XAFLAD BALAADHAN OO LOO SAMEEYEY WAJIGA LABAAD EE BAAHINTA SLSC-TV IYO WEEDHIHII AY KA YIDHAAHDEEN MADAXDII HALKAA KA HADASHAY

Hargeysa (sl.no) 29 june 2008 – Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey wajiga labaad ee telefiishanka caalamiga ah Somaliland Space Chanel (SLSC) uu hawada ugu baahayo, ayaa caawa lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu talogalay in lagu furo waji cusub oo laga daawan doono Waqooyiga Ameerika iyo qaybo ka mid ah dalalka Yurub oo aan hore looga daawan jiran SLSC, ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Ciise, Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, masuuliyiinta sar sare ee SLSC, madax badan iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasibaddaa.


Ugu horreyn, Maareeyaha Guud SLSC Mr. Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab), oo xafladdaa ka hadlay ayaa mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey madaxda iyo marti sharafta kale ee ka soo qaybgalay munaasibadda loogu wan qalayey wajiga labaad ee SLSC baahintiisa kor loogu qaadayey, waxaannu sheegay in telefiishankoodu uu ku dadaali doono inay ilaaliyaan, isla markaana sare u qaadaan magaca iyo sumcadda Somaliland, maadaama oo laga daawanayo dacalada dunida iyo meel kasta oo ay Soomaali joogtaba.
Waxaannu intaa raaciyey in aanay baahinaynin wax kasta oo magac-dil iyo sumcad xumo ku noqonaya qaranka Somaliland, iyaga oo wararka iyo macluumaadkana u baahin doona si dhexdhexaad ah oo madaxbannaan.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Mr. Yuusuf Haybe oo ka mid ah maalgaliyeyaasha SLSC oo sheegay in Tv-gan markii hore ay aasaasaan koox reer Somaliland ah oo dalka Qadar deggan, isaga oo markii hore ahaan jiray mid local ah oo laga daawan jiray Hargeysa iyo agagaarkeeda, isla markaana uu hadda galay hawada oo laga daawado caalamka oo dhan. Waxaannu intaa raaciyey in iminka ay Tv-ga laba iyo labaatan qof ku sameeyeen maalgashi, isaga oo xusay in ay Khamiistii toddobaadkii hore ku biireen santalayd cusub oo laga daawan doono waqooyiga Ameerika iyo Yurub, waxaannu intaa ku daray in telefiishanka SLSC uu yahay mid madaxbannaan oo dhexdhexaad u ah ummadda reer Somaliland oo dhan.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa sheegay in SLSC uu ka xoreeyey shabciga reer Somaliland saxaafaddii ajaanibka ahayd ee xuurtada ku haysatay sida BBC-da, qaybteeda afsoomaaliga iyo telefiishanka Universal Tv oo uu ku sheegay inay Somaliland ka tabiyaan warar yasid iyo xaqiraad isugu jira, isaga oo intaa raaciyey in dadka reer Somaliland ay Soomaaliyada kale kaga horreeyaan dhinaca saxaafadda oo Radio-gii ugu horreeyey ee Soomaali yeelato uu ahaa Radio Hargeysa, waxaannu kula dardaarmay mulkiilayaasha SLSC in dhexdooda ay is aaminaan oo si ay isqabqabsi uga fogaadaan ay samaystaan xeer iyo nidaam sax ah oo ay kuwa shaqeeyaan isuguna aaminaan.
Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub, ayaa isaguna sheegay in Tv-ga SLSC uu magac iyo sumcad cusub u soo hooyey Somaliland, isla markaana ay xukuumad ahaanba hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin sidii uu u hana qaadi lahaa SLSC, isaga oo intaa ku ladhay in telefiishannada badan ee Somaliland hawada galay sida SLSC, RAAD Tv, iyo HCTV ay xukuumadda gacan kaga heli doonaan hadba sida ay u ilaaliyaan muwaadinimadooda iyo qarannimada Somaliland.
Waxaannu Md. Sulub sheegay in saxaafadda, gaar ahaan SLSC macluumaadka meelaha fog gaadhsiinaya ay waajib ku tahay inay faahin waxyaabaha sharaf-dhaca ku keenaya Somaliland iyo hadallada xajiinta wata ee siyaasiyiintu ku hadlaan, isla markaana ay ku sameeyaan wararka faaf-reeb, wixii xuna ka reebaan.
“Siyaasiyiintayada inta xukuumadda ku jirta iyo inta mucaaradka ahba Faysal Cali-waraabe ayaa ugu cadho badane hadalladiisa wax ka jara oo ha sii wada daynina markuu cadhaysan yahay,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud, isaga oo si gaar ah ula kaftamayey Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo madashada fadhiyey.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay masuuliyiinta kala ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Maayarka magaalada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo dhammaantood ku dheeraaday ammaanta SLSC.

Source:TogdheerNews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: