TOGDHEER GOBOL LA QAAWIYEY OO MAGAALO KALIYA AH

Burco (sl.no 24 june 2008 – Magaalada Burco waxay magaalo madax u ahayd Gobol deegaan ahaan balaadhan oo isu dheeli-taran, hase ahaatee, sidii maalinba in loo jarayay ee loo soo koobayay haatan Togdheer waa Burco oo kaliya. Ka dib markii degmooyinkii ugu danbeeyay laga gooyay ee Gobolo laga dhigay sida Oodweyne, Boohoodle iyo Sheekh oo hore looga jaray.

Burco, waa hooyadii ama hoygii lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay beelaha Somaliland si wadajir ah u go’aansadeen in ay noqdaan qaran gooni u taagan oo ka madax-bannaan Soomaaliya, xili lagu guuleystay halgan loo soo maray dagaal sababay khasaare naf iyo maalba leh oo xooggagii SNM ay kaga adkaadeen taliska mileteriga ahaa Siyaad Barre.

17 sanno ka dib la soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland Magaalada Burco oo ah Caasimada labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland waa magaalo si weyn uga arradan haykalka dawlad-nimo ee maamulka xukuumada dhexe, isla markaana waa magaalo soo jiidatay indhaha dadka oo qabanaya mashaariic fara badan oo ay dadku hirgeliyeen, sida Jaamacado, Wershado, Dhismaha wado Biriij ah, Xarumo Waxbarasho iyo Dhismeyaal fara badan oo isugu jira kuwo Cimaarado dhaadheer ah iyo kuw kale.

Dhinaca Maamulka.

Magaalada Burco waxa ka jira xarumihii Dawlada dhexe oo ay ku magacaaban yihiin isuduwoyaal, hase yeeshee ma aha kuwo firfircoon oo si habsami ah u shaqeeya duruufo ku gedaaman awgood. Tusaale ahaan dhinaca gaadiidka marka laga yimaado Badhasaabka Gobolka Togdheer, Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka oo ay hay’ado samofal ahi ka gacan siiyaan iyo hal isuduwe oo kaliya mooyaane dhamaan inta kale isuduweyaashu waa kuwo aan lahayn wax gaadiid ah, isla markaana ma jiraan wax shaqaale hoosaad ah oo ka hawl-gala wasaaradahaasi marka laga reebo Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxana gebi ahaanba dayacan goobaha ay isuduweyaashaasi ku magacaaban yihiin, taasina waxay meesha ka saartay in ay gutaan waajibaadkoodii shaqo ee ay qaranka u hayeen, isla markaana waxa lagu tilmaami karaa in miisaaniyada dawlada dhexe looga qoondeeyey wasaaradahaasi aanay waxba ka gaadhin Gobolka Togdheer. Sidoo kale dhinaca bileyska ayaa la qaba dayacaasi.

Tusaale ahaan waxay magaaladu leedahay ilaa afar saldhig bileys marka laga reebo saldhiga dhexe dhamaantood-na waxa hirgelintooda iska kaashaday shacabka, haday tahay maal-qabeeno iyo haday tahay dadweynaha kaleba iyadoo ay xukuumadu ka baaqsatay kaalintii ay ku lahayd. Bileyska gobolku waa kuwo ka arradan agabkii ay ku hawlgeli lahaayeen; sida Gaadiidka, Direyska, isgaadhsiinta iyo kaabo-yaashii kale ee ay u baahnaayeen, malaha saldhigyadu gaadiid si joogto ah uga hawl-gala, muwaadin u dhashay Gobolka ayaa taliyaha booliska ee qeybta u dayactiray gaadhi fadhiyey, ka dib markii ay xukuumadu tahli weyday in ay gaadhi u iibiso, waxana ay xukuumadu awoodi weyday iska daa miisaaniyad kale’e in ay gaadiidka ay UN-ku tiroba dhowrka jeer ku caawiyeen Bileyska Somaliland gaadhsiiso Gobolka.

Waxbarashada:

Marka la eego dhinaca waxbarashada tabasho xoog leh oo la mid ah sida hay’adaha kale ee aynu kor ku soo sheegnay kama jirto, waxana magaalada burco ka hirgalay goobo waxbarasho oo isugu jira kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwo ay xukuumadu gacanta ku hayso, kuwaasi oo ay gacan ka geystaan hay’ado samofal iyo dadweynuhu, iyadoo cabashooyin soo jeediyo goobaha ay xukuumadu sida tooska ah gacanta ugu hayso, inkastoo dadka u dhuun daloola arrintan marka qaar farta ku godaan jahawareer ardaydu kala kulmi karto kala duwanaanta manaahijta, taasoo gobolka togdheer kala siman yahay guud ahaan gobolada kale ee Somaliland, sidoo kale ma jirto dhiirigelin iyo siyaasad wacyigelineed oo ku wajahan in dadka lagu baraarujiyo faa’iddada waxbarashada maadaama aanay jirin idaacad dalka wada gaadha, isla markaana waxa jirta idaacad FM oo ay keensatay Jaamacada burco oo ay ugu talogaleen wacyigelinta waxbarashada ay xukuumadu ka horjoogsatay. Marka aynu ka hadlayno idaacad la’aanta macnaheedu maaha Hargeysa oo warbaahinta dawladu si xoog leh uga hawl-gashaa waxa ka baxa barnaamijyo waxbarasho oo dadka u soo jiida dhinaca goleyaasha tacliinta, waxana aynu ku soo koobi karnaa iyagoo xataa og shacbigu danta ugu jirta ayaa dhaqaalo xumida baahsan ee dalka ka jirta awgeed ay ubad uga reebto iskuulada markay qoysaskoodii awoodi waayeen in ay ka bixiyaan fiiga, kuwaasi oo door firfircoon ka qaadan kara dembiyada iyo nabadgelyo xumo xumo baahda mustaqbalka dhow.

Caafimaadka:

Magaalada Burco waxay leedahay Custibaalka guud,ilaa ku dhowaad sideed MCH iyo dhawr goobood oo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku yaala magaalada,kuwaas oo ka hawl-gala adeega dhinaca caafimaadka ee guud ahaan gobolka Togdheer gaar ahaana magaalada Burco;

Waxaana Cisbitaalka guud ee gobolka gacanta ku haya marka laga yimaado maamulka wasaarada caafimaadka gudi madax-banaan oo reer Burco ah,isla markaana waxa si weyn u kaalmeeya ama u caawiya maal-qabeeno reer Burco ah sida shirkadaha Dahab Shiil iyo Indho Deero oo sanad walba ugu deeqa Raashinka Bukaan jiifka iyo Agabka kale ee Cisbitaalku u baahan yahay,waxaanay dhowaan shirkada Dahab Shiil ugu deeqday Cisbitaalka gaadhi Dhooli ah oo ka hawl-gala adeega Caafimaad ee g Gobolka Togdheer.

Dhinaca dhakhaatiirta waa magaalo ama gobol ay ka shaqo tageen inta badan dhakhaatiirtii dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolka waxayna tahay dhibaatada ugu weyn ee ka jirta gobolka dhinaca caafimaadku dhakhaatiir la’aan si toosa uga hawl-gala goobaha caafimaadka,inkasta oo ay jiraan dhakhaatiir si gaara u shaqaysata.

Maxay Qabsadeen Dadweynuhu?

Dadweynaha reer Burco amaba Gobolka Togdheer haday yihiin Maal-qabeenada,Qurbo- Jooga iyo shacabka kaleba waxa lagu tilmaami karaa kuwo ka soo baxay kaalintoodii looga baahnaa inay qabato Xukuumadu, kuwaas oo si mug leh ugu hagar baxay muuqaalo bilicsan oo ka mida dhismayaasha cusub ee Caalamka oo soo jiidanayay indhaha qof kasta oo Burco booqda, isla markaana waxa ay qabanayaan dhismayaashaal bilicsan iyo Degsiimooyin cusub oo qayb ka noqday koritaanka bilicda Magaaladda. Sida Xaafadaha lagu magacaabo Scandinavian, London iyo kuwo kale. Kuwaas, oo ay soo dhisteen Qurbo-jooga reer Somaliland ee u dhashay Gobolkan Togdheer.

Marka taa laga yimaado, Magaaladda Burco waxay yeelatay ama lagu soo kordhiyay Mashaariic horumarineed, oo aan hore uga jirijin guud ahaan Gobolka. Sida noocyo kala duwan oo Warshado ah, oo ay ka mid yihiin, Warshada Hilibka, laba Warshadood oo Saabuunta Taydha ah soo saara, iyo laba Biyaha Safaysan soo saara. Kuwaas oo wax badan ku soo kordhiyay hanaanka dhaqan-dhaqaale ee Bulshada Gobolka.

Waayaha Nolosha Bulshada.

Magaaladda Burco oo bari-samaad lagu tilmaami jiray Saylada Xoolaha nool lagu kala iibsado ee ugu balaadhanb Sayladaha Geeska Afrika, haatan waxay u muuqataa mid dhaq-dhaqaaqeedu hoos u dhacay tan iyo intii xayiraada lagu soo rogay dhoofka Xoolaha nool, isla markaana waxay xaaladu intii kootada loogu xidhay xoolaha, gaar ahaan Adhiga Ganacsadaha Carbeed ee lagu magacaabo Al-jaabiri. “Cuna-qabataynta Sucuudigu nama saara oo Xooluhu intaaba way dhoofi jireen, laakiin Cuna-qabataynta nasaarani waa ta Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkiisa Xannaanadda Xooluhu Al-jaabiri ugu xayireen dhoofka Xoolaha.” Aragtidaas waxa ka siman badi dadka Gobolka.

Kuma koobna kaliya waxyaabaha ay dadweynuhu ka cabanayaan xaiyaraada ninka Sucuudi xoolaha loogu xidhay, “Anagu Adhiilayaal ma nihin, ee waxa Adhiilayaal ah oo anaga na bedalay Xukuumadda iyo niman Ganacsadayaal ahaan jiray.” Sidaa waxa yidhi, qaar ka mid ah dadkii iyagu ka ganacsan jiray Xoolaha Nool.

Si kastaba ha ahaatee, Diifta dhaqaale, Xayiraada ganacsiga Xoolaha, Shaqo la’aanta, Maamul xumida iyo Xaqsoor la’aantu, waxay ka dhigeen dadka Gobolka qaar aanay u muuqan bidhaan rejo-mustaq-bal, taasina waxay u horseeday inay gebi ahaanba suudalaan, oo ay Tahriibaan Xogii iyo Ubixii Deegaankuba. Waxaas oo dhanna waxa haatan u sii raacay qaawinta Haykalkii Gobolnimo ee hore u jiray, waayo maanta Togdheer waa Burco oo kaliya, Burcana waa Togdheer.

Liibaan Maaweel Somaliland. Org

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: