ANIGU SIYAASIYIINTA WAAN U DHAXEEYAA “HORSEEDKA SULDAANADA CUSUB” Suldaan Sh. Maxamed Xasan

Oslo(Sl.no)  24 JULY 2008 – Anigu ka hadlimaayo xaladaha siyaasadeed ee wadanku maanta ku sugan yahay, Cidna amaani maayo cidna dhaliil u soo jeedinmaayo, Bulshawaynta reer somaliland maanta waxay ku sugan tahay xaalad dhaqaale oo qalafsan, sicirbarar aan xadlahay, Biyo yaraan wadanka ka jirta, dadbadan oo maanta looga baqaayo inay gaajo u dintaan. Dadkii maanta gurmad iyo isku duubnaan ayay idinka baahan yahiin. Qurbajooga aad ayaa loo dhagaystaa, markaa dadka soo wacyigeliya oo u sheega inay wax la soo baxaan. Maal iyo maskax midaysan ayaa  maanta laydiinka baanahan yahay. ” Suldaan Sh. Maxamed Xassan.

Taariikhdu markey ahayd 11.07.08. Waxuu suldaanku la kulmay Jaaliyada somliland ee Oslo Norway

Waxa dhawaan booqasho gaaban oo ku xidhiidhsanayd guud ahaan mutamaradii islaamiga ahaa ee lagu qabtay dhawaan iskandaneefiyanka, Stockholm. Gaar ahaanna halkan Norway ku yimi  suldaan sheekh maxamed xasan oo aad looga yaqaano dhulka soomaalida gaar ahaanna Jamhuuriyadda Somaliland.  Sheekhu wuxuu ku qabtay halkan muxaadarooyin diini ah oo kala duwan oo si hufan uu ugu bartilmaameedsanayo baahiyhii kala duwanaa ee ka jiaray halkan oo uu ku baraarujiyey dadka. Suldaanka oo runtii isku darsaday aqoon diimeed , mid maadi ah iyo weliba tii dhaqanka , oo ay yartahay suldaan isku darsaday intaas oo dhan, ayaa aad usoo jiitay dadkii halkaa isugu yimid iyagoo ugana mahadnaqay aqoontiisa dhinacwalba balladhan ee ay ka faaiideysteen. Waxa uu kula dardaarmay dadka in ay aqoonta iyo cilmiga halkan yaalla ay ka dhaansadaan intii ay ka qaadi karaan ugana faaiideeyaan dadkii iyo dalkii ay ka yimaadeen. Wuxuu ku dhiirigeliyey dadka in ay maalgashadaan dalkooda.  Suldaanku waxaa uu muxaadarad ka jeediyay Rugta jaalliyadda soomaliland ee Norway. Waxaa kale oo suldaanku kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaaar ka mid ah odayaashaiyo, waxgaradka iyo aqoonyahanka reer oslo.  Sheeeku waxaa uu aad ugu dheeraday xaalada dalku maraayo xaga dhaqaaladarada iyo sicibararka oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah bulshada reer somaliland. Suldaanku waxaa uu dadk ka codsaday inay wadankii u gurmadaan una midoobaan madaama wadanku maanta ku sugan yahay xalad dhaqaale dara ah oo aad u qalafsan. Waxa sheekhu iska fogeeyey arrimihii siyaasadda oo uu sheegay in isagu uu kayahay nin baayacmushtari ah oo dhexdhexaad ah una siman yihiin axsaab ahaan taas oo aad uga yaabisay dad badan oo indhawayd u bartay salaadiinta siyaasadda u xuubsiibtay ee dhexdabaashay kuna haftay siyaasadda. Dhamaadkii booqashadaa suldaanka ayaa lagu sagootiyey farxad iyo raynrayn iyagoo intii halkaa isugu timi leh halkudhigyo ay ka mid yihiin:`Horseedka salaadiinta cusub, sifihii salaadiintii waayo-waayo, iyo Suldaan soo noqo markale

Somaliland.no  qormadii: Essa Ali Aw-Abdi

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: