MUNAASIBAD BALAADHAN OO LAGU XUSAAYAY MAALINTA WAXBARASHADA DEGMADA ALLAYBADAY EE 21 JULY AYAA MAANTA LAGU QABTAY

Allaybaday, Waxa maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Degmada Allaybaday xaflada aad iyo aad qiime u leh oo sifiican looga soo shaqeeyay loona agaasimay,Xafladaasi oo lagu xusaayay Maalinta Waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 July iyo Sanad guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Ururka Horumarinta Waxbarashada Degmada Allaybaday(UHWA) waxa kale oo iyana Xafladaasi  Xadhiga laga jaray Maanta Saddex Iskuul oo ka hirgalay Degmada Allaybaday, Saddexdaa Iskuul oo kala ah Dugsiga Sare kaasi oo ay Haayada DRC ka dhisday Allaybaday iyo labada iskuul ee kala ah Geed abeera iyo Taysa, Labadaasi Iskuul oo ay dhisday Haayada UNICEF

Hadaba Xafladaasi lagu maamuusaayay ayaa ay kasoo qayb galeen Gudoomiyaha Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL Mudane C/casiis Maxamed Samaale,Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xasan Maxamuud Warsame(xasan Gadhwayne) iyo Suldaan Axmed nuur C/laahi Samaale iyo qurba joogta reer Allaybaday. iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayn waxa Xafladaasi ka hadlay  Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan Shahar  oo si guud uga hadalay xaalada degmada Allaybaday,

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guddida Gudaha Mr. Axmed Cabdi Bakaal waxa uu Gudoomiye Axmed ka waramay Marxaladihii ay soo martay Waxbarashada Degmadu, waxa kale oo uu sheegay in Maalintii la  aasaasay UHWA oo gacanta ku haysa Waxbarashada Degmada ay ka jireen degmada Allaybaday  4 dugsi, oo ay wax ka dhigi jireen ayuu yidhi 10 macalin,  imikana ay ka jiraan 11 dugsi kuwaasi oo ay ka hawlgalaan 38 macalin, taasi waxa ay ku timid ayuu yidhi is abaabulka  jaaliyadaha reer allaybaday ee isku xilqaamay horumarinta Dalkooda iyo Deegaankooda, waxa kale oo uu ugu danbayntii sheegay Bakaal Himilooyinka UHWA in ay tahay in laba iskuul oo boarding ah laga hirgaliyo Degmada Allaybaday,

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Mukhtaar Axmed Sh. Aadan(Taysa) oo ku hadlaayay 15 jaaliyadood  ee ku howlan hurumarinta Waxbarashada Allaybaday Magacooda, waxaanu Mukhtaar hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq uu usoo jeediyay dhamaan Marti sharafdii ka soo qayb gashay Xaflada, waxa kale oo uu yidhi waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan ka qayb qaato Xafladan lagu xusaayo Maalinta waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 July, waxa kale oo uu Mukhtaar aad ugu dheeraaday Faa’idada waxbarashadu leedahay iyo sidda ay u mudan tahay in ah miyad la siiyo, isaga oo yidhi waxa UHWA u qorshaysan sanadka 210ka in la waayo ama 90% ay wax akhriyi karaan waxna qori karaan ubadka ku nool Degmada Allaybaday haddii alleh yidhaah ayuu yidhi, waxa kale oo uu Mukhtaar ku boriyay Dhamaan dadkii kasoo qayb galay Munaasibadaasi in lagu dadaalo sidii caruurta loo gayn lahaa waxbarashada, isaga oo yidhi waxa maanta dhigta Iskuulada Degmada 2000 arday balse 4000 oo ardayna way ka badan tahay ardayda aan waxba dhigan ee xoolaha loo dirayaa markaasi waxa aan leeyahay waalidiinta caruurta xoolaha u diranaayay waxbarashada keena Caruurta taasi ayaa idinka iyo iyagaba anfacaysee, ugu danbayntii waxa uu yidhi halku dhiga sanadkan ee UHWA waa ( we wil never go back)

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadashay Marwo Safiya Jibriil oo ka socotay Haayada UNICEF, waxayna  hadalkeedii ku bilowday runtii waxa aan ku faraxsanahay  marti qaadkan aad ii fidiseen, waayo ka UNICEF ahaan waxa aanu dhiiri galinaa Waxbarashada  ciddii horumarinaysa waxbarashadana dadka waanu iskaga dhawnahay ayay tidhi Marwo Safiyi,waxa kale oo ay tidhi Waxbarashadu waa furaha Horumarka ee ku dadaala UHWAna waxa aan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa talaabada wax ku oolka ah ee ay qaadeen, Wasaarada Waxbarashada iyo ka UNICEF ahaana waanu idinla qabanaynaa wixii aanu idinla qaban karno ayay ku soo koobtay Safiyi.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xasan Cali Sadexle oo yidhi waxa aan saaka 9:00 Subaxnimo kasoo dagay Madaarka Magaalada Hargaysa aniga oo kasoo baqoolay Dalka Finland,go’aansadayna in aan ka qayb qaato Xafladan lagu xusaayay Maalinta waxbarashada Degmada Allaybaday Aniga oo aan nasan runtii waxa aan dareemayaa ayuu yidhi farxad saa’id ah,waxa uu soo jeediyay mr Xasan in lasameeyo iskuulo kale oo ah kuwa farsamada gacanta(vocational skills)

Waxa kale oo isna xafladaasi ka hadlay Wasiirka  Wasaarada Waxbarashada oo yidhi waxa aan hambalyo iyo bogaadin usoo jeedinayaa dhamaan bulshada reer Allaybaday Munaasibadan Maalinta Waxbarashada Awgeed, waxa kale oo uu Wasiirku aad ugu dheeraaday  in ahmiyad lasiiyo Waxbarashada, waxa kale oo uu Amaan usoo jeediyay UHWA oo uu yidhi waxa ay mudan tahay ku dayasho isaga oo yidhi Allaybaday waxa ay tahay Tusaale aanu usoo qaadano marka aanu dadka tusayno in wax laqabsan karo,waxa kale oo uu wasiirku yidhi waxa aanu Degmada Allaybaday u gunaynay sanadkan Macalimiin taasi oo uu Amarkeeda iskalahaa ayuu yidhi Madaxwaynahay Jsl Daahir Riyaale, waxa kale oo uu yidhi Wasaaradu waa u diyaar waxkasta oo ay la qaban karto Degmada Allaybaday.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL, Mudane C/casiis Maxamed Samaale, wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay oo yidhi waxbarashadu waa furaha nolosha waana lagama Maarmaan markaa waxa la inooga baahan yahay in aynu ku dadaalo Waxbarashada, iyo in aynaan dayicin  tacabka dadkeena maalka faraha badan kusoo bixiyo bilkasta siddii ay caruurteenu wax u baran lahayd,markaasi waxa la inooga baahan yahay ayuu yidhi in aynaan dayacin fursadaasi maadaama oo aynaan saddex sano ka horba aynaan haysan fursadan ay maanta  reer allaybaday haystaan taasi oo arday badan reer somaliland ahi ayna haysan, sobobtoo ah ma jirto dalka meel waxbarasho sare iyo tu hooseba ay bilaash tahay, markaasi waa in laga faa’idaysdaa ayuu yidhi,

Waxa kale oo uu wasaarada Waxbarashada usoo jeediyay oo yidhi Macalimiinta Maanta waxa ka dhiga Degmada Allaybaday kuma fila markaasi waxa looga baahan yahay wasaarada in ay kordhiso macalimiinta wax ka dhiga Degmada, ugu waxa uu halkaasi ka balan qaaday in uu bixinaayo $1000 dollar oo ka mid ah qaadhaankii lagu dhisaayay Dugsiga sare ee Boarding ah, $1000 kaa dollar oo noqon doona kii ugu horeeyay qadhaadhaanka lagu soo qaybiyay gudaha oo dhan $25000 dollar,

Ugu danbaytii waxa Xafladaasi soo gudnaanaday Suldaanka Beesha, Suldaan Axmednuur C/laahi Samaalekaasi oo uu Hadalkiisu u badnaa Duco iyo Waano

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: