HARAGA ADHIGA EE LA SOO GASHADAY WUXU NOQDAY IN SIYAASIIN MUCAARAD AHI ADHIILEYAAL NOQDAAN OO INAMO JABHADII SNM-AH LA KAXEEYO

Hargeysa (sl.no) 25 july 2008 – Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Md. Maxamed Ismaaciil Bullaale,  ayaa ku tilmaamay muranka cakiran ee ka aloosan dhoofka xoolaha ee maalmahan taagnaa mid lagu mijo xaabinayo Somaliland oo ay wadaan dadka Soomaliweyn doonayo oo soo xidhay harag adhi.

Md. Maxamed Ismaaciil Bullaale, waxa kale oo uu sheegay in siyaasiyiin mucaarad reer Somaliland ahi ka faa,iidaysteen muranka adhiga oo bilaabeen inay xoolo dhoofiyaan, isla markaana inta ay hubeeyaan ciidamo SNM ka tirsanaan jiray ay ku hanjabaan in gar iyo gardarraba xoolahoodu dhoofayaan.

Md. Bullaale waxa uu hadalkan ka sheegay kulan masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah xildhibaannada UDUB ugu jira Golaha Wakiillada ay kaga hadlayeen dardargelinta iyo isku xidhka laamaha dibadda iyo gudaha ee xisbiga oo ka dhacay guriga xoghayaha ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo Xoghayuhu kulankaas khadka telefoonka ugaga furay shir sannadle ah oo madaxda iyo hawladeennada xisbiga ee laanta Cardiff Gobolka Wales ee dalka Ingiriiska uga bilaabmayey.

“Labadii toddobaad ee u dambeeyey waxaad mooddaa waxa ina soo galay, kolba dhinac baa cadawgu innooga wareegayaaye buuq iyo khalkhal in la ina geliyo oo cadawgu inoo soo maleegay. Waxa ina soo gashay Soomaaliweyn oo inoo soo gashatay harag adhi, waxa laga hadlayo iyo buuqaa aad arkaysaan xoolo maaha ee haragii adhiga ayuun baa la soo saaray, waana minjo-xaabin, burburin iyo in nabadgelyadeena wax la yeelo oo aynu halkaa ku baaba’no, waa in dadku iska arko oo ka foojignaado,”ayuu yidhi Md. Bullaale,
waxaannu intaa raaciyey, “Ummad dawlad samaysatay baynu nahay oo afkaarteennii iyo talladeenii shakhsiyaadka ahayd inta la isku keenay ayeynu midaynay, kadibna dastuur baynu ka samaysanay, dastuurku Qur’aan maaha ee waa talladii ummadda oo la ururiyey, inta la ansiyey baynu hoggaan u samaysanay oo aynu nidhi ku shaqee, haddana waxaad arkaysaa in mar mar afkaartii shakhsiga ahayd loo noqonayo oo la odhanayo aniga iyo hebel waxaannu hoggaansanahay sidaa.”

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB waxa uu sheegay in Ilaahay mooyee cid kastaa gefto, balse loo baahan yahay in si nabad ah wax loo xalliyo, haddiise nabadgelyadu xumaato aanay jirayn si loo wadahadlo, taasina ay tahay waxa Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya. “Waa in aynu garanaa in dawlad nahay oo aynu fahanaa waxa Soomaaliya ka socdo oo dadkii lahaa gacmahooda ku duminayaan dantoodii oo aan ilaa iminka garanayn,” ayuu yidhi Xoghayuhu.

Md. Maxamed Ismaaciil Bullaale waxa uu dusha ka saarayn murankan xooggan siyaasiyiin mucaarad ah oo uu sheegay in markii khilaafku bilaabmay ay adhiilayaal noqdaan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya, isla markaana ay hubeeyeen qaar ka mid ciidamadii SNM.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Haraga adhiga ee la soo gashaday wuxuu noqday in siyaasiyiin mucaarad ah oo reer Somaliland ahi oo badani ay adhiilayaal noqdaan oo nin waliba yidhaa 2000 baan dirayaa oo inamo jabhadii SNM ahaa la kaxeeyo oo la yidhaa idinkuna qoryahaa qaata oo waa inuu adhigu gar iyo gardaraba dhoofaa, waar qorigaa waynu ka heshiinay oo meel baynu iska dhignay ee yeynaan qaadan ee aynu caqliga ka wadahadalno haddii aynu istoosinaynee bal mar dambe yeynaan dawladnimadeena qori u qaadan. Siyaasiyiintaa adhiilayaasha noqdayna waxaan leeyahay waad ka tagteen garoonkii siyaasadda ee aynu kubadda ku wada ciyaari jirnaye dee dib ugu soo noqda illeyn adhiilayaal maynaan ahayne, adhiilahana aynu shaqadiisa u dayno, ismaqalkeena iyo kala dambeynteenana aynu ilaashano. Mucaaradnimad iyo muxaafidnimadu anigu aan yara fuulo kursiga iyo anigu aan fuulo wax ka badan maaha, laakiin dalka aan burburin oo cagta aan marino maaha.”

Waxa kale oo Xoghayuhu tilmaamay in heshiiska dhoofinta xoolaha ee ganacsatada ajanebiga ah lala galay aannu ku koobnayn Somaliland oo qudha, balse uu ka jiro Jabuuti iyo Puntland-ba, isla markaana kuwa dalalkaas heshiiska kula jiraa aanay lacag markiiba siin ee ay ka amaahdaan
“Shuruudo badan baynu ku xidhnay ninka Carabka ah ee la sheegayo inagu bidhaantiisa ma arage, waxa ka mid ahayd inuu keeno raashin jaban, shan bilood baa loo qabtay haddii uu fulo iyo haddii kaleba, shan bilood waa maxay miyaanay shan maalmood ahayn imisa shan bilood baa ina dhaafay, waxaasi wax khalkhal laga samayn karo maaha, markaa yaan la inoo soo gashanin harag xoolaad, harag gobol ee aynu iska ilaalino,” ayuu Md. Bullaale hadalkiisa ku soo gebogabeeyey.

Kulankaas lagu dardargelinayey taageerayaasha xisbiga, gaar ahaan kuwa qurbaha, waxa kaloo ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin u qaybsanaha arrimaha dibadda iyo isku xidhka laamaha xisbiga Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog), Guddoomiye-ku-xigeen xafiiska laanta Cardiff ee Gobolka Wales Yuusuf Cismaan Dakhare, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Guddoomiyaha Abaabulka Maxamuud Cabdi Malow iyo xubno kale oo qurbo-joog ah, waxana markii xoghayuhu telefoonka ugu furay shirka uga bilaamay madaxda xisbiga ee laanta Cardiff, kadib hadal mahadnaq iyo xaaladda dadka reer Somaliland ee Ingiriiska isagu jiray lagaga dhegaystay khadka telefoonka Guddoomiyaha laantaas Mr. Cabdikariin Ibraahim Gamuute.

togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: