Wasiirka Arr-Dibada oo Casho Sharaf u Sameeyay Wefdigii Ingiriiska Intii aanay Dhoofin

Hargeysa(sl.no), 11 june 2008 – Wefdigii ka socday diblomaasiyiinta Safaaradaha Ingiriiska ee Dalalka Itoobiya , Kenya iyo Yeman , oo booqasho laba maalmood ah ku joogay Somaliland ayaa shalay galab ka dhoofay , ka dib markii ay dhamaysteen socdaalkoodii.
Wefdigan oo uu hogaaminayay safiir ku xigeenka Ingiriiska ee dalka Itoobiya John Marshal , oo saxaafada ugu waramayay dhabada diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa intii aanu ka dhoofin dalka ayaa sheegay in socdaalkoodu uu qayb ka ahaa sii xoojinta xidhiidhka Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

John Marshal waxa uu sheegay in mudadii labada cisho ahayd ee uu Somaliland ku sugnaa uu kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta Somaliland , isla markaana ay xog warano kala duwan ka dhagaysteen Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale .
Dhinaca kalena , Wefdigani ayaa habeen hore uu Wasiirka Arrimaha dibadu u sameeyay casho sharaf , isla markaana uu uga xog waramay xaalada siyaasadeed ee dalka , gaar ahaan heshiiskii dhawaan saddexda xisbi Qaran iyo xukuumadu ay saxeexeen ee lagu soo afjarayay khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee ka jiray dalka.
Wasiirku waxa uu wefdigan u gudbiyay warbixin ka hadlaysa xaalada Somaliland ee dhinacyada Nabad gelyada , Dimquraadiyada iyo qaddiyada ictiraaf raadinta.

Source: Somalilandnation

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: