WARAR QUBANE AH

Hargeysa(sl.no) 22 july 2008 – 1. Haya’adda Miino-Saarka Caalamiga ah ee “Hello Trust”. Ayaa hawl gal miino  badhis ah ka bilowday Tuulooyinka Deeganka Gobolka Oodwayne. 2. Shir-Jaraa’id oo ay maanta ku qabten Huteel Maansoor Ganacsatada Waaweyn ee Xoolaha Nool ayaa Taageero Buuxda siiyay Go’aanka lagu kordhiyey sicirka Adhiga ee Shirkada Aljaabiri. 3. Xildhibaanada Golaha Guur tida JSL ayaa fadhigoodi saaka kaga dooday Qodobka Arimaaha Dhaqaalaha oo ka tirsan qodobada ajandaha kalfadhigoodan.


 
1. Haya’dda Miino-Saarka Caalamiga ah ee Hello Trust ayaa hawl gal miino-badhis ah
waxay ka bilowday Tuulooyinka Deeganka  gobolka oodwayne .
 
Sarkaalka maamulka hawl galada hay”ada hello trust qabteeda S/land  Mr. Xasan 
Koosaar oo u waramay weriyaha Radio Hargeisa ee Gobolka Oodwayne C/wahaab Ibraahin Cilmi ayaa sheegay inay hawl galkan miino badhista ah ay ka bilaabeen Tuulada Goraya xun, isla markaana loo xilsaray ciidaan xul ah aqoona u leh hawshan ayagoo adeegsanaya qalabka awoodda u leh in lagu ogaado miinada fogaatay ee aan bartilmaameedka cad lahayn.
 
Gudoomiyaha gobolka oodwayne Maxamed Cabdi Liibaan ayaa uga mahad celiyey haya’dda Hello Trust hawlgalada ay ka fuliyeen  deegaanada Daba Gorayaale, Gocondhaale, Gudubi. Jeenyolaaye, Hor-u-Fadhi, Haro Sheikh iyo Magaalada Oodwayne. Waxaanay Gudomiyaha loo sheegay in dhamaanba deeganadaasi boqolokiiba 95 laga sifeeyey miinada iyo walxaha qarxa. 

2. Gudoomiyaha Gobolka Oodwayne Maxamed Cabdi Liibaan. Waxa uu intasi ku daray in hawlgalada hay’adda Hello Trust laga dhaxlay guulo wax ku ool ah .

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen  ganacsatada xoolaha ee dalkeena waxa ugu horeyn ka hadlay Aden Axmed Diriye (Aden baradho) oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa warbixin ka bixiyey xayiradi sarnayd xoolaha dalkeena intii aanay xukumada S/land la galin heshiiska Gaanacsatada sacudiga ah ee Aljaabiri waxaana uu sheegay in Aljaabiri yahay ganacsadii ugu horeeyey ee xoolaheena xayiradii sucuudiga ka saarayd ka qaaday isla markaana maalgalinta gashaday Dalkan JSL, isagoo ka sameeyey  maxjaro caafiimaadka xoolaha lagu baadho oo caalamka ku kalsoonyahay taasi oo saarnayd maanta ka dhigtay in xoolaheena ay dalka sucudiga toos u tagaan .

Waxaanu Ganacsade Aden Axmed Diiriye uu tallo uu soo jeediyey in aynu kala garano
Nacabka iyo Nasteexa waxa kalo isaguna halkaasi ka hadlay Suldan Maxamed C/laahi oo sheegay in shirkada Aljaabir ay heshiiska xukumadu inay inaga mudan yihiin ixtiraam iyo Qadarin waxa  kaloo iyaguna goobtaas ka hadalo ka soo jeediyey xubno kale oo ka tirsan ganacsatada xoolaha nool oo sheegay in shirkada Aljaabiri ee sucudiga Abaaal ku leedahay dalka ka dib markii sabab u noqotay xayiraad ka qaadista xoolaha sucudiga iyo maalgashiga dalka JSL uu ku sameystay isagoo Biriishka  Hargeisa ugu deeqay 30 kun oo dollar.. Xildhibaanada Golaha Guur tida JSL ayaa fadhigoodi saaka kaga dooday Qodobka
Arimaaha Dhaqaalaha oo ka tirsan qodobada ajandaha kalfadhigoodan.

3

Qodobkan  saaka ay  mudanayaashu ka doodayan ayaa ka koobna arrimaha dhoofka xoolaha sixirbararka iyo kor u qaadka waxsoo sarka dalka  mudanayaal doora oo ka qaybqatay dooda qodobka ayaa ku tilmamay sixirbararka in uu yahay aafo caalami ah oo saamaysay bulshada Caalamkoodhami taaso salka ku haysa qiimaha shidaalka eek or uu kacay, iyaado taasina ay  keentay in markan shidalkii qaaliyobay ay wadamadii wax soo  saar ka dalagyana dhankooda qaaliyeeyen Raashinkii dabada uu iib  gayn jiren.
 
Xildhibaanada waxay talo ku soo jeediyen in arrintan lagaga gudbi karo iyada oo kor
loo qaado dalaga wax soo saarka dalkeena.
 
Wariye, Mohamed Mussa Inji
Hargeysa/Somaliland 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: