SOMALILAND OO KA MID NOQOTAY SADDEXDA DAL EE UGU RAJO DHAW INAY HELAAN AQOONSI CAALAMI AH

 Oslo(sl.no) 19 july 2008 – Qoraal lagu daabacay jariidada “Cyprus Observer ayaa lagu sheegay in  Jamhuuriyadda Somaliland lagu daray saddexda dal ee ugu rajada fiican in ay beesha ka helaan ictiraaf diblomaasiyadeed oo rasmi ah, isla markaana buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa, kuwaas oo laga soo dhex xulay waddamada aan aqoonsiga haysan ee dhowaan qaddiyadooda lagaga dooday shirweyne uu yeeshay Baarlamanka Ururka Midowga Yurub.

Sida uu daabacay shalay wargeyska Cyprus Observer ee ka soo baxa dalka Turkiga oo qiimayn ku sameeyey lix dal oo aan dunida aqoonsi ka haysan oo qaddiyadooda Baarlamaanka Yurub kaga dooday shir 15 May 2008 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen ergooyin ka kala socday dalalka aan aqoonsiga haysan, balse buuxiyey dhammaanba shuruudihii qaranimo iyo haykalkii dawladnimoba, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii qaddiyadda waddamadaas loogu soo bandhigi lahaa beesha caalamka, laguna dari lahaa ajandahayaash caalamiga ah ee lagaga dodo shirarka ay yeesheen hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka dhaca dunida guudkeeda.

Sida wargeysku qoray waddamada aan dunida aqoonsiga ka haysan ee shirka Baarlamaanka Yurub qaddiyadooda lagu falanqeeyey waxa ugu rajo fiican inay aqoonsi helaan saddex dal oo ay Somaliland ku jirto, iyada oo labada dal ee kalena yihiin Jamhuuriyadda Abkhazia oo madaxbannaanideeda ka qaadatay dalka Georgia oo ku yaal bariga waddamadan Midowgii Soofiyatii ee Ruushka, waxayna Abkhazia goonni-isu-taagtay 23 July 1992-kii, walina beesha caalamka wax aqoonsi ah kamay helin.

Dalka kale ee isaguna ka midka ah saddexda waddan ee aqoonsigooda rajada laga qabo waxa weeye Jamhuuriyadda Pridnestrovian Moldavia oo ku caan ah magaca Transdniestria Maldova oo ka mid ah Midowgii Soofiyati ee burburay, 2 September 1990kii ayuuna dalkani ka madaxbannaanaaday waddanka Maldova.

Saddexda dal ee Somaliland, Abkhazia iyo Transdniestria, ayaa sida warbixinta lagu sheegtay noqday kuwa dhinaca aqoonsiga ugu rajada wanaagsan lixda dal ee ka qaybgalay shirkii 15 May 2008 Baarlamaanka Yurub yeeshay, kuwaas oo dhammaantoodba buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee xudunta u ah aqoonsiga caalamiga ah.

Markii lixdaa waddan la qiimeeyeyna waxa ugu rajo wanaagsan saddexdan waddan ee Somaliland ku jirto, kuwaas oo lagu xusay hannaanka dawladnimo ee ka jirta iyo sida beesha caalamku waqtigan indhaha ugu hayso xaaladaha waddamadaas, kuwaas oo yididiilo fiican ka qaba in mar ay ahaataba dunidu aqoonsan doonto dalalkaas. Waxaanay warbixintu intaa ku dartay in aqoonsiga dalalkaas aanay faa’iido ugu jirin bulsho-weynta ku nool oo qudha, balse uu waxtar ballaadhan u yeelan doonto guud ahaanba caalamka, hadday tahay dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo xasilloonida guudba.

Dhinaca kale, cilmi-baadhe ka tirsan urur la yidhaahdo ODI oo ka dhisan dalka Ingiriiska oo magaciisa la yidhaahdo Timothy Othieno, ayaa faallo dheer oo uu ka diyaariyey arrimaha horumarka ee ka jira Somaliland waxa uu ku sheegay in Somaliland tahay dal ka duwan Soomaaliyada koonfureed ee colaaduhu naafeeyeen, isla markaana shacbigeedu ku tallaabsaday horumar wax-ku-ool ah oo mudan in lagu abaalmariyo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay beesha caalamku u fidiso.

Sidaa darteed, waxa uu beeqbixiyeyaasha caalamiga ah ugu baaqay inay kordhiyaan kaalmooyinka dhaqaale ee ay u fidiyaan Somaliland si dhidibedda loogu adkeeyo dawladnimada iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee ka tisqaaday dalkaas aan haysan aqoonsiga diblomaasiyadeed.

“Somaliland, runtii waa dal ka duwan koonfurta Soomaaliya, waxaanna ka jira hannaan dawladeed oo ku dhisan sharci iyo kala dambeyn, sidoo kalena Somaliland waa dalka ugu dimoqraadisan ee ka jira dunida islaamka,”ayuu cilmi-baadhuhu ku yidhi faalladiisa.

 Source:Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: