Gudoomiyaha Ucid Eng-Faysal Oo Dadwaynaha Ka Codsaday In Jidka Dhagaxa Lagala Guro.

ImageHargeysa, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng-Faysal Cali Waraabe oo horkacaya kumanaan dadweyne ah ayaa maanta Dhaqxaantii ka gurray jidka weyn ee Bariishka Magaalada Hargeysa,laakiin waxa ilaayo imika xidhan jidka weyn ee galla Madaarka iyadoo walina Riigii lagu hortagaan yahay halkii uu yaallay. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa maanta kumanaan dadweyne ah kula hadlay Masaajidka HUDA oo ku yaalla Badhtamaha xaafada Dumbuluq, waxaanu guddoomiyuhu utacsiyadeeyay dadkii ku nafwaayey dagaalkii shalay lagu soo qaaday,isla markaana wuxuu …guddoomiyuhu cambaareeyay talaabadaas, isagoo wixii dhacay oo dhanna masuuliyadeeda dusha usaaray Xukumada Daahir Riyaale. Waxa uu guddoomiyuhu dadweynaha ka codsaday inay dhagxaanta ka qaadaan wadooyinka si ay usoo maraan gaadiidku. Waxaanu guddoomiyuhu dadweynihii halkaas iskugu yimid usheegay inaan laqaadayn Riiga oo uu halkuu yaallo yaallayo inta laga wada hadlayo, waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin sare sare oo xisbiga UCID ka tirsan oo iyaguna aad udhaleeceeyay falkii qalafsanaa ee xukamadu shalay kula kacday shacabkeeda.
Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo Ganacsade Cabdikariim Maxamed Iid ayaa iyaguna sidoo kale dadweynaha kula hadlay Masaajidka HUDA.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii tan iyo shalaytooleba ay xukumada Somaliland ku guuldaraysatay inay furto jidadka isku xidha magaalada Hargeysa dhinaceeda Koonfureed.

Dhanka kale waxa ilaayo imika laysku horfadhiyaa halkii Riigu yaallay iyadoo
dadweyne aad utiro badani ku gadaaman yihiin isla markaana ku wareejiyeen Dhagxaan,waxaana laga baqayaa hadii Ciidamada Boolisku iyo kuwa qarankuba isku dayaan inay isticmaalaan xoog inay taasi keeni karto isku dhac hubka laysu qaato.

Image
Waxaana ilaayo imika xidhan jidka dheer ee kasoo dhaadhaca anba galla madaarka, iyadoo ay diideen dadweynihii mudaharaadayay in la qaaddo.

 

 Source: Hormoodnews
 

Hormoodnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: