Madal laysku arkay oo ururka SSE uu godonsiiyay abaalmarinta sannadka 2008 ururka DRC

Kobenhagen 03.07.08, ‘’Waxaanu idiinku garanay abaalmarintan ka dib kolkii aanu aqoonsanay kaallinta lama ilaawaanka ah ee aad ka qaadateen taakulayta dadkayaga iyo dalkayaga’’ gudoomiyaha Somaliland Societies in Europe (SSE) Cabdirahmaan Abdillahi. ‘’ Somaliland waxaanu ka shaqaynaynay 10 kii sanno ee ugu dambeeyay taas oo aan odhankaro abaalmarintan qiimaha leh waxay xus dheeraad ah u tahay sannadguuradii 10 aad ee aanu ka shaqaynaynay Somaliland, aniga oo aad ugu faraxsan qiimo iyo qadarin dheeraad ah na u haya waxaan leeyahay guusha abaalmarinta waxa soo hooyay shaqaalahayaga maxaliga ah ee Somaliland ka hawgala waana mahadsantihiin’’ Xoghayaha guud ee hay,ada Danish Refugee Council (DRC) Andreas kamm.

Maallintii Khamiistii 03.07.08 ayay ahayd markii ay magaalada Kobenhagen ee xarunta wadanka Denmark isgu yimaadeen wafti ka kooban afar xubnood oo kala ahaa .

1. Abdirahmaan Abdillahi               Gudoomiyaha SSE
2. Mohamed Baashe X. Xasan      Xoghayaha dhaqaalaha SSE
3. Eid Cali Salaan                            Madaxa waaxda mashaariicda SSE
4. Mohamed-amiin Siyaad            Madaxa waaxda Saxaafada SSE

Waftiga waxaa si diiran ugu soodhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Kobenhagen (Kastarup Lufthavn wakiilka Somaliland ee wadanka Denmark Muuse Sheekh Ahmed iyo Mohamed-amiin Siyaad Abdi wakiilka SSE ee wadanka Denmark isla markaasina ahaa qabanqaabiyaha barnaamijkan.

Waftiga ayaa la dajiyey Hotel Cup-ind oo ku yaala magaalada Kobenhagen nasasho ka dib abaara 07:00 pm waxaa waftiga ku soo booqday hotelkii ay daganaayeen saddex sarkaal oo ka socda hayada DRC Waxaana ay xubnihii waftiga u hogaamiyeen hotel wax laga cuno oo ku yaala bartama Kobenhagen halkaas oo lagu wada qaatay kullan qaatay 2 saacadood oo ujeedadiisu ahayd soo dhaweyn iyo isbarasho.

Subaxnimadii Jimcihii 04.07.08 ayaa uu waftiga ka qaaday hotelkii ay daganaayeen wakiilka Somaliland ee wadanka Denmark Muuse Sheekh Ahmed oo wata baabuur ayay labada dhinac ka kala lusheen labada calan ee Denmark iyo Somaliland waxaana uu waftigii u hogaamiyey xaga xarunta hay,ada caalamiga ah ee DRC oo kutaala wadada Borgergade ee Magaalada Kobenhagen.

Waxaa xusid munayd markii uu waftigu soo galay 09:45 albaabka hore ee dhismaha 5 dabaq ka kooban ee hay,ada jawiga goobtaas oo uu ka muuqday nidaam borotokool oo uu heerkiisu sareeyo.
Waxaana iyaga oo dhoola cadaynaya abaabka laga soo gallo labada hareerood ka taagnaataagnaa shan xubnood oo ka mid ah madaxda DRC. Waxaanay kala ahaayeen.
   

1. Xoghayaha guud ee hay,ada Andreas Kamm
2. Madaxa bariga dhexe iyo Afrika
3. Madaxa mashaariicda gobalka geeska afrika
4. Isku duwaha mashaariicda isla markaasina ah tallo bixiye sare.
5. Madaxa hayda DRC xafiiskooda Nairobi

Waxa ay markiiba usoo holadeen gacan qaad iyo soo dhaweyn. Intaas ka dib waxaa loo galbiyey xubnihii waftiga oo gacmaha ku sida shahaado sharaftii ay gudoonsiin lahaayeen Hay,ada iyo xidhmo Ubax quruxbadan ah dhanka madal aan laga sheekayn karin jawigeeda oo ay ku sugnaayeen tiro aan ku qiyaasi karo 95 xubnood oo ka mid ah shaqaalaha laamaha kala duwan ee xarunta hay,ada oo uu wajigooda ka muuqdo farxad soo dhawayn iyo sugi waa. Waxaana ay waftigii farta ugu fiiqeen goobtii ay ugu tallogaleen in ay xubnaha waftiga la sugayey fadhiistaan.

Sanqadhii oo aan markii horeba badnayn ayaa mar qudha go’day,waxaa sare joogsaday Xoghayaha guud ee hay,ada DRC Adreas Kamm oo hadalkii ku soo dhaweeyay gudoomiyihii SSE ahaana madaxa waftiga.

Godoomiyaha ayaa hadalkiisii ku bilaabay erayo kooban oo isugu jiray mahadnaq iyo salaan isaga oo ku hadlayey af danish ja,jab ah laakiin sifiican loo fahmi karo kaas oo markii uu sheegay in uu intaas xalay bartay oo uu ka caawiyay saaxiibkiis Maxamed-amiin ay goobtii sacab iyo qosol dhiiri gallin u eeg la Oogsatay.

Kadibana waxa uu gudagalay dullucdii u jeedada kullanka dabcan waxa uu ku hadlayey markan luqada Ingriisiga oo uu aad ugu wanaagsanyahay waxaanu halkaasi ka jeediyey qudbad la yaableh oo mar qudha jawigii u badashay mid uu qof qudhi libiqsan waayey oo ay shucuur iyo qiiro ku soo dagtay kaas oo aad moodaysay in qofsasta oo ka mid ahaa xubnihii goobta fadhiyey ay xadxantaysay dareenkiisii, qudbadaas mahadnaqa xambaarsanayd ee sida farshaxan nimada ah loo soo diyaariyay intii ay socotay waxaa xusid mudan in ay ilmo indhahooda ku soo joogsatay qaar ka mid ah gabdhihii shaqaalaha ahaa kuwo kalena ay iskaba tirayeen ilmada qadarkii ay qudbadu socotay.

‘’Hadii aanu nahay SSE Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa kaallinta wax tarka leh ee aad ka qaadateen taakulayta dadkayaga hadii ay noqonlahayd dumarka, caruurta, qaxootiga dalka ku soo laabtay iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacayba , waxaanu ognahay in aad dhisteen Iskuulo badan oo ay caruurtayadu maanta wax ku barato, xarumo caafimaad, biyaha , miino saarka iyo mashaariic kale oo tiro badan oo aanan halkan ku wada xusi karin, waa taakulayn aad dadkayaga u fidiseen xilli ay caawimadaas u baahanyihiin anakuna waxaanu si niyad ah idiinka mahadnaqaynaa shaqadaas wanaagsan idinka oo waliba ku shaqeeya duruufo adag’’ ereyadaas koobani waxa y ka mid ahaayeen qudbadii Abdirahaam ( Gudoomiyaha SSE)

Markii ay qudbadii dhamaatay ayaa sacab aad moodo in uu jawaab u yahay qudbada ay goobtii la oogsatay waxaanu Cabdirahmaan kor u qaaday shahaado sharaftii quruxda badnayd iyo xidhmadii ubaxa ahayd si uu u gudoonsiiyo xoghayaha guud ee hay’ada DRC Andreas Kamm oo agtaagnaa. Sacab ka dib waxaa isaguna erayo kooban oo jawaab ah halkaasi ka jeediyey xoghaya Hay,ada oo sheegay maanta in ay dabaal dag gaar ah u tahay sannadguuradii 10 aad mudadii ay ka shaqaynayeen Somaliland isaga oo sheegay in isaga laftiisa iyo inbadan oo ka mid ah xubnaha halkan fadhiyaa ay tageen Somaliland si ay u soo arkaan mashaariicda halkaas ka socota wax badan oo uu ku farxana ku soo arkay halkaasi isaga oo marka laga tago dhismaha iskuulada biyaha dibudajinta iyo mashaariicada kale ka sakow si gaar ah u amaanay

mashruuca xinaha iyo wax yaabaha dabiiciga ah ee la isku qurxiyo lagu sameeyo waxyaabahaa oo laga soo saaro laguna habeeyo dalka gudihiisa kaas oo ay ka taageeraan urur haweenku leeyihiin oo halkaasi ka jira, si ay dakhliyar uga helaan loona dhiirigaliyo wax soo saarka dalka.

Waxaase uu intaasi raaciyey oo uu yidhi ‘’guushan waxaa soo hooyay abaal marintan na mutaystay shaqaalahayaga Somaliland ka hawlgala oo sabab u ah in shacbiga somaliland aqoonsadaan waxqabadkooda fal celintana aanu idinka helno aniga oo wakiil ka ahna waan gudoomay aad baanad ugu mahadsantihiin ’’

Intaas ka dib shaqaalihii goobta fadhiyey si ay usii wataan shaqadooda ayay intay gacan qaadeen xubnihii waftiga ka dareereen goobtii .

Intaas markii laga faraxashay ayuu Andreas xoghayaha guud ee DRC xubnihii waftiga iyo xubno gaar ah oo uu ka soo xushay shaqaalihiisa ahna kuwa ugu dhow mashaariicda ka socota SL ugu yeedhay xafiiskiisa halkaas oo ay aad ugu wada hadleen kullan qaatay saacad oo lagaga wada hadlay arimo badan oo ay saldhig u tahay sidii ay isu kaashan lahaayeen DRC iyo SSE xidhiidhkana halkaas uga sii wadi lahaayeen.

Intaas ka dib waxa waftiga la mariyey xafiisyada kala duwan ee hay’da iyaga oo halkaasi ku arkay qaar ka mid ah mashaariicda ay hay’adu ka wado 35 dal oo dunida ka mid ah, intii ay arinkaas ku guda jireena waxa ay xubnaha waftigu kulan kooban la qaateen madaxa hawlaha caalamiga ah ee hay,ada Arne Vågen oo sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay horena aanu u arag 20 kii sanno ee uu hay,ada u shaqaynayey dad sidan oo kale mahadnaq ugu yimaada iyaga oo ka jawaabaya taakulayntii aanu gaadhsiinay.

Waxaanu sheegay in mar kasta oo uu Somaliland tago is waydiiyo sababta ay beesha caalamku uga dhaga adaygayso aqoonsiga Somaliland.

Gallinkii dambe ee isla maallintaasi jimcaha waxa uu waftigu la kullmay jahliyada Somaliland ee Magaalada Kobenhagen waxaana kullankaas kaallin mugleh ku lahaa qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan oo halkaasi daahfur ugu sameeyey buugaag uu qoray oo isla goobta yaalay arinkaasi oo kullanka xiiso gaar ah u yeeshay waxaa isaguna goobta bilay abwaan Cabdillahi Timacade oo isaguna goobta ka ka akhriyey maanso sacab badan lagu soo dhaweeyay oo ku saabsanayn qurbaha iyo qoyska soomaaliyeed waxaa xusid mudan in ay jireen xubno kullankan dartii uga yimi magaalada Malmø ee dalka Sweden. Kullankaasina waxa uu ku dhamaaday guul iyo is afgarad dhinaca saxaafada waxaa kullanka duubayey waraysiyana ka diyaariyey Radiohormuud qaybta Denmark iyo Somali Radio Kobenhagen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: