Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Oo ah qurba jooga gacanta ka gaysta horumarka Ciyaaraha S/land ayaa Daadafeeyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Wasiirka Cayaaraha

” ilaah waa ogaa wasiir kaa qayral masuulka ah calaacalkiisiyo fadeexadaa qaran ee aan asturay, soomaalida hore tidhi Dammeeraley Dad la xeer maaha, anigoon mid iyo laba ku dhamayn karayn inta jeer ee aan u xil qariyey anigoo isku hayey ummadda ma usoo bandhigta haddii uu aniga isooba doontay waa ilaahay mahadiiye waxaan doonaya inaan halkani ku soo bandhigi wixii aan ummadda u qabtay ee aanan xukuumad, xisbi iyo shakhsi ammaan iyo magac kaga doonayn ee aan islahaa da’yarta soo kacaysa ee somaliland wax ha loogu qabto iyo wixii aniga iyo ninkaasi wasiirka ah na dhex maray.

London (HWN)– Mudane Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi ayaa si weyn u naqdiyey isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo dhawaan ka soo baxay wasiirka cayaaraha Somaliland.

Haddaba shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews oo ku booqatay Mudane Mubaarik xafiiskiisa magaalada Birmingham si aanu wax uga weydiino eedayn uu wasiirka cayaarahu dhawaan usoo jeediyey oo ahayd inuu Mubaarik yahay waxma tare ayaa wuxuu ku jawaabay Mubaarik sidani

” ilaah waa ogaa wasiir kaa qayral masuulka ah calaacalkiisiyo fadeexadaa qaran ee aan asturay, soomaalida hore tidhi Dammeeraley Dad la xeer maaha, anigoon mid iyo laba ku dhamayn karayn inta jeer ee aan u xil qariyey anigoo isku hayey ummadda ma usoo bandhigta haddii uu aniga isooba doontay waa ilaahay mahadiiye waxaan doonaya inaan halkani ku soo bandhigi wixii aan ummadda u qabtay ee aanan xukuumad, xisbi iyo shakhsi ammaan iyo magac kaga doonayn ee aan islahaa da’yarta soo kacaysa ee somaliland wax ha loogu qabto iyo wixii aniga iyo ninkaasi wasiirka ah na dhex maray.

Iyadoo aanan weedho ku soo koobi karin wixii aan qabtay intii aanu isaga wada shaqaynaynay iyo intii ka sii horaysayba ee wasiirkii hore joogay amaba wixii ka soo horeeyeyba laakiin waxaan ka bilaabaya intii uu isagu joogay wixii aan qabtay.

sannadkii 2003-dii aan markii ugu horaysay taariikhda Somaliland aan uga dhex dooday ururka kubadda cagta ee NFB xubinimo ay ka hesho, taasina ilaahay waa igu guuleeyey waxaanan muddo kooban ka dib ku guulaystay inaan xulka qarranka ee kubadda cagta somaliland xubin uga hello NFB, shirkaasi somaliland xubinimadeeda lagaga dhawaaqay wuxuu ka dhacay magaalada London hotelka caanka ah ee Royal National Hotel waxaa intaasi ii dheera aniga oo kharashka ku baxay aan anigu jeebkayga ka bixiyey anigoon shakhsi iyo cid toona aan kala hadal.

waxaa jirta oo ay tahay arrinta ugu muhiimsan markii la qabanaayey cayaarahii gobolada ee sannadkii 2004-tii bishii September, ayuu ninkani wasiirka ahi cunay dhammaanba miisaaniyadii loogu tallo gallay inay cayaarahu ku qabsoomaan, wuxuu igula soo hadlay telefoon isagoo calaacalaya wuxuu igu yidhi waar mubaarigow inuu ilaahay ceebtaada asturo isoo astur wuxuu igu yidhi ma hayo wax alla iyo wax agab ah haddii ay tahay qallabkii lagu suurtagelin lahaa cayaaraha, waxaan u diray qallabkani hoos ku qoran

1- Afar shabaagyada golaasha ah
2- afar birihi koonayasha
3- sideed calamadii kornanayasha
4-laba iyo toban kubadood laba yihin kuwa Finalka
. 5-laba dirays kuwa sidhwalayasha oo sada
6-laba calan o ah kuwa garsoorka
7-laba banka kubadaha lagu buxiiyo oo ah mid weeyn iyo mid yar
8- afar irbadood kuwa kubada lagu buxiiyo
9-laba shanda dood oo ah kuba garsooraha ku jiran alaabtodi.
10-sidhiiyo ilaa lix xabo iyo xadhkahoodii
11- laba sacadaha garsooraha
12- labatan funanadood kuwa shaqalaha garoonku gashadan

Sannadkii 2003-dii ayaa Somaliland waxaa lagu marti qaaday inay Somaliland ka soo qayb gasho shirki ugu horeyay NFB oo lagu qabatay belgum , balse waxaa ayaan darrada jirta waxay tahay ninkani wasiirka ah oo xilkasnimo darradiisa weli ilaa wakhtigaasi ku guulaysan waayey inuu sameeyo xul qarran oo somaliland matala, waxaan ka codsaday oo aan ku idhi waar wax kasta oo la inooga baahdo kharash iyo mood iyo ficil aniga igu halle waxaa keliya ee aan kaa doonaya waa inaad soo xusho xul qarran oo somaliland matala oo tayo leh, wuxuu iigu jawaabay mubaarigow maxaa faa’iido inoogu jira lacag ee aynu ka faa’iidayna, waana taasi sababta uu wasiirku aniga iigu tilmaamay waxma tare, anigo dadkayga iyo dalkayga iyo da’yarta soo koraysa ee ah ubaxa somaliland waxaa iga go’an inaan hiil iyo hooba la garab istaago,
waxaa taasi ii dheer waxaan halkani ku diyaariyey waxaan wasiirka ku casuumay inuu ka soo qayb gallo shir ka dhacaayey London oo ay soo qaban qaabisay Haayadda kubadda cagta ee NFB, waxaanan waraaqdii casuumadda (official invitation letter) aan u dhigay safaaradda ingiriiska ee addis ababa, shirkaasi waxaa lagaga hadlaayey sidii gacan loogu heli lahaa waddamo badan oo ay somaliland ka mid tahay, laakiin itaal darro iyo karti la’aan ayuu wasiirku ka doonaan kari waayey visa-dii safaaradda.

waxaa ii raaca waxaan diyaariyey muunadii dirayska xulka kubadda cagta qarranka Somaliland waxaana iiga markhaati ah oo aan muunadaasi ugu dhiibay guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo aan ku dar daaray oo aan ku idhi muunadaasi saleebanow waadigaasi oo dalkii tagaye wasiirkii u dhibo waan soo wada dirayskii oo dhamaystiran.
markii xilka loo dhibay wasiirkani wax kale iska daayo xita waxaan u qallabeeyey xafiiskiisa, kursiga iyo miisku ku fadhiisto kharashkeeda ayaanu bixinay.

waxaan shakhsiyan u diray oo aan kala qayb qaatay inaan sannadkii 2003 dhigo koob kubadda cagta ah oo qiimahiisu dhanyahay 2000 oo dollarka maraykanka ah oo aan ku wareejiyey Hotelka Xaraf 28/122003 iyadoo ay markhaati iiga yahiin goob joogna ka ahaayeen dhammaanba xidhiidhada cayaaraha somaliland.

Haddaba wasiirku markuu aniga i leeyahay waxma tare, ma wuxuu u jeeda aniga iima roona oo lacag ima siiyo oo waxba igama soo gallaan wuxuu mubaarig ku bixiyo horumarka cayaaraha Somaliland.

waxaan ugu ballan qaadaya da’yarta somaliland iyo inta jecel horumarka cayaaraha dalkeena hooyo inaan weligay hiil u ahay garab iyo gaashana u ahaa una ahay, weligayna u ahaanaayo taageerida, kor u qaadista iyo tayaynta cayaaraha somaliland, laakiin wasiirka waxaan leeyahay haddii aad doonayso shilimaad adiga jeebka kuugu dhaca oo aanu waxba ka tari waynay waa mid aad shacabka u sheegi doonto’

Mudane Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo hadalka sii wata ayaa wuxuu yidhi ‘imikadani aynu joogno inta u dhexaysa 7 July ilaa 13-ka July ee sannadkani waxaa ka furmaya magaalada Gällivare ee dalka Sweden koobka kubadda cagta oo ay dhigto ururka xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka ee VIVA, ayaan darradu waxay tahay Somaliland waa lagu marti qaadi lahaa oo ay ka soo qayb geli lahayd, balse karti darrada wasiirka ayaa sababtay in ay somaliland tahay bilaa xul qarran.

Haddii ay somaliland koobkaasi ka qayb geli lahayd xita keliya cayaara ahaan uun maahe waxay waxtar u ahaan lahayd geediga aynu ugu jiro inaynu aqoonsi caalami ah beesha caalamka ka hello, waxay sumcad iyo karaamo u tahay qarrankeena iyo callankeena oo ka ag babanaya dawladaha ka soo qayb gallaya calamadooda, waxaana masuuliyad darridaasi iyo karaamo seegaasi sabab u ah wasiirkani, inta jeer ee aan xita baryey ee aan ka codsaday inuu dhiso xul qarran cad iyo qiyaas malaha” ayuu soo gebo gebeeyey Mubaarig hadalkiisa.

Wasiirka cayaaraha Somaliland Maxamed Siciid Maxamed ayaa dhawaan weraysi uu siiyey saxaafadda qaarkeed wuxuu ku eedeeyey Mudane Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi iyo Xasan Waraabe Cadde oo labaduba ka mid ah qurba jooga gacanta ka gaysta horumarka cayaaraha inay yahiin waxma tarayaal, hadalkani Mubaarig ayaa wuxuu jawaab u yahay hadalkaasi hore wasiirka uga soo baxay.

Weraysigani Waxaa Hadhwanaagnews usoo qaaday

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Birmingham, UK.  
Source: hadhwanaag

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: