuhu ku wargeliyey in xildhibaanadda in cod loo qaado afarta qodob ee ka baxay doodii ay mudanayaashu kaga doodeen muranka dhoofka xoolaha waxana ogalaaday in go’aan gole laga gaadho 44 mudane cid diiday may jirin hal mudane ayaa ka aamusay gudoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuuna ku ansexeen afartaa qodob.

 

 

Berbera(Qarannews)Laba Doonyood oo ku degay xeebaha Somaliland

 

Dhanka kalena wararka aanu ka helayno magaaladda Barbera ayaa sheegaya dooni siday xoolo oo xalay saq badhkii ka goosatay marsadda caalamiga ah ee Berbera wararku waxay intaas ku dareen in dhamaan xoolihii ay siday oo gaadhaya ay ku qaraqmeen badwaynta oo dhamaa 2,500 oo neef oo adhi ah. Hase yeeshee dhamaan dadkii la socday oo u dhashay Somaliland waa la soo badbaadiyey, doontan ayaa u sii jeeday wadanka Yamen waxayna u rarnayd ganacsade Somaliland u dhashay kaas oo lagu magacaabo Cali Ducaale.

Sida oo kale waxa iyana ku dagtay xeebaha magaaladda Saylac ee gobalka Salal dooni kale oo iyadu u rarnayd qaarka ka mid ah ganacsatada reer Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xukumadda Somaliland doontan maanta iyaduna ku degtay xeebaha Saylac cid wax ku noqotay oo ilaa hada la soo sheegay ma jiraan.

 

Source:  Qarannews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: