GUDOOMIYAHA UHWA EE MALAYSIA AYAA AGAB SPORTS GUDOONSIIYAY CIYAARTOWGA DEGMADA ALLAYBADAY

  14.06.08, Xaflad siweyn loosoo agaasimay ayuu Gudoomiyaha UHWA Malaysiya Mudane Axmed Ismaaciil Cabdi (xaaji)  Ciyaartowga Allaybaday ku Gudoonsiiyay Qalab ciyaaraha oo isku jira, dirayso, kubado cagta iyo golayka,hadaba xaflad ayaa loo qabtay gudoonsiinta diraysyadaasi taasi oo Axmed ku gudoonsiiyay shan kooxood oo ka mid ah ciyaartayga Degmada Allaybaday. Xafladaasi ayaa waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan Cabdi Cali iyo xubno kale oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ciyaaraha Allaybaday.
 

 
Hadaba ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan  oo ugu horayn mahadnaq usoo jeediyay Axmed Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Malaysiya oo uu ku amaanay caawimadan uu soo caawiyay Ciyaartowga Degmada isaga oo yidhi waxa ay tani u noqonaysaa dhiirigalin waxa kale oo uu yidhi waxa aan iyana mahadnaq balaadhan usoo jeedinayaa UHWA WORLD WIDE oo uu yidhi waxa ay kor u qaadeen Waxa  ay kor u qaadeen waxbarashadii Degmada Mudadii ay gacanta ku hayeen waxbarashada Degmada Maanta waxa aan aad ugu faraxsanahay ayuu yidhi haddii ay ku dareen dhinacii ciyaaraha. 

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha UHWA Malaysiya Axmed Ismaaciil  waxaanu yidhi marka hore waxa aad iga gudoontaan salaam aan idiinka siddo UHWA WORLD WIDE, intaasi kadib waxa uu Axmed Ismaaciil bilaabay hadalo dardaaran ah oo uu ku dardaarayay ciyaartayga xafladaasi isugu yidhi, wuxuuna ka dardaaray balwahadaha xun xun sida jaadka oo kale  isaga oo yidhi Allaybaday waxa ay ku taalaa meel xad ah markaasi waxa laga mamaarmaan ah in aad ka foojignaataan balwahadahaasi.

waxa kale oo Axmed sheegay in ay UHWA ku howlanayd kor u qaadka Tayada Waxbarashada  ee Degmada  balse imika aanu iyana usoo jeedsan doono kobcinta ciyaarha kala duwan, isaga oo yidhi waxbarashada iyo ciyaaruhu ma kala maarmaan wuxuuna soo qaatay Maahmaah English ah ( all work and no play makes jack a dull boy) taasi oo yidhi wakhtiga fasaxa ardaydu waa in ay ciyaaraan.

Wakale oo iyana halkaasi ka hadlay xubno kale oo kasocday Maamulka ciyaaraha ee Degmada oo dhamaantood ciyaartowgii ka dardaaray balwaha xun xun.

Waa markii labaad ee qurbo joogta degmada u dhalaytay ay caawimo u keenaan ciyaartowga Degmada.

Koobkii Mujaahid Ahmed Golhaye oo sannadkii mar lagu qabto Degmada Allaybaday ayaa dhawaan ka furmaa dhamaan dugsiyada Degmada. Sannadkan waxaa ka qeyb galayaa kooxii ugu badnaa,oo ay tiradood gaadhaso 12 kooxood.


Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: