GANACSATADA XOOLAHA SOMALILAND OO SOO DHAWEEYEY HESHIISKA XOOLAHA EE AL-JAABIRI

Hargeysa(sl.no) 22july 2008 –  Ganacsatada xoolaha dhoofisa , dilaaliinta Saylada iyo xubno ka mid ah xoolo dhaqatada dalka , ayaa shalay difaacay heshiiska xukuumadu kula jirto ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleebaan Siciid Al Jaabiri oo dhawaan la kordhiyay qiimaha uu neefka xoolaha ah uu ku iibsanayo oo laga dhigay 42 doollar , xilliga xajkana 45 Doollar.

Shir lagu taageerayay heshiiskaasi ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor , waxana ka soo qayb galay ilaa 140 ku dhawaad xubnood oo isugu jiray ganacsato , dilaaliin iyo xoolo dhaqato , waxana ay naqdiyeen koox ganacsato ah oo cambaareeyay heshiiskan.

Wakiilka Shirkadda Saleebaan Siciid AL Jaabiri , ahna Ganacsade Xoolaha dhoofiya Aadan Axmed Diiriye ‘’Aadan Baradho’’ oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Shirkan ganacsatada xoolaha dhoofisa , nimanka dilaaliinta ah ee xoolaha iibiya ee iyagu mar walba u dhexeeya dadka xoolaha dhaqda iyo ganacsatada xoolaha dhoofisa, waxa kale oo ku sugan qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah , waxaanu shirkan loo qabtayna waxa weeyi in lagu taageero qodobadii wax lagaga bedelay heshiiskii ay wada galeen xukuumada Somaliland iyo shirkada Al Jaabiri ee xoolaha inaga qaadata , taas oo ah shirkadda kaliya ee ilaa hadda dalkeena maal gelisay , iyadoo aan wadankeena la ictiraafin , goaankaasi dhawaan la gaadhay waxa aanu u aragnaa mid dalka iyo dadkaba wax tar u leh oo loo baahnaa , waxana markii sicir barar dalkii ka dhashay loo yeedhay Al JAABIRI , waxana heshiiskii oo dhaqan gal ahaa muddo 16 billood ah waxana la bedelay qiimihii uu xoolaha inagaga iibsan jiray oo ahaa 36 doollar laga dhigay 42 doollar xilliga xajkana 45 doollar, waxa kale oo lagu heshiiyay inuu sicir bararka wax inagala qabto oo uu raashin badan inoo keeno , isla markaana uu maxjarkii dhiso muddo shan bilood ah.

Aadan Baradho waxa uu ku dooday in heshiiskaasi uu yahay mid u baahan in la taageero , waxana uu yidhi xoolaheenu muddo 7 sanadood ah iaygoo iib haysan ayuu Al Jaabiri yimid , waxana inoo furaa in yar oo ay Yemani inaga qaadato , markaa waxa shirkadaasi ay sanadkii u dambeeyay ay inaga soo galay lacag 20 Malyan oo dollar ah , haddii ayna lacagtaasi inoo soo hoyan kama aynu soo doogneen abaartii dalka ka dhacday , heshiiskani waa mid algu shaqayn karo oo anfacay ninkii aan isagu ujeedo gaar ah lahayn , heshiiskani wuu hir galay durba xoolo lagu iibsaday qiimahan dambe way ka dhoofayaan dekeda Berbera.

‘’Xukuumada iyo Shirkada Al JAABIRI labadaba waanu uga mahad naqaynaa heshiiska cusub ee la gaadhay oo ah heshiis loo baahnaa , waxana loo baahan yahay dadku inay kala gartaan cadowgooda iyo nasteexooda, imika waxa la sheegayaa carab badan oo xoolaha iibsanaysa oo soo yaacaysa , su’aasha isweydiinta mudani waxa weeye 7 sanadood ayay xoolaheenu xidhnaayeen oo ay iib la’aayeen mudadaasi xagee ayay ku maqnaayeen , inagase miyay inoo siman yihiin nin kun neef doonaya iyo mid hal Malyan inaga iibsanayaa?, haddii aynu bur burino heshiiskaasi wax dambe oo la inagu aaminayaa ma jirto”.

Suldaan Maxamed jaamac C/laahi , oo ka mid ah ganacsatada xoolaha oo shirkaas ka hadlay ayaa difaacay heshiiska Dhoofka xoolaha ee ay xukuumadu kula jirto ganacsadaha sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al JAABIRI , Waxana uu ku tilmaamay mid waxtar leh.

‘’Heshiiskasi waa mid muhiim ah Saleebaan Al jaabiri waxaan leeyahay wuu mutaystay oo dalkii ayuu maal galiyay xoolihii oo sanado badan inaga xidhnaa ayuu furay” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Jaamac.

Suldaanku waxa uu xisbiyada Siyaasada u soo jeediyay in aanay faro gelin ganacsiga dhoofka xoolaha , waxana uu yidhi Xisbiyada waxaan leeyahay dalka siyaasada ayaad u qaabilsan tihiin , ha faro gelinina ganacsiga , waxaan qabaa ganacsigu wuu ka madax banana yahay.

Ismaaciil C/laahi Xasan Siikaawi oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa sheegay inay markii hore dhaliilsanaayeen qiimaha xoolaha , hase yeeshee markii dhawaan la kordhiyay qiimihii ay ku qanceen , waxana uu yidhi Waanu isla garanay waana la kordhiyay qiimihii xoolaha , ka dibna ay ku qanceen , isla markaana ay heshiiskaasi meel marintiisa aanu diyaar u nahay.

Sidoo kale , waxa shirka ka hadlay dilaaliinta xoolo dhaqatada u iibiya xoolaha ee saylada Hargeysa , kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Jaamac Maxamuud Maxamed iyo Saleebaan Jaamac Xasan, waxana ay sheegeen in mudadii shirkada AL Jaabiri ay dalka timid ay xoolaha si xawli ah uga iibsato lacagtana u qadinto.

 

Source: Waaheen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: