Mudaharaadyo Xoogan Iyo Rasaas Goos-Goosa Oo Ka Dhacaysa Hargeysa

Hargeysa 07.07.08, Waxa ilaayo imika ka socda Caasimada Somaliland ee Hargeysa Mudaharaadyo aad ubalaadhan iyo xabado goos-goos ah oo ka dhashay kadib markii Madaxweyne Riyaale Amray in Riigii Ceelasha ka qodayay Uubaale loo badalo Borama, kadib markii uu shalay Riyaale Madaxtooyada kulan gaar ah kula yeeshay Badhasaabka Gobolka Borame oo isagu booqasho ku jooga Hargeysa.

Waxaana ilaayo imika xidhan jidadka isku xidha xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa, iyadoo mudaharaadku uu isku xidhaadhsan yahay Min Masallaha ilaayo Jidhka dheer ee hormara Madaxtooyada. Waxaanay ciidamada Booliisku adeegsanayaan rasaas ay dadka shacabka ah ku furayaan si ay ukala eryaan, walina wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadkan lama soo sheegin ilaay imikka.

Gaadhiga riigu saaran yahay ee mashaqadani ka dhalatay ayaa shalay galabtii si lama filaan ah qalabkiisii uga soo laalaabtay deegaanka tuulada Uubaale oo uu ka qodayey Ceel loogu talagalay inuu waraabiyo xaafadaha Koonfureed ee magaalada Hargeysa, waxaana ilaayo imikka gaadhiga riigu saaran yahay lagu hortaagan yahay Xaafadaha Koonfureed ee Magaalada Hargeysa iyadoo marba marka ka dambeysa ay dadka diidan in la qaado riigu ay kusoo badanayaan goobta lagu hortaagan yahay Riiga.

 

Xukuumadda Somalliland ayaan wali ka noqon go’aanka ay ku kala jeclaysanayso Muwaadiniinteeda, hasa yeeshee arintan ayaa suurta gal noqon karta inay abuurto isku dhac khasaare horseedi kara saacadaha soo socda, haddii aan laga gurman mashaqadan.

Waxaana goobta riiga lagu haysto goor dhaweyd soo gaadhay Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

 

Source: Hormoodnews.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: