AQOONSI LA´AANTA SOMALILAND WAXAY SABABTAY INAY KA QATANAATO DEYMAHA IYO KAALMOOYINKA CAALAMIGA AH “Warbixin Al-jazeera”

Hargeysa (Al-jazeera/sl.no) 22july 2008 – Warbixin lagu baahiyey shabakada wararka ee telefiishanka caanka ah ee Al-jazeera oo laga diyaariyey

 Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay qaran jira oo meelo badan oo Afrika ku yaal ka nabadgelyo fiican kana dimoqraadisan, basle caalamku go.doomiyey, isla markaana ka qatan kaalmooyinka caalamiga ah ee la siiyo dalalka dunida.

Warbixintaas oo uu Hargeysa ka diyaariyey suxufiga la yidhaahdo Richard Lough oo aad u xiiso badan, isla markaana dhinacyo badan taabanaysa, waxay u dhignayd sidan:

“Cabdillaahi Cumar oo ah sarkaal ka tirsan ciidammada nabadgelyada waddooyinka ee taraafiga koob caano ah ayuu waddada weyn ee caasimaddda Somaliland ee Hargeysa dhinaceeda ku cabayey, waxa hareerihiisa marayey baabuur, gaadhi-dameero, booyado biyood saaran yihiin iyo dadweyne badan, waanna waqti subaxda ee dadku wada shaqo tagayeen waddaduna cidhiidhi tahay, baabuurta waxa uu ku kala hagayaa siidhi iyo gacantiisa, wax qori ahna ma haysto, dadku si nabadgelyo ah ayey u wada shaqaynayaan, meel kastana si xor ah ayaad u tagaysaa adiga oo aan cidna ka baqanayn, wax hub ah oo waddooyinka iyo suuqyada lagu haysto arki maysid, goobtu waa Somaliland, dunidu kalese waxay u taqaanaa qayb ka mid ah Soomaaliya, walina aqoonsi kama haysato dal qudha oo caalamka ku yaal, laakiin dadka reer Somaliland waxa ka go’an inay ilaashadaan jiritaanka qarannimadooda.

Somaliland oo bad ahaan ku fadhidda dhul dhan 137,600km, oo u dhiganta dhul ahaan Ingiriiska iyo Wales oo la isku daray, waxay leedahay lacag u gaar ah oo shilling Somaliland ah, calan gooniya ayaa dusheeda ka babanaya, waxay soo saareen baasaaboor u gaar ah oo dalal badan loogu dhoofo, Somaliland-nna waa dal jira oo caalamku go’doomiyey meelo badan oo Afrika ku yaalana ka xasiloon, kana dimoqraadisan.

Siyaasiyiinta Somaliland-na waxay aaminsan yihiin in beesha caalamku qaddiyadooda dhabarka u soo jeedisay, iyada oo aanay dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya qudheedu aqoonsanayn madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Al-jazeera u sheegay in dunidu go,aan qaldan ka qaataday Somaliland, “Beesha caalamku waxay naga qaadatay go,aan guracan, waxayna iska indho tirtay Somaliland halka ay ka sugayso inay koonfurta Soomaaliya ka soo kacdo koomada ay ku jirto,” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Aqoonsi la,aanta Somaliland waxay sababtay inay ka qatanaato daymaha caalamiaga ah iyo deeqaha waddamada soo koraya la siiyo, dunida iyo bangiga adduunkaba wax caawimo ah kama hesho.

“Waxaannu nahay dal dimoqraadi ah oo shaqaynaya, laakiin bulshada caalamka ayaa na curyaamisay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca adeegyada bulshada dawladda Somaliland waxba kamay qaban, dhaqaalena uma hayso, waayo miisaaniyad-sannadeedka dawladda Somaliland ee 2008 waa $50 milyan, lacagtaas oo dawladda Ingiriisku afartii daqiiqaba mar ku bixiso adeegyada caafimaadka oo qudha.

Adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-dhiskuba waxay Somaliland uga baahan yihiin dhaqaale badan si dhibaatadaas looga baxo.

Xukuumadda Somaliland waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi caalami ah, iyada oo xidhiidh dhaw iyo mid sokeeyaba la samaysatay qaar ka mid ah dawladaha reer galbeedka iyo kuwa Afrikaba. Tallaabadaasna waxa marag u ah martiqaadka uu Rayaale u fidiyey ciidammada Maraykanka ee Africom inay saldhig ka dhigtaan Dekedda Berbera.

“Rajadayadu waa Maraykanka oo ku hawlan kor-u-qaadista dimoqraaiyadda Bariga Dhexe, kharash badanna ku bixiya.” Sidaa waxa Aljazeera u sheegay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaliilo loo jeedinayo xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo muujinaya inay cadaadis badan ku hayso mucaaraka iyo saxaafadda, waxa kale oo jira eedaymo la xidhiidha musuq-maasuq baahsan oo hadheeyey hay’adaha dawladda oo heerkiisu sarreeyo.

Hase ahaatee, waxay dadka reer Somaliland dareensan yihiin in xasiloonida iyo dimoqraadiyadda ay haystaan u mar uun u horseedi doonto aqoonsi caalami ah.

“Haddii dawladuhu ku guul-darraystaan aqoonsiga Somaliland waa tallaabo muujinaysa in lagu fashilmay aqoonsiga dimoqraadiyadda.” Sidaa waxa tidhi Marwo Edna Adan Isma,iâl oo ah siyaasiyiinta  reer Somaliland.

Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: