“Shacabka Reer Somaliland Hadii Ay NA Maqlaayaan Waxaan Odhan Lahaa Anaga Noo Codeeya, Laakiin Taasi Wax Suurto Galaya Maaha” — Muuse biixi cabdi

S/land.no (Hargeisa 13/06/08) – Saxannews – Dood wadaag ah oo ay ka qayb qaateen Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe,Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Mud:Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha Muj:Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ku dhex martay idaacada BBC-da waxaanay sheegeen in ay guud ahaanba soo dhawaynayaan wada hadaladii guusha ku dhamaaday ee ay sadexda xisbi isku afgarteen.
Waxaa kale oo ay sheegeen in ay deeq bixiyayaasha ku canaanteen in aanay sugin intii ay wada hadaladu u socdeen. Waxaana ugu horayn dooda ku horaynaaya Muj:Muuse Biixi waxaanu ku bilaabay “maanta waa guul in Shacabka Reer Somaliland mushkiladii hortimid ee xaasaasiga ahayd iyada oo aan cidina u soo gurman, oo aanay cidina dibada uga iman in Ilaahay waafajiyay in ay hawalaheeda dhamaysato, waa Ilaahay mahadii marka hore, mar labaadka Umadda ayaa guud ahaan ku mahadsan oo nin af kaga qayb gala iyo Nin duco kaga qayb-galaba umadu way kawada qayb qaadatay” Mar Muuse Biixi sida uu arko heshiiska ay sadexda xisbi ku gaadheen in ay u sinaadaan awoodaha dalka ka jira isla markaana la kala saaro xukuumada iyo xisbiga UDUB waxa uu yidhi “Horta waxa heshiiska ku qornaa waa wixii dastuurka ku qornaa, ee xeerka doorashooyinka ku qornaa oo horena ugu qornaa (Con of conduct) hore ugu qornaa oo aanu lifaaq ahaan meeshan ugu soo qornay mana aha wax cusub. Hore ayaan u sheegay in aynu wax walba u haysano wax cusub,laakiin bini-aadam ayaynu nahayoo khaladku wuu dhacaa, laakiin hadii uu khalad inaga dhaco in aynu isa saxno oo aynu is-qabano taasna waxaan  u malaynayaa in sida wanaagsan ee loo wada hadlaayo in aanu dhamaysan karayno oo wixii khalad ah la isaga iman karaayo lana sixi karaayo ayaan ku kalsoonahay.

Duruufaha oo iska adag awgood waxaa mar walba isku milma mar walba ama tan maanta joogta ha ahaato ama tu iman doonta ha ahaatee waxaanu ka waaninaynaa in la kala saaro in xisbiga talada haya iyo xukuumada dadka talada u haysa taasi waa naga xusuusin, waana wax iska dabiici ahoo qofka bini aadamka ah khaladkiisu wuu iska badan yahay markaa mar walba waa naga xasuusin.

Waxay ila tahay in maanta uu jawigu aad u wanaagsan yahay mar hadii aanu sidaa ku heshiinay”. Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe mar la waydiiyay rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in doorashada madaxtooyadu ay ku dhacdo xiliga aad ku heshiiseen waxaanu yidhi  “Horta mar kastaba ilaa iyo intii ay bilaabantay hanaanka dimuqraadiyadu anagu rajo wayn ayaanu qabnay, iyadoo xisbiyada la samaynaayo ayaa la lahaa doorasho ma dhacayso iyo way dhacaysaa, tana imika dhexda ayaynu kaga dhex jirnaa ilaa habeenkii la balamay ee 15-ka bisha May ahayd ee ugu horaysay ee aanu is aragnay ilaa maanta anigu rajo wanaagsan ayaan qabaa, waxaa la arkayaa in tani ay ka nixisay cadawgeenii faraha badnaa, waxaanan jecel nahay in heshiiskan oo qudha kuma eekee waxaa ka dhalatay heshiis af-garad oo guud ahaanba ka farxiyay shacabka reer somaliland” Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe mar la waydiiyay rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in deeq bixiyayaashii caalamku ay bixin doonaan lacagtii loogu talo galay doorashada ee ay joojiyeen xurguftii siyaasadeed ka dib waxa uu yidhi  “Horta waxaa weeyaan Anigu deeq bixiyayaasha aad iyo aad ayaan u canaananayaa, waxaa weeye waxay noo dul qaadan waayeen mudo bil ah, waliba aanu anagu dhexdeyada uu wada hadal noo socdo, waxay noogu jawaabeen in ay na yidhaahdeen lacagtii diwaangalinta waanu joojinay,

taa waxaan u arkaa in kalsooni darro ay anaga naga arkeen ay taasi ku dhacday, waana ta maanta nagu qasabtay ay nagu yidhaahdaan ilaa uu golaha wakiiladu uu soo saxeexo, ilaa ay guurtidu soo saxeexdo, ilaa uu madaxweynuhu uu soo saxeexo anagu waxba ma bixinayno. Markaa dawlada waxaanu leenahay waxaa ay deeq bixiyayaashu ay naga arkeen waa arkeen waa in la baabiiyaa, kalsoonidii aynu soo ceshanaa inaga oo aan la ina ictiraafin hadii aynu hadii ay markiiba ay kalsooni darro inagu dhacdo dee ictiraafna heli mayno” Gudoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya Mud:Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isagana waxaa la waydiiyay isla su’aashii hore ee ahayd sida uu arko deeq bixiyayaasha iyo in aan xisbiga UDUB iyo xukuumadu aanay isku dhex milmin waxaanu yidhi “Horta maanta waa Maalin Qaran oo Shacabka Reer Somaliland ay u tahay maalin qaran. Xagan sharciga ee aad ka hadlayso waxay ku qoran tahay Dastuurkeena waxaan qabaa hadii aanu nahay Xukuumadii maanta gaadhsiinaysay dalka doorashadii ka qabsoomi lahayd dalka waxaa nagu waajib ah marka uu arkin adkaado in aanu anagu debcino, maantana waanu debcinay wixii Somaliland carqalad ku ah waanu debcinaynaa” Mar la waydiiyay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha xisbiga Md:Muuse Biixi Cabdi rajada uu ka qabo in ay deeq bixiyayaashii caalamku in ay bixin doonaan lacagtii dooroshooyinka waxa uu yidhi “Laba qaybood ayay ku xidhan tahay cida ay ku xidhan tahay  wax somaliland ayay ku xidhan tahay,

 xukuumada,baarlamaanka,guurtida. Waxaan aad ugu kalsoonahay waxa Somaliland ku xidhan ee dhinacayaga ku xidhan hadii ay Xukuumada tahay, haday guurtida tahay, hadii ay baarlmaan tahay iyo hadii ay xisbiyada tahay in ay dhamaanayaan 100% ayaan ku rajo waynahay in ay dhamaanayaan. Waxaanay ila tahay mar hadii aanu anagu sidaa isugu kalsoonahay oo aanu sidaa isu ogolnahay qolada deeq bixiyaasha ahina in ay taayada raaci doonaan, mana garanaayo wax kale oo ay na odhan doonaan  waanu fulinay waajibkii ay doonayeen” ugu danbayntiina waxa uu Muuse Biixi dadweynaha reer somaliland uu ugu baaqay in ay cida ay rabaan isla markaana ay isleeyihiin wax ayay idiin qabanaysaa ay u codeeyaan waxaanu yidhi “dadka waxaan ku odhan lahaa laba yaanay isku khaldin waxa danta qaranka ee inaga wada dhaxeeya kay is yidhaahdaan kaas ayaa idin hogaamin kara ha doortaan, haday I maqlaayaan waxaan odhan lahaa anaga noo codeeya,laakiin taasi wax suurto galaaya maaha waxaa inagu waajib ah in aynu danta qaranka ka hor marino danta guud ayaan odhan lahaa”

 Source: Wargeyska Saxansaxo

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: