Wiil 16 toban jir oo somali ah oo lagu toogtay kaam ku yaal Norway.

Oslo, (s/land.no),  Wiil 16-jir ah oo Somali ah islamarkaana qoxooti kaam ku jira (kaamka loogu tala galay daliyarada dadoodu yartahay) ahaa ayaa waxaa isaga oo hurda kaamka debeda laga soo toogtay qolkii uu horday oo dabaqa hoose ahaa. Dhaawacii wilkaas waxaa lagu daawaynayaa  Ullevål universitetssykehus. Wiilkan xabadu waxay ka haleeshay caloosha, dhaawac halis ahini waa uu soo gaadhay. Dhakhaatiirtu waxay  filayaan inuu wiilkani dhaawaca xaqdarada ah ka bedbaadho.

Boliska oo arintan baaraya ayaa sheegeen in xabada ku dhacday wiilkan ey tahay mid aad u weyn islamarkaana ey dhici karto in laga soo tuuray qoryaha fud-fudud.

Sidoo kale waxa ey ka hadleen bolisku dhaawaca wiilkan, waxeyna yiraahdeen “Dhaawacu waa mid halis ah, waxa uu maray wiilkan qaliin laakiin waxaa laga yaabaa in uu u baahdo qaliimo kale oo hor-leh”, sidaasi waxaa yiri Einar Aas oo ah madaxa boliska degmada Askar ee gobolka Akershus.

Xalay ayaa waxa ey bolisku waardiye dhigeen kaamka uu falkani ka dhacay, waxaana ey roondo ku sameynayeen xaafadda uu kaamka ku yaalo.

Wali lama hayo cida falkan ka danbeysa laakiin waxaa dabagal aan caadi aheyn arintan ilaa iyo iminka ku haya boliska.
Xabadahan ayaa la rumeysan yahay in muwaadinkan Somaliga ah ey si kama ah ugu dheceen islamarkaana aan isaga loo wadin. Qofkan soo toogtay dadka kaamka ku jira ayaa walaacbadan ku abuurtay dhaliyaradii kaamkaas degenayd iyo dadkii  asalkoodu norska ahaa ee halkaas degenaa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: