WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY JAALIYADDA SOMALILAND EE NORWAY

Anaga oo tixraaceyna shirkii jaraa´id ee uu qabtey Wasiirka Ciyaaraha iyo Sporti-ga Mudane, Maxamed Siciid Maxamed, laguna baahiyey Telefishanka SPC, Wargeyska Saxan-saxo iyo Mareegaha Internett-ka. Waxa aanu halkan ku caddeynaynaa in aan waxba ka jirin warka Wasiirku sheegay ee ah in kooox ka socota Jaaliyada Noraway ay ka qeyb geliso ciyaaaro dhawaan ka dhacaya Hargaysa, isla markaana aanu Wasiirku wax xidhiidha la soo sameyn Gudddida Jaaliyada Norway.

Kolkaa waxa aanu la yaabnay halka uu wasiirku ka keenay warkaa isaga ayaana looga fadhiyaa inuu caddeeyo cidda ay kawada hadleen arinkaa.

Waxaan kale oo aanu aadd ula yaabney in Wasiirku uu cambaareeyay laba nin oo dhalinyaro ah oo la kala yidhaaho Mubaarik Bidhi iyo Xassan Waraabe Cadde oo uu sheegay inay wax ma tarayaal yihiin. Haddaba, waxa aanu ognahay in labadaa ninba ay hawl waxtar leh qabteen oo ay caawimo balaadhan gaadhsiiyeen ciyaartoyga Somaliland, Wasaarada ciyaarahana ay qalab ku caawiyeen marar badan.

Hadii aanu nahay Jaaliyada Norway wuxuu Mudane Xasan naga caawiyaa arimaha ciyaaraha waana nin aqoon badan arintaa u leh mar walbana ku fekeraya inuu uga faa´iideeyo aqoontiisa da´yarta soo koreysa.

Mudane Wasiir, Xasan iyo Mubaarik ma geyaan waxaad mar-marinayso waana rag Somaliland-nimadu ku adag tahay.

Allaa Mahad Leh

Af-hayeenka Jaaliyadda Norway

Kayse Cabdi Daahir

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: