“Dad badan oo ku nool Geeska Afrika ayaa doonaya inay carqaladeeyaan nabadgalyada iyo xasiloonida Somaliland ka jirta “Dr. Kin Howell.


 

Hargeysa (s.no) 18 june 2008 – Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dawladda Ingiriiska, ahna u qaybsanaha ururka dalalka Barwaaqo-sooranka Dr. Kin Howell
iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay ka soo deggay Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Wefdiga oo ka kooban shan xubnood waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiirrada Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Duulista iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancade, Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Maayarka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.


Waxaanna wefdiga loo soo kaxeeyey dhinaca xarunta Madaxtooyada Somaliland, halkaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku qaabilay, isla markaana kula yeeshay wadahadal iyo xog-warsi dhinacyo badan taabanayey oo si gaar ah u khuseeyey xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska iyo qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland.
Kulankaas kadib shir-jaraa,id oo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibedda ee Ingiriisku ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada socdaalkiisa, isaga oo sheegay inay Madaxweynaha ka wadahadalleen qodobo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin dhibaatooyinka iyo kor-u-qaadista dhaqaalaha Somaliland, in dhallinyarada shaqo abuuris loo sameeyo, xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya dawladda Ingiriiska iyo Somaliland sidii loo sii xoojin lahaa iyo arrimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika ka taagan.
Waxaannu Wasiirul dawluhu caddeeyey in deeqda dawladda Ingiriisku sannad kasta ku caawiso Soomaaliya ay 40% siiyaan Somaliland, isaga oo intaa raaciyey in Ingiriisku uu ka caawin doono Somaliland dhinaca dhaqaalaha iyo dagaalanka argagixisada.
“Dad badan oo ku nool Geeska Afrika ayaa doonaya inay carqaladeeyaan nabadgalyada iyo xasiloonida Somaliland ka jirta, taas oo si adag uga shaqaynaysa sidii ay cagaheeda ugu istaagi lahayd, una noqon lahayd dawlad casri ah, waxa jira baahi weyn oo Somaliland u qabto in laga caawiyo ladagaalanka argagixisada, dawladda Ingiriiska ayaana taa ka caawin doonta,” ayuu yidhi Dr. Kin Howell,
isaga oo intaa raaciyey in Somaliland ay daris la tahay dalal dhibaatooyin ka holcayaan, laakiin iyadu dadaalkeeda kaga badbaaday inay ku milanto goobaha colaaduhu hadheeyeen, isaga oo xusay in Somaliland leedahay dekad istaraatiji ah oo ku taal dhul muhiim ah oo noqon doonta awood wax lagala soo dego, isla markaana waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinaca khayraadka dabiiciga ah qani ku tahay, iyada oo sahamo dhinaca macdantina ay ka socdaan.
Isaga oo Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibedda Ingiriisku ka hadlayey dhaqaalaha Somaliland iyo taageerada dalkiisa waxa uu yidhi; “Miisaaniyadda Somaliland waxa ka maqan toban milyan oo giniga Ingiriiska ah (10 milyan pound), waqtigan xaadirka ahna caawimadda Ingiriiska ee loogu talo galay Soomaaliya, 40% waxaannu siinaa Somaliland, waxaananu diyaar u nahay in aannu dalka Somaliland ka caawino sidii uu dhaqaalihiisu u kobci lahaa, isla markaana uga maarmi lahayd inay mustaqbalka caawimo shisheeye ku tiirsanaato, sida oo kale waxaannu ka caawin doonaa sida ay dhallinyaradu shaqooyin u heli lahaayeen.”
Wasiirka oo ka jawaabayey su,aal ahayd, dadka qoxootiga reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska ee sida khasabka ah loo soo celinayo, waxa uu yidhi; “Arrintan waxaannu kala tashan doonaa, isla markaana iskaashi kala yeelanaynaa xukuumadda Somaliland. Dalna ma ogollaanayo inay dadka soogelayti ahi weligood ku dhex noolaadaan, markastana xuquuqdooda waa la tixgelinayaa, waxaanan u maraynaa shuruucda annaga looga yaal.”
Isaga oo Wasiirul-dawluhu ka jawaabayey su,aal kale oo ahayd waxyaabihii cajab galiyey ee uu ku kulmay Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxa I qanciyey saxaafadda xorta ah, sida ii muuqata, waxa kale oo xoog ii dareen galiyey dareenka iyo shucuurta waddaniyadeed ee ka muuqata dadka reer Somaliland, runtii waa dad ka fikiraya mustaqbalka carruurtooda, isla markaana doonaya inay noqdaan dal la aqoonsan yahay oo ka mid ah beesha caalamka.”
Dhinaca kale, waxa Wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda iyo weftigiisu la kulmeen gaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee haysta dhalashada Ingiriiska, iyaga oo aan haba yaraatee wax kulan ah la yeelan xisbiyada mucaaradka ah ayey isla shalayba ka dhoofeen dalka, iyada oo markii weftigu ka soo degeen madaarka Hargeysa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale ka horistaagay suxufiyiinta inay wax su,aalo ah oo la xidhiidha socdaalkiisa ku weydiiyaan qolka martida oo weftiga lagu soo dhoweeyey.
Ma aha markii u horreysay ee wefti noocan ah booqdaan Somaliland, waxana hore u booqatay magaalada Hargaysa Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsan Qaaradda Afrika dalka Maraykanka Mss. Jendayi Frazer iyo wasiiru-dawladihii hore ee Ingriiska u qaabilsanaa dalka Afrika.
Xilligan ayey bulshada caalamka khasab ku noqonaysaa inay il gaar ah ku hayaan nabadda iyo horumarka ka hanaqaaday Somaliland, iyadoo waqtigan Geeska Afrika ka holcayaan colaado daba dheeraaday iyo kuwo hor leh oo ka dhex qarxay waddamada Jabuuti iyo Eritrea.

Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: