SOO GAR BAX AMA GAROWSO: AABAHA MIISAANKA MAANSADA SOOMAALIYEED

Yaa loo aqoonsanyahay Aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed? Ma Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mise Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraaale)? Muranka su´aashaas ka taagani waa mid hadda dad badani u dhegataagayaan si ay jawaabta saxan ugu hubsadaan meel adag. Aniga ayaa ka mid ah dadka u hanqal iyo dhegoba taagaya jawaabtaas. Haddaba YAAN JAWAABTAA KA HELI KARAA??
Maxaa looga Bartay Soomaalida, Murankan oo kale? Waxa aan arkayey laba aqoonyahan oo aniga hortay mawduucan wax ka qoray, una arkayey arrin ugub ah in Soomaalidu halabuurka isku qabsato.

 Taas waan deedafaynayaa. Waxan leeyahay Soomaalidu si weyn ayey isugu qabsataa halabuurka. Laakiin halabuurku weli ma hantiyoobin Soomaalida dhexdeeda. Taas ayaa keentay in murankan xoog loo sii danayn waayo. Haddiise darajooyin la isugu toli lahaa ama duunyo laga maali lahaa, waxad maqli lahayd; dagaal ka dhashay gabay ama halabuur la kala dhacay. Haddii aad gabay dhaadhi tahay waxad hubaashii maqashay gabayo fara badan oo dad kala duwan loo tiirinayo, haddiiba aad gabayadaas u nisbayso cidda aad u taqaanno na, dad kale ayey kariirta kaga dhegaysaa. Bal adigaba aan ku waydiiyee yaad u taqaannaa in ay tiriyeen gabayadan soo soocda:
Gabay 1aad: “Qabqab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waydaaye”
Gabay 2aad: “Muslin aan islaam kugu dhaqayn muuminnimo khaas ah, Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama”
IYO Heestan : “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey. Hadba kiina taag daraneey, taageera weligiineey”
Shaki kama jiro in aad qaarkood maqashay muranka ka jira. Ta ugu dambaysa oo ah heesta qaranka ee ay Soomaalidu si qiiro leh ugu bururto marka la qaadayo, waxa lagu kala sheegaa ilaa saddex qof. Waa Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, Cali Mire Cawaale iyo Qaasim Hilowle. Ugu yaraan laba ka mid ah saddexdaas abwaan waabay ka hadleen lahaanshahooda halabuurkaas. Qaasim Hilowlena waxa u hadashay gabadhii uu dhalay ee Faadumo Qaasin. Beri dhaweyd xaflad aan ka qayb galay waxa ka hadlayey aqoonyahan uu dhalay Cai Mire Cawaale oo lagu magacaabo Eng Maxamed Cali Mire. Aqoonyahanku wuxu hadalkiisii ku soo daray, codsi ah in aanu la qaadno heestii aabihii Mire Cawaale sameeyey 50 sano ka hor, waa siduu hadalka u dhigaye. Markaas ayaanu la wada jiibinay; Soomaaliyeeeeey Toosoo, toosoo isku tiirsada eeeeeeeey. Wakhti kaas kasii dambeeyeyna waxan akhriyey buug ay qortay aqoonyahanad uu dhalay Yuusuf Xaaji Aadan oo ay aabeheed kaga taariikhaynayso. Waa Foosiya Yuusuf Xaaji Aadane, iyaduna sidoo kale ayey u xustay taariikhda xiisaha leh ee aabeheed ka curiyey heestaas guubaabada ah; Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eeey.
Murankaasi cidna kama daahna ayaan filayaa. Laakiin ma jirto cid ka gar naqday iyo cid xeerar ka dejisay toona. Waayo? Dee Soomaalida umaba cadda sababta gar iyo hawlo la isu gelinayo, iyada oo ay jiraan xeerar fudud oo qadiim ah oo qof waliba u madax bannaanyahay turjumiddooda. Xeerarkaasi waxa ay yihiin:
XEERKA 1AAD WAA: In aad sax u haysato wixii aad hore u maqashay ama u taqaannay. Wax alla wixii aad gadaal ka ogaataa waa bar kuma taal. Ninkii aad ka maqashaa waa: Iska hadloow Ina Igarre. 114ka Quraanka ayaan aqaanna iyo waa haddii aan kaa akhristo oo loogu jawaabaa.
XEERKA 2AAD WAA: Haddii hal abuur lagu murmo cidda iska leh, waxa aad eegaysaa labada muranku ka dhexeeyo, qofka ku xiga abtirsiin ahaan. Markaa isaga ayaad u aqoonsanaysaa qofka halabuurkan xaqa u leh. Kuwa kale waa dhac doon iyo wax aan la aqbali karin.
Sow sidaasi xal sahlan maaha?. Dabcan way u muuqan kartaa. Laakiin waa dhib weyn oo haysta hal abuurka Soomaaliyeed. Haddii aan wax laga beddelinna jahawareer ku ridi kara dadka caadiga ah. Waxa ay ahayd in la dejiyo xeerar lagu kala saaro hal abuureyaasha, wixii la kala saari kari waayan, loo aqoonsado hanti umadeed oo aan qof gaar ahi lahayn. Haddii ay taasi aanay hore u dhiicin haddaba talada ha lagu darsado. Qaddiyaddan miisaanka maansaduna ha noqoto tijaabo
laa Hadda iyo Ogaalkayga Muranka Miisaanka
In ay maansada Soomaaliyeed leedahay miisaan lagu cabbiri karo waa mid aan weligayba dareensanaa laakiin ma ogayn wixii ka horreeyey 2002 wax daraasad ah oo lagu sameeyey daahfurka miisaankaas. Sanadkii 2004 waxa i soo galay buugga macalin CARRAALE ee wata ciwaanka mawduucan ee ah:”Miisaanka maansada Soomaaliyeed”. Si xiiso leh ayaan u akhriyey. Wuxu iila muuqday mid xambaarsan aqoon xeeldheer oo aan la qiyaasi karin. Laakiin akhriska, fahanka iyo dib u xasuusashada nuxurka buuggu waa mid adag oo lagu caajisayo. Waan jeclaan lahaa in aan helo qoraallo u dhigan hab kale oo sahaalo iigu duxi kara. Taas macneheedu ma aha in aanan waxbaba ka faa´iidin buuggan isaga ah. Wax badan ayaan ka faa´iidaystay -Alla i lehe-.
Wakhti dambe oo taariikhdu ahayd 2005 ayaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo socdaal ku marayey waddamada Yurub qaarkood. Halkaas ayaan ka ogaaday in muran ka taaganyahay qofkii ama ciddii daahfurtay “Miisaanka maansada Soomaaliyeed”. Gaarriye waxa uu ka cabanayey nin Carraale la yidhaahdo oo iska sheegtay; hindise iyo halabuur uu Gaarriye gaar u lahaa. Ninkaas Gaarriye ka cawday ee abwaanka bililiqaystay- waa sidii hadalka Gaarriye laga fahmi karayey eh- waan gartay oo waa ninkii aan dhawaanta akhriyey buuggiisa. Hindisaha la sheegayana gartay oo waa isla kan buuggaasi u qoranyahay.
Waxa kale oo uu Gaarriye xusay maalmaaas laba nin oo markhaatiyo kala duwan arinkaas ka furay. Mid ahaani markhaati beenaale ayuu furay oo waxbuu qarribay markii uu daahfurka miisaanka maansada u tiiriyey Carraale iyo Gaarriye si isku mid ah. Ninka kalena wuxu furay markhaati ilaahay oo waxbuu hagaajiyey markii uu daahfurkaasi u keli yeelay Gaarriye. Labadaas nin waxa ay kala yihiin Johnsson Heello iyo Martin Owen. Waa laba nin oo ka dhashay qabaa´isha laandheeraha ah ee cadcad oo weedhooda awrk lagu kacsan karo amaba carqalad lagala kulmi karo, haba ahaadeen af-barad ah aan dhalad ahayne. Inta dambe waa faallo aan loo dhammayne garo.
Waagaas laga soo bilaabo waxa aan si weyn ugu baraarugay muranka ka aloosan qaddiyaddan. Habase ahaatee uma banbixin dabagalkeeda. Waxaabad i mooddaa in aan sugayey cid kale oo jawaabta saxda ah ka soo baaraandegta oo ii soo hadiyadaysa daraasad hufan oo aan hawl iiga baahnayn.
Mudduci iyo Muddaacale: Meeshaas ama hadalkaygaas hore waxa ka muuqda qof cid kale wax ka tabanaya oo “mudduci ah” iyo qof wax laga tabanayo oo “muddaacale ah”. Mudducigu halkan wuxu noqonayaa Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” muddaacaluhuna waa Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale”. Waxa la isku haystaa waa; Yaa helay ama daahfuray miisaanka maansada Soomaaliyeed?
Si loo kala saaro labadan halabuure ee weliba macalimiinta ah, waxa loo baahanayaa:
Xeerbeegti/guurti
Xeer ilaaliyeyaal
Qareenno
Caddaymo
Iyo Markhaati yaal
Xeerbeegtii:

Maadaadaama aanay jirin gole xeerbeegti ah oo u xilsaaran xannaanaynta hal abuurka suugaanta iyo afka hooyo, waxa lagama maar maan ah in ay xilkaas dusha u ridtaan dhammaan bahda hal abuurayaasha iyo suugaanlayda Soomaaliyeed ee ay doodani soo gaadho.
Xeer IlaaliyeyaaL:

Xeer ilaaliye waa qofka ciddii xeerka jebisa ama lagu eedeeyo in uu xeer jebiyey dacwad ku soo ooga ama maxkamadda soo taaga si xukun loogu rido ama isu difaaco. Halkan waxa ku habboon, bahda saxaafadda iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed oo leh aqoontii ay hal abuureyaasha ku qodqodi lahaayeen iyo awooddii ay ku soo bandhigi lahaayeen waxa la doon doonayo.
Qareenno:

Doodani kama fursanayno qareenno u hadla labadan hal abuuure ee is haysta. Maxaa yeelay qaddiyaddoodana dhinac walba kama eegi karaan oo tooda ayuun baa u caddaan karta. Marna nimanku waa odayaal waxana laga yaabaa in ay odayaasha ku adkaato adeegsiga qalabka casriga ah ee kombuyuutarka iyo internetka. Markaa qareenno, afhayeenno u noqda labadan hal abuure waa lagama maarmaan. Waxaana ku habboon in ay qareenno inoo metelaan dadka durbaba mawqif cad ka yeeshay mawduucan.
Caddaymo:

Labadan hal abuure ee Gaarriye iyo Carraale iyo qareennadoodaba waxa looga baahanyey in ay badka soo dhigaan caddaymo la taaban karo oo raadraac leh. Taasi waxa ay xeerbeegtida u sahli doontaa in ay xukunka saxda ah ridaan.
Markhatiyaal:

Sida caadiga ah markhaatiyadu waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha lagu kala saaro muranka. Laakiin mawduuca kani, uma baahno wax markhaati ah oo dheer caddaymaha qoran. Haa, waa loo baahanyey markhaatiga haddii uu soo bandhigayo caddayn la aamini karo. Haddii kale caddaymaha uun baa inagu filan.
Halkee Wax Marayaan Ilaa Hadda Sida aaan soo sheegayba, wuxu soo ifbaxay muranka miisaanka maansada Soomaaliyeed wakhti dhaweyd oo ku siman soo bixidda faaftay ee buugga Macalin Carraale 2003. Abwaan Gaarriye ayaa goleyaal badan ka xusay lahaanshihiisa “daahfurka miisaanka maansada Soomaaliyeed” iyo in uu halabuurkaas ku qabsaday nin lagu magacaabo Carraale. Inta aan kala socdo is qabsigan waa intaas, wayse dhici kartaa in horeba ay labada abwaan isu maandhaafeen, laakiin ay markan uun shacabka caadiga ahi ogaadeen. Carraale isaga wax juuq ah waa laga waayey.
Muddo yar ka bacdi oo ku siman 2006, waxa soo baxay maqaal ciwaankiisu ahaa “Ku maa ah Aabaha Miisaanka Maansada Soomaaaliyeed: Ma Carraale Mise Gaaarriye?
Qoraalkan waxa qoray Cabdiraxmaan Faarax (Barwaaqo). Af Soomaali hufan iyo farshaxannimo heer sare ah iyo weliba cilmi-baadhis caddaymo wadata ayuu ku lafa guray mawduuca murankan. Wuxu soo bandhigay caddaymo ku siman 1976 oo ah markii ugu horraysay ee uu Gaarriye mawdduucan ka hadlo, isaga oo hab maqaallo ah ugu soo bandhigay wargeyskii Xiddgta oktoobar. Isla wargeyskaa waxa kale oo uu ka soo xigtay markii ugu horraysay ee macalin Carraale isla mawdduucaas ku soo bandhigo Xiddigta oktoobar oo ahayd 1978. Qoraal dhaxalgal ah ayuu Barwaaqo halkaas ku soo bandhigay. Laakiin marka aad wax yar uun ka gudubto bogga koowaad, waxa kuu caddaanaysa jawaabta uu soo wado qoraagu. Waxa ka muuqata qanacsanaan iyo kalsooni 100% ah in “aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed” yahay Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Waxa ka muuqata la yaab weyn oo uu u qabo macalin Carraale-han sheeganaya daahfurka miisaanka maansada Soomaaliyeed. Xiitaa wuxu qalad u haystaa in uu Carraale buuggiisa u bixiyey magaca uu u bixiyey. Wuxu yidhi Cabdiraxaan Barwaaqo: “Haddaba inuu Brof. Carraale u bixiyo buuggiisa ladhka ah: Miisaanka maansada Soomaaliyeed, waa gef weyn oo laga galay Gaarriye”. Mar kale wuxu ku nuuxnuuxsanayaa in ay tahay Gardarro aan geedna loogu soo gabban, haddii Gaarriye lagala masuugo ahaanshaha: aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed.
Marka aad si weyn u dhuuxdo qoraalka Cabdiraxmaan Barwaaqo, waxa inoo caddaanaya in aynu helnay qareen wax ku ool ah oo labada hal abuure mid ahaan u soo baxay. Taasi waa sidii la rabay -Marraa waaxid. Marka aad ka dheregto tabashadii Gaarriye iyo tafatirka qareen Barwaaqo, waxay indhahaagu eegayaan dhinaca macalin Carraale adiga oo leh: “AMA SOO GAR BAX AMA GAARRIYE U QIR” .
Laga bilaabo markaa wuxu Carraale noqday mid laga dhawrayo caddaaladda horteeda si uu isu barraxo. Macalin Carraale juuq iyo jaaqba waa laga waayey. Laga yaabee in uu hoos hoos uga hadlay mawduucan, laakiin war debedda u soo baxay lama arag. Dabadeed xeer ilaaliyaha mawdduucan oo ah saxaafadda ayaa askartiisa u diray baadigoobka macalin Carraale. Waa la soo helay waxaana lala yeeshay waraysigii ugu horreeyey. Bogga internetka ee WardheerNews ayaa Carraale la yeeshay waraysi taariikhi ah oo uu Carraale ku difaacay lahaanshihiisa xuquuqda daahfurka miisaanka maansada Soomaaliyeed. Wuxu umadda ku wargeliyey in ka hor intii aanu Gaarriye waxba ku qorin joornaalkii Xiddigta oktobar 1976, uu isagu mawdduucan buug dhan ka soo saaray. Buuggaas waxa iibsatay jaamacaddii umadda ayuu ku warramay Carraale, isaga oo magaca buuggana ku sheegay “GORFAYNTA GABAYGA”. Buuggan koowaad wuxu ku koobnaa miisaanka gabayga iyo xeerarkiisa laakiin sanadkii 1977 ayuu Carraale soo saaray sida uu waraysiga ku sheegay buugga kale ee “MIISAANKA MAANSADA SOOMAALIYEED” oo isagana ay ka iibsatay jaamacaddii umaddu. Buuggan dambe wuxu daboolayaa dhammaan noocyada maansada Soomaaliyeed iyo miisaankooda. Qoraallada taxanaha ah ee ku soo baxay Xiddigta oktoobar 1978 waxa aan ka soo qaadanayey buugga miisaanka maansada, ayuu yidhi macalinku.
Gabagabayn iyo Gunaanad Haddii aynu markii hore Gaarriye ku sheegnay mudduciga kiiskan oo muddaacalehuna ahaa Carraale, isdifaaca dambe ee Carraale wuxu noqonayaa mudduci-gawrac. Haddii ay caddaato in macalin Carraale soo saaray buuggiisa “Gorfaynta gabayga” ka har maqaalkii Gaarriye ee ugu horreeyey 1976, isla markaana uu kaga hadlay miisaanka gabayga, markaa dacwaddii Gaarriye way jabaysaa. Haddii ay caddaato in Carraale buug dhan soo saaray bilowgii 1976, waxa loo qaadanayaa in uu buuggaasi ka dhashay shaqo wakhti dheer soo socotay, waanu ka qiimo weynaanayaa maqaallo joornaal ku soo baxay. Taasi waxa ay Carraale ka dhigi doontaa; Aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed. Laakiin weli kubbaddu waxa ay taallaa dhinaca macalin Carraale. Isaga ayaana laga sugayaa caddaynta. Dhinaca Gaarriye iyo qareenkiisa wax loogu noqdaa ma yaallaan. Haddii Carraale ama ciddii isu xilsaarta qareennimadiisa ay keeni waayaan caddaynta buuggaas la sheegay, waxa taariikhda daahfurka miisaanka maansada laga soo bilaabayaa axaddii 17ka jeenawari 1976 oo ku beegan maalintii uu soo baxay maqaalkii ugu horreeyey ee Gaarriye. Isaga ayaana loo aqoonsanayaa; aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed.

Maxamed Xirsi Guuleed
Email: abdibashir@hotmail.com

Waxa soo Tarjumay soona habeeyey: Osman Abdillahi Sool….Freelance
Journalist. Copenhagen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: