Soomaali lagu xukumay 2 sanno oo xabsi ah

Nin 22 jir ah oo soomaali ah ayaa waxaa lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu soo eedeeyey in uu Follo ku dhacay dad waaweyn oo da’a ah iyo qaar kale oo naafo ah. Dhacitaankan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in uu sameeyey goor ay dadka badankiisu u arki karaan in ay tahay wakhti aan loo baahnayn in la baqo. Dhacdooyinkan lagu soo eedeeyey ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin qaar isku mid ah oo dadka lagu dhibayna ay yihiin qaar isku nooc ah, iyadda oo goobaha laga sameeyeyna ay isku dhowyihiin. Waxaa xukunka sii adkeeyey iyadda oo xeer ilaalintu ku soo oogtay in la adkeeyo xukunka maadaama ay dhibanayaashu yihiin dad taagdaran oo da’a wayn ama laxaad la’a. Taas oo u keentay in ay cabsadaan oo ay dibad u bixa ka baqaan.

 Inkasta oo islaan 88 jir ah oo Drøbak lagu dhacay ay sheegtay in qofka eedaysanaha ah ee la xukumay iyo ka wax ka dhacay ay kala cadaayeen oo qofka dhacay uu ahaa qof cad, ayaa hadana maxkamaddu waxay sheegtay in aanu shaki ku jirin in uu eedaysanuhu ahaa qofkii fuliyey falkan.

Ninkan soomaaliga ah ee la xukumay ayaa sheegay in aanu isaga ahayn qofka falkan sameeyey maadaama aanu joogin meelaha wax ka dhaceen, wakhtiyadii wax ka dhaceen. Iyadda oo ay sidaa tahay ayaa hadana waxaa uu boolisku sheegay in aanay taasi qiil u noqonahayn maadama moobiilkiisa la isticmaalay oo laga diwaangeliyey goobaha wax ka dhaceen, weliba xiligii ay wax ka dhaceen.

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: